Xog: Internet-ka oo laga jaray afar gobol oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya

0
Wednesday March 03, 2021 - 19:12:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Internet-ka oo laga jaray afar gobol oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya

    Muddo ku dhow toddobaad waxaa uu qadka Internet-ka ka maqanyahay guud ahaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobalka Gedo oo dhamaantood ku yaalla Koonfurta Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo ku dhow toddobaad waxaa uu qadka Internet-ka ka maqanyahay guud ahaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobalka Gedo oo dhamaantood ku yaalla Koonfurta Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay jareen guud ahaan Internet-ka goballadaas lamana oga sababta keentay in amarkaas ay soo saaraan Al-Shabaab. Xubno ka mid ah maamullada gobalada iyo degmooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay in guud ahaan qadka ka maqanyahay islamarkaana ay Al-Shabaab jareen iyagoo amar dul dhigay shirkadaha bixiya Internet-ka ee gobaladaas. Al-Shabaab ma aysan faah faahin sababta ay u soo saareen amarkaan, sidoo kale maamullada shirkadaha ma aysan bixin faah-faahin ku aadan waxa ay isku haayaan iyaga iyo Al-Shabaab. Waqti adag ayey oo ay abaaro xoog leh ka jiraan aagaas ayey Al-Shabaab qadka gooyeen waxa uuna saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan degaanada maamuladaas. Xiriiro aan la sameynay shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya Internet-ka ayaa sheegay in adeegyada kale ay fiicanyihiin sida wicitaanka mobilka iyo adeegyada kale ee lacagaha la isugu diro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip