HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 3 MAR 2021

0
Wednesday March 03, 2021 - 10:49:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/W MOGTIMES 3 MAR 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Afar su’aal oo ka dhashay shirka uu iclaam iyey Farmaajo

Su’aalo wata lama filaan ayaa ka dhashay shi rka uu Habeen hore mar kale madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleed yada dalka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Jamhu uriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed C/hi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigel inaya munaasabad lagu dhammeystirayo dada alkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta door ashooyinka dalka ee udhexeeyey DFS , Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Ban aadir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Su’alaaha badankood kama taagna shirka ee waxay ku qotamaan xilliga lagu dhowaaqay iyo xilliga la qorsheeyey inuu shirka dhacao, haddi iba ay ogoladaan madaxda maamullada Puntl and iyo Jubaland, oo horey u diiday inay shir da mbe la galaan Farmaajo, ayada oo aan la fulin shuruudo dhowr ah.

Su’aalaha shirkan ka dhashay ayaa waxaa ka mid ah.

1 – Maxay Villa Somalia u dooratay inay shirka iclaamiso saacado un kadib markii uu dhamma aday shirkii ra’iiusl wasaare Rooble iyo Midow ga Musharaxiinta, islamarkaana Rooble ku dho waaqay guddi baaraya dhacadadii ay ciidamada dowladda ku weerareen dibad-baxayaal 19-kii Febraayo. Madaxtooyada oo horey caan ugu aheyd in mar kasta oo war aysan jecleysan uu bulshada ku dhex-baaho, ay ku disho mid kale, ma sidaas oo kale ayay ka damacasaneyd iclaa minta shirkan? Maxay xitaa ugu sugin illaa Sha lay?

2 – Maxaa shirka uu iclaamiyey Farmaajo loogu beegay Khamiista, oo ah isla maalinta ay shir saddexaad u ballan-san yihiin Midowga Musha raxiinta iyo Rooble. Ma madaxweyne Farmaajo ayaa ka shakiyeey doorkii Rooble, oo hadda u muuqda inuu la wareegayo talada maamulka do orashada, sidaas darteedna loo iclaamiyey shir uusan qeyb ka noqon doonin, maadaama uu ba llan kale dhigtay, xilli uu shirarkii hore ee doora shada ka qeyb-galay? Ma shirkan ayaa lagu dil ayaa saameynta iyo hadalka-haynta shirka Ro oble iyo mucaaradka ee 4-ta Maarso?

3 – Shirkan ma waxaa hoos loogu dhigayaa he shiiska Rooble iyo Musharaxiinta, ayada oo me esha laga saarayo sheekada ah saamileyda ha ka qeyb galaan shirarka soo socda, xilli ay jira an warar sheegaya in shirka saddexaad ee Roo ble iyo Mucaaradka arrimaha looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii ay musharaxiinta qeyb uga noqon lahaayeen wada-hadallada ku saabsan doorashada?

4 – Ma Rooble ayaa gaaday mucaaradka, oo is aga iyo Farmaajo ayaa is og, oo tani waa cay aar siyaasadeed lala dheelalayo mucaaradka, mise Rooble ayaa markii horeba muujiyey aw ood iyo go’aan siyaasadeed oo uusan laheyn, oo isaga naftiisa ayaaba sidaas loogu cayaa ray?

Jawaabo badan waxay soo bixi doonaan saa cadaha iyo maalmaha soo socda, hase yeeshee waxaa muuqata in cayaarta siyaasadda Soo maaliya aysan weli fari ka qodneyn?

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay am marro cusub iyo goobaha Waxbara shada oo la xiray

Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa Xalay soo saartay amarRo culus oo lagu xakameyna yo faafitaanka cudurka Covid-19.

Wasiirka Warfaafinta xu kuumadda Soomaali ya Cusmaan Abuukar Dub be ayaa shaaca ka qa ad ay in la fasaxay shaqaalaha dowladda, isl amarkaana ku dhawaa qay in la xiray goobaha waxbaro ee dalka.

Isku socodka magaalooy inka ayuu sheegay in uu sidiisa sii ahaanaayo,hase’ahaate la farayo Baj aajlayaasha,BL-ka iyo Basaska in ay ilaaliyaan nadqabka dadka korna u qaadaan Nadaafadda.

Muddo Bil ah ayuu acdeeyay in la xiray garo omada Kubadda Cagta,isaga oo faray dadka in ay yareeyaan kulanka Maqaayadaha iyo isku im aatinada kalana aan la ogoleyn.

Wasiirka warfaafinta Cusmaan Abuukar Du bbe ayaa ugu baaqay wasaaradda Caafimaad ka in ay la timaado qorshe lagu xakameynayo dadka dalka soo gelaya iyo kuwa baxaya bad qabkooda,qofkii isaga oo qaba dalka soo galana uu iska bixi doono Lacagta Karantiilka.

Xildhibaan ka tirsanaa BF oo Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa M/Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble oo ku magac dheeraa Xildhibaan ‘Casoowe’

Xildhibaan Casoowe ayaa ka tirsanaa baarl amaanka 10-aad ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka. Waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaa na ku dhacay cudurka Corona virus, oo si weyn ugu baahay dalka.

Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsa naa Muqdisho, si da ay noo sheege en xildhibaano noo xaqiijiyey geeridiisa.

Guddoomiyaha Golaha Sha cabka Maxamed Mursal Sh. Ca bdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay dha mmaan xildhib aanada Golaha Shacabka, qoyskii iyo qaraab adii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbiil Ca soowe.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qo raal uu soo sa aray ku yiri, "Wa xaan tacsi tiiraa nyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummad da Soomaaliyeed ee uu ka baxay xil dhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jann adii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisa na samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.” Xildhibaan Casoowe waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weynaa golaha shacabka, waxaana laga soo doortay gobollada waqooyi ee Somaliland.

Madaxtooyada Soomaaliya oo Jawaab adag siisay midowga musharaxiinta

Madaxtoyada Soomaaliya ayaa kajawaabtay eedeyn cusub oo ay u jeediyeen xubnaha mid owga musharaxiinta Mucaaradka ah,taas oo ku qotontay banaanbaxa la qorsheeyay Sabtida.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada So omaaliya C/rashiid Xaashi oo la hadlay Talefish inka Universal ayaa ka hadlay eedeyn culus oo ay u jeediyeen mushar axiinta,taas oo aheyn in ay carqaladeyneyso Ban aanbaxa.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in aysan jirin saameyn ay isku leeyihiin shirka ay ku dhawaaq day dowladda iyo heshiiska xukuumadda iyo mi dowga musharaxiinta,isaga oo sheegay in dow ladda ay ka go’antahay in doorasho ay ka dha cdo dalka.

Afhayeenka ayaa rajjo kamuujiyay in la is kugu yimaado shirka 4-bishaan isamarrlaana la gu gaara xal saldhig u ah heshiiskii guddiga fars amo ee magaalada Baydhabo.

Ku-xigeenka cusub ee Wakiilka Q/Midoobey ee Somalia oo soo gaartay magaalada Muqdisho

Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Q/Midoobay (DSRSG), Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa maanta timid ma gaalada Muqdisho si ay si rasmi ah ula ware egto waajibaadkeeda xileed ee Howlgalka Kaal meynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

"Sharaf ayay ii tahay fursadda la iisiiyay in aan kusoo biiro bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan waqtigan muhiimka ah oo dalku isku diyaarinayo geedi-socodka doo rashooyinka ee kusoo fool leh,” ayay tiri Mar wo Gbeho. "Waxaan rajeynayaa in aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooda, iyo dhamaan saaxiibada Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami, oo aan kala shaqayn doono si dii horumar waara loogusoo dabaali lahaa dal ka.”

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud, James Swan oo ka hadlay ayaa yiri "Waxaan ku faraxsanahay in Marwo Gbeho kusoo biirto bahdeena Qaramada Midoobay, iyadoo kaalin hogaamineed ka cayaari doonta hawlaha UNS OM ee dhinacyada siyaasadda, doorashooyin ka, xuquuqda Aadanaha, sarreynta sharciga iyo dhinacyada amniga.”

Marwo Gbeho waxay nagusoo biirinaysaa in ka badan 25 sano oo khibrad ah oo ay u leed ahay qorshaynta istiraatiijiyadeed, isku-dubarid ka iyo maaraynta arrimaha siyaasadda, horuma rinta iyo arrimaha beni’aadanimo oo ay ugasoo shaqaysay Xarunta Dhexe ee Qaramada Mid oobay iyo xarumaha hawlgallada ee ku kala ya al Angola, Cambodia, Ciraaq, Namibia, Sooma aliya iyo Koonfurta Sudan. Ka-hor intii aanay ku soo biirin UNSOM, Marwo Gbeho ayaa ahayd Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Darfur (UNAMID).

Mucaaradka oo ka horyimid qorshaha Farma ajo, kuna eedeeyey ‘xagal-daacin’

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaal iya oo Shalaysoo saaray war-saxaafadeed ayaa nasiib-darro iyo xagal-daacin ku tilmaamay shir ka uu madaxweynaha waqtigu

ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad gob oleedyada, kaas oo loo asteeyey inuu Muqdisho ka dhaco 4-ta bishan.

Musharaxiintu waxay sheegeen in wadah adalladii ay la yeesheen ra’iisul wasaare Rooble laga gaaray isfaham horu-dhac ah, kaas oo dej iyey culeyskii iyo xaaladdii kacsanaanta ahayd ee dalka ka taagnayd, gaar ahaan magaalada Muqdisho, sida ay qoraalkan ku sheegeen.

"Wareeg kale oo wadahadal ayaa labada dhi nac ugu ballameen maalinta Khamiista ah ee ay bishu tahay 04/03/21 si loo dhammeystiro arr imaha qabyada ah ee la xariira cidda yeelan aysa mas’uuliyadda hoggaamineed ee amniga iyo doorashooyinka, maaddaama uu muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee dalka uu dhammaaday, kaalinta Midowga ee wadahada llada Doorashooyinka iyo furitaanka maslaxada siyaasadeed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka midowga musharaxiinta ayaa intaas ku sii daray, "Waxaa nasiib-darro ah in madax weynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Ma xamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xag aldaacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysal wasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawa aqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddi isa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqalade eyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.”

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ka dig ay cawaaqib xumida ka dhalan karta in la fasha liyo wadahadalladaas u socda iyaga iyo ra’iisul wasaaraha, waxayna dalbadeen in fursad la siiyo wadaxaajoodka socda.

Dhinaca kale midowga musharaxiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kala soo qayb galaan Muddaharaadka maalinta Sabt iga ah ee 6-da bishan, kaas oo ka dhacaya Da ljirka Dahsoon.

"Goluhu wuxuuna Xukuumadda ugu baaqa yaa in ay gudato waajibka sugidda amniga sha cabka iyo dibadbaxayaasha sida heshiisku ah aa,” ayaa lagu yiri qoraalka.Ugu dambeyntii qor aalkan waxaa lagu yiri, "Goluhu wuxuu ugu baa qayaa raysalwasaaraha, madaxwaynayaasha dawlad goboleedyada, iyo beesha caalamka in aysan qayb ka noqon tallaabooyinka gurracan ee uu madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ku carqaladaynayo xasilloonida dalka iyo xal u hel idda geeddi socodka doorashooyinka.”

HOOS KA AKHRISO.......................................

Xigasho:caasimadda.net

Maalinta uu dhacayo dibad-baxaya ay ku he shiiyeen Rooble iyo Mucaaradka oo shaaca laga qaaday

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirax maan Cabdishakuur oo Habeen hore khudbad ka jeediyey markii uu soo dhamaaday shirkii xu kuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga mushar axiinta ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo mud aharaadkii ay horay u iclaamiyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ayaga iyo xukuumadda Rooble ay ku heshiiy een in mudaharaadkaasi dhaco maalinka Sabti ga ah ee soo socota oo taariikhdu ku began tahay 6-da bishan Maarso.

"Qodobada aan isku raacnay waxaa ugu hore eya in xukuumadda xil-gaarsiinta aan ka wada shaqeyno in banaanbaxii uu dhaco maalinka Sa btiga ah ee 6-da bishaan, kaas oo ka dhici doo na fagaaraha Daljirka, waxaa banaanbaxaan soo jeediyey midowga musha raxiinta oo soo ab aabulaya, xukuumadda wax aan ku heshiinay in ay kala shaqeyso amniga mas’uuliyadeedna ay qaadato, taas waa naga aqbaleen,” ayuu yiri Ca bdiraxmaan Ca bdishak uur.Sidoo kale Cab dir axmaan waxa uu sheegay inay wada magacaa been guddi soo ba ara ci dda iska leh mas’ uuliyadda wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bi shii hore ee Febraayo. Gudd iga as oo dhama antiis ka kooban saraakiil sare ayaa kala metelaya mucaaradka iyo xukuumadda, waxuuna she eg ay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in qibradda xu bnahaan ay labada dhinacba ku qana csa nyi hiin.

Lixda sarkaal ee loo magacaabay baaritaan ka dhacdadaas ayaa kala ah.

1- S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)

2- Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji

3- S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuury are

4- S/Guuto Maxamed Cali Bariise

5- G/Dhexe Yaasiin Cabdullahi Maxamuud

6- Xuseen Macalin Maxamuud

Hoos ka Daawo C/Raxmaan C/Shakuur

Mareykanka oo si adag ula hadlay DF Soom aaliya iyo dowlad goboleedyada

Iyadoo wali aysan jirin wax isku soo dhaw aansho ah oo laga gaaray shirka la rabo iney is ugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaal ka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, ayey dow ladda Mareykanka si adag kaga hadashay xaal adda cakiran ee dalka.

Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Mu qdisho ayaa twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ugu baaqeyso madaxda dowladda iyo dowlad aha xubnaha ka ah iney si dhaqso leh ku kulma an isal markaana gaaraan go’aan u fiican umad da Soomaaliyeed, iyadoo laga rabo iney dham eystiraan arrimaha doorashooyinka.

Qoraalkaan oo ay uga jawaabayeen baaq ka soo baxay beesha caalamka oo adkeynayay in horay loo wado wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo midowga musharaxiinta, laguna baaqayay in si dhaqso leh la isku arko ayaa u qornaa sidaan:

"Waqtiga wuu socdaa, waxaan ku booriney naa dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah iney hadda kulmaan, sameeya wax u wanaagsan dadka oo dhamey stira doorashada”

Hadalka kasoo baxay safaaradda Mareykan ka ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha mud do xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdull aahi Farmaajo uu shir hal maalin ah ku baaqay Khamisita oo ay taariikhdu ku beegan tahay 4-ta March, isagoo sheegay in la rabo in lagu saxiixo kaliya is fahamkii lagu gaaray Baydhaba.

Lama oga in qoraalkaas kasoo baxay Villa Soomaaliya la hirgalin doono iyadoo aysan wali ka hadlin madaxda maamul goboleedyada, sidoo kalana aysan ka hadlin beesha caalamka.

Dadka siyaasadda ka hadla waxey leeyahiin, shirka la rabo in xal looga gaaro arrimaha taa gan ee doorashooyinka maahan mid hal maalin loo asteyn karo, waa mid la rabo in lagu gaaro heshiis wadareed la iskula meel dhigo waxy aabo badan oo khuseeya xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay kulankii R/W ROOBLE iyo Mucaaradka kuna baaqday arrin kale

Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay wa da hadallada socda ee ay yeelanayaan Dow ladda Soomaaliya iyo Midowga musharaxiinta madaxweynaha kaas oo markii labaad Dorraad la isku arkay.

"Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweyn ayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumad da Federaalka Soo maaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiin ta Madaxweyna ha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanay aan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxii nta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan hor umar hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Inkastoo aysan soo hadal qaadin baaqii Hab een hore kasoo baxay Villa Soomaaliya ee qee xayay in shir la isugu yimaado Khamiista oo ay taariikhda ku beegan tahay 4-ta Maarso, had ana waxey ku baaqeen in si dhaqso leh shir la isugu yimaado isla markaana aysan dib u dhac ku imaan ka hadalka arrimaha doorashada.

"Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madax da DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeed kii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xa qiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegi sta soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe,” ayey yiraahdeen xubnaha beesha caalamka.

Dowladda Federaalka iyo Midowga musha raxiinta waxey fadhiyadooda labada ah ku gaar een go’aamo muhiim ah, sida in wadajir loo qab to dibadbax nabadeed oo dhaca sabtida 6-da Maarso, sidoo kalana la xulay guddi labada dhin ac ah oo ka shaqeeya arrinkaas.

Inkastoo Khamiista ay wajiga saddexaad u balansanaayeen labada dhinac hadana qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu iclaami yay shir hal maalin ah oo maalintaas qabsooma ya ayna yeelanayaan dowladda Federaalka, Do wladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir.

Beesha caalamka kama hadlin qoraalka ka soo baxay aqalka Madaxtooyada, mana jirto cid soo hadal qaaday oo ka hadashay, iyadoo taas badalkeeda ay beesha caalamka bogaadisay wi xii kasoo baxay wajiga labaad ee shirkii Hotel Decale.

Qoraalka waxa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM ISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Finland,Faransiiska, Jarmal ka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaani ga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Isla amka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoo bay.

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay qoraal kii Farmaajo, shaacisayna goobta ay doon eyso in lagu shiro

Puntland ayaa jawaab kulul ka bixisay qor aalkii Habeen hore kasoo baxay madaxweyna ha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdul laahi Farmaajo ee uu shir isugu yeeray madax da maamul goboleedyada.

Puntland ayaa qoraal ay Xalay soo saartay ku tiri "Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muuji naysaa in Madaxweyna ha muddo xileedkiisu dha mmaaday Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tilla abooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi soc odka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Puntland ayaa taa beddelkeed sheegtay in ay taageereyso dadaallada ay wadaan rai’iisul wasaaraha xilka sii haya iyo Midowga Mushar axiinta.

"Dowladda Puntland waxay u aragtaa dada alada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland waxay kale oo sheegtay inay mar kasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xal ka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho he shiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 Sep tember 2020.

"Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xa fiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay di yaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dow ladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caal amka uga mahad celinaysaa dadaalada joogta da ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Amiirka Al-Shabaab oo soo diray farriin uu is-barbar dhig yaab leh ku sameeyeey

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay codka hoggaamiyaha ururkaas Axmed Cumar Abuu Cubeyda, isagoo ka hadlaya halg ankii Daraawiishtii uu hogaaminayay Sayid Max amed Cabdulle Xasan, kaas oo xiligiisii ay had da ka soo wareegtay 100 sano.

Abuu Cubeyda waxuu isbarbar dhigayaa halgankii Daraawiishta ee Sayidka iyo dagaalka ay Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya, waxu una sheegay inay is shaabahaan, maadaama sida uu sheegay xilligaas ay Sayidka iyo Daraawii shtiisa ay ka hiiliyeen dad Soomaaliyeed.

Hadda waxa uu sheegay in dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya ay kula ji raan shisheeye, balse shisheeyuhu uu gacan ka helayo dad Soomaaliyeed oo ka hiilinaya iyaga, sida uu hadalka u dhigay,

Sidoo kale hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cu beyda waxa uu sheegay in Shalay xaaladda ka jirta Soomaaliya ay ka darantahay tii xilligii Dar aawiishta, oo shisheeyihii xilligaas ay hadda soo casriyoobeen, sida uu hadalkiisa u dhigay.

"Shalay waa sidii xiligii daraawiishta oo kale, waxaase intaas sii dheer in shisheeyihii Shalay ay dibadaha ka keensadeen, kuwo ay soo carbi yeen oo tababar ay soo siiyeen, isla markaana sita aqoonsiga dowladaha shisheeye ee soo dir saday,” ayuu yiri ninka hoggaamiya maleeshi yada Al-Shabaab. Xigasho:caasimadda.net

SACIID DENI oo shaaciyey arrin ay isku hay aan DF Soomaaliya iyo Puntland

Madaxweynaha dowlad goboleedka Pun tland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo wa reysi gaar ah siiyey Universal TV ayaa ka had lay khilaafka soo noq-noqday ee maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Saiciid Deni ayaa marka hore eedeyn culus u jeediyey Madaxweynaha uu waqtigiisu dham maaday, wuxuuna sheegay inuu diidan nidaam ka federaalka ee ka jira dalka.

Sidoo kale Deni ayaa shaaca ka qaaday in uusan jirin khilaaf weyn oo ka dhexeeya Punt land iyo dowladda federaalka, balse ay kasoo horjeedaan siyaasadda Farmaajo.

"Waa muhiim in la fahmo oo si sax ah loo sharaxo wa xa Puntland iyo dowladda fe deraalka isku haayaan, laa kin waxaan idiin cadeynay aa in uusan jirin khilaf weyn balse ay kasoo horj eedaan siyaasadda Madaxweynaha muddo xil eedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo,” ayuu war eysigan ku Madaxweyne Saciid Cabdullahi Max amed (Deni).

Deni ayaa sidoo kale ku eedeeyey madax weynaha waqtigiisu dhammaaday inuu ku tu ntay dastuurka & shuruucda u taalla dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Punntland ayaa ka mid ah maamulllada sida weyn uga soo horjeeda dowladda dhexe, gaar ahaan hannaanka ay ku wajaheyso doorashada dhaceysa sanadkan aynu ku jirno ee 2021.

Xubno Shabaab ahaa oo howl-gal lagu laayey

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo bax aya khasaaraha ka dhashay howl-gal ay qaa deen ciidamada dowladda Soomaaliya oo saac adihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mdi qorsheysan ayaa wa xaa lagu qaaday deegaanka Gamboole oo hoo staga magaalada ee caasimada HirShabelle, xi lli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka qeybta 16-aad oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi lu dilay ku dhowaad ka tirsanaa dagaalyahanada Shabaab.

Sidoo kal saraakiisha ayaa intaasi sii raaci yey inay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad milatari oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciida mada dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaa qyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.


Cumar Filish oo ka hadlay dibad-baxa mucaa radka ay Muqdisho ka dhigayaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay banaanbaxa maalinka Sabtida ah ee soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo mucaaradku uu soo abaabulayo.

Duqa Muqdisho oo wareysi siiyey VOA ayaa wax laga weydiiyey sida maamulka gobolka Ban aadir uu isku mar u marti geli karo banaanbax dowladda looga soo hor jeedo iyo shirka ma daxda dowladda federaalka iyo dowlad gob oleedyada.

Waxuu sheegay inay awoodaan inay isku mar maareeyaan banaanbaxa iyo shirka uu icl amiyey madaxw eyne Farm aajo Cumar Filish ayaa sheegay in rabi ta ankooda uusan ku imaan ban aanbax aas, balse ay ku qa sban yihiin inay sugaan amma anka, si dhib la’aan ay ugu soo dhamaato how shu.

"Maalmihii lasoo dhaafay waxaan mucaarad ka kala hadleynay arrinta banaanbaxa, laakiin way ku adkeysteen, anagu waxaan u sheegnay in banaanbax nabadeed aanaa diidaneyn, balse amiga iyo caafimaadka ay caqabado ka jiraan,” ayuu yiri Cumar Filish.

Waxa uu sheegay in wadaxaajood dheer ka dib ay isla qaateen iyaga iyo musharaxiinta, in rabitaankooda loo fuliyo, iyadoo taxadar laga muujinaayo dhinacyada amiga iyo caafimaadka.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay uga qeyb qaadanayaan banaanbax dowladda looga soo hor jeedo, waxa uu sheegayin banaanbaxu uu yahay rabitaanka mucaaradka, balse iyaga ay mas’uuliyadi ka saran tahay ammaanka.

Mar wax laga weydiiyey sida ay ku suurta ge leyso in magaalada lagu wada qabto banana baxa mucaaradka iyo shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo ee dowlad goboleedya da, ayuu sheegay in waxaba aysan iska quseyn oo la isku reed wadi karo.

"Sida ugu fudud oo dhibaatadu ku yaraa kar to iyagana rabitaankooda uu ugu fuli karo ayaan u maareyn doonaa howshaas, mida kale ma daxweynuhu waa marti qaaday dowlad gobole edyada oo waa imaanayaan, wax is khuseeya na maaha, sidii caadiga aheydna waa shir dad lambar kooban ah ay isku arkayaan, wax kas tana si taxadar leh ayey ku dhici doonaan,” ay uu hadalkiisa sii raaciyey Cumar Filish.

Axmed Madoobe oo qoraal uu soo saaray la ba shardi ku xiray shirka doorashada

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitterka waxuu ku shaaciyey mowqifkiisa ku aadan shir kale oo madaxda dowladda fede raalka iyo dowlad gobo leedyadu ay isugu yima adan, waxuuna ku xiray laba sharuudood.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay diyaar u ta hay ka qeyb galka shir ka dhaca meel ammaan keeda lagu kalsoonaa karo iyo in gundhigga shi rkaas uu ahaado heshiiskii ay madaxdu gaar een 17-kii September.

Sidoo kale qoraalkan oo lagu baahiyey barta twitterka ee madaxweyna Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyey oo lagu bogaadiyey wadahada llada ra’iisul wasaare Rooble iyo midowga mu sharaxiinta.

"Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wa da hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo mido wga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u ta hay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnig eeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17,” ayaa lagu yiri qoraalka maad xweynaha Jubbaland. Qoraalkan Axmed Madoo be waxuu ku soo aadayaa iyadoo madaxweyna ha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu iclaami yey shir madaxda dowlad goboleedyada uu uga dalbaday inay Muqdisho isugu yimadaan 4-ta bishan.

Hase yeeshe horay madaxweynayaasha Jub baland iyo Puntland ayaa u soo jeediyey dalab ah in shirkaas lagu qabto goob ammaankeedu ka madax banaanyahay Madaxweynaha waqt igu ka dhamaaday, dalabkaas oo sida muuqata aan weli la xalin.

DACWADDA SOOMAALIYA IYO KENYA: WAX KA OGOW QAREENNADA KENYA KU HOGGAAMINAYA ICJ.

Maxkamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in 15-ka bishan ay billaabeyso dhegaysiga dacwadda muranka xuduudda ba dda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Qareennada labada dhinac ayaa isu diyaa rinaya sidii ay kiisas adag ula tagi lahaayeen maxkamadda, waxaana Kenya ay qoratay qare enno cusub sida uu shaaciyay wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi.

Kenya ayaa bishii hore laga diiday codsi ah aa in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwadda, iya doo soo bandhigtay sababo uu ka mid yahay cu durka Covid-19.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u ta hay dhegaysiga dacwadda, Kenya-na aan laga aqbali karin dib u dhac kale.

Haddaba Maxay yihiin qareennada hoggaa minaya dacwadda Kenya ee ICJ?

Prof. Sean D. Murphy iyo Garsoore Tullio Treves ayaa hoggaamin doono qareennada Ke nya oo ka kooban sideed xubnood. Waa dad aq oon duruqsan u leh murannada xuduud badeed ka, waxayna horay u mataleen dalal kale.

Prof. Murphy

Prof. Sean D. Murphy ,waa aqoonyahay xiriirka caalami ga ah ka dhigay Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda The George Washington, hal kaas oo uu bare ka ahaa tan iyo 1998.

Ka hor inta aanu bare ka noqon jaamacad daas, waxa uu lataliye sharci u ahaa safaaradda uu Maraykanka ku leeyahay magaalada The Ha gue, isagoo Maraykanka ku matalayay maxkam adda gaarka ah ee loo sameeyay tacaddiyadii ka dhacay Yugoslavia.

Waxa uu qareen u ahaa oo uu maxkamada ha caalamiga ah ku matalay dalal ay ka mid yih iin Itoobiya, Urdun, Kosovo, North Macedonia, Suriname, iyo Maraykanka.

Garsoore Tullio Treves

Waxa uu ahaa garsoore ka tirsan Maxkam adda Caalamiga ah ee Shuruucda Badaha, sanadihii 1996 illaa 2011.

Kiisaska muhiimka ah ee uu hoggaamiyay wax aa ka mid ah dacwaddii ay isku hayeen Faran siiska iyo Canada oo ku muransanaa xuduud ba deedda jasiiradda Saint-Pierre-et-Miquelon. Waxa uu hadda ka mid yahay qareen nada Peru ee dacwadda kala dhaxaysa Chile, taas oo weli hortaalla maxkamadda ICJ.

Waa bare jaamaca deed oo shuruucda ca ala miga ah ka dhiga kuliyadda sharciga ee Jaama cadda Milano, shaqadaas oo uu hay ay tan iyo 1980. Gars oore Tullio Treves Qa reenna da kale ee matalaya Kenya ayaa kala ah: Phoebe Okowa, Makane Mbengue, Laur ence Boisson De Chazournes, Christian Tam s iyo Eran Sthoeger oo dham maantood barayaal jaamacade ed ah. Waxaa caawin doona Coalter Lathrop oo ku xeel-dheer qiimeynta juquraafiga.

Soomaaliya ayaa sannadkii 2014, dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay maxkamadda ICJ, iyadoo doonaysa in cabbirka xadka badda lab ada waddan si toos ah loola dhiririyo xadka dhul ka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay ayaa gaaraysa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.Xigasho:BBCSomali

Nin Soomaali ah oo gargaar u fidiyay qaxootiga Suuriya ee Turkiga.

Taha Saalax oo ah wiil Soomaaliyeed ayaa u safray xero ku taalla dalka Turkiga si uu caawiyo qaxooti Suuriyaan ah oo ku nool hal kaas, sida ay ku warrantay warbaahinta Daily Sabah.

Waxay intaas ku dartay in Taha uu ku dhashay Soomaaliya isla markaana uu ka qaxay dalka xilliggii dagaalladA sokeeye, wuxuuna ku noola dalka UK.

Markii uu booqasho ku tegay xerada ku taalla gobolka Sanliurfa wuxuu lacago gaarsiiyay qax ootiga Suuriyaanka ah.

Taha Saalax wuxuu sheegay in markii uu baraha bulshada ka arkay dhibaatada ay ku nool yihiin qaxootiga uu lasoo xiriiriyay ha’yad maxalli ah oo ka howlgasha gobolka.


Immisa duqeymood ayuu Trump ka fuliyey Soomaaliya?

Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Biritan oo dii waangelisa dadka rayidka ah ee ku waxy eellooba colaadaha laguna mag acaabo Airwars ayaa sheegtay in weerarrada uu Maraykanku qaaday xilligii uu talada hayey Madaxweyne Donald Trump ay aad uga badna ayeen waqtiyadii madaxweynayaashiii ka horree yey ee Barack Obama iyo George W. Bush.

Airwars oo wax ka qorta waddamada Sooma aliya, Libya, Syria, Iraq, Yemen iyo Pakistan wa xay sheegtay in maamulkii Trump uu Sooma aliya ka gaystay 276 weerar oo cirka ama dhul ka ah intii u dhaxaysa 2017-kii ilaa 2021-ka, wa xayna sheegtay in weeraradaas 205 ka mid ah rasmi ahaan loo shaaciyey.

Taas marka la barbardhigo xilliyadii ay talada hayeen Obama iyo Bush ayey hay’addu sheeg tay in Soomaaliya Maraykanku ka gaystay 67 hawlgal. Waxay sheegtay Airwars in xilligii Tru mp uu maamulku dabciyey xeerarkii u yaallay hawlgallada milatari ee Maraykanku Soomaaliya ka gaysanayey sida ay qortay jariidadda New York Times.

Waxay sheegtay in sannadkii hore ee 2020-ka inkastoo uu jiray xanuunka Covid-19 hadd ana ay Somaaliya ka dhaceen 54 duqaymood.

Airwars waxay sheegtay in duqaymaha Soomaa liya ay yaraadeen muddadii u dhaxaysay 17-ka May ilaa 9-ka Juulaay 2020-ka, waxayna taas la xiriirisay xanuunka Covid-19.

Waxay sheegtay Airwars in ka sokow tirada badan ee duqaymaha inay hoos u dhaceen dad ka rayidka ah ee lasoo sheegayo inay waxyeella du kasoo gaartay sida ay diiwaangelisay hay ’addaasi.

Sidoo kale hay’addani waxay sheegtay in hawlaglada wadajirka ah ee ay qaadayeen Mar aykanka iyo ciidamada Soomaalida ay u ekaa yeen dagaallo rigliga ah.

Tusaale ahaan ayey tiri hay’addu ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidu waxay ku gulays teen inay Al-Shabaab ka saaraan Jannaale sa nnadkii hore, waxaana hawlgalkaas dhinaca ha wada ka taageeray ayey tiri lix duqaymood oo Maraykanku gaystay.

Markii ugu horraysay muddo sannado ah ciid amada Soomaalida waxaa u suurtogashay inay xajistaan gacan ku haynta goobaha cusub ee laga qabsaday Al-Shabaab, sida ay sheegtay hay’addu. Waxaase dhinaca kale jirta in weli Al-Shabaab ay meelo badan ka hay staan gobollada Sha beellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Waxay sheegtay Airwars in hawlgalka ciida mada Maraykanka ee AFRICOM uu sameeyey daahfurnaan sannadkii 2020-ka kadib markii ay bilaabeen inay saddexdii biloodba mar daabac aan dadka rayidka ah ee waxyeelladu kasoo ga arto duqaymaha. Tallaabadaas darteed AFRIC OM waxay qiratay in qof rayid ah uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka. Goor dambena AFRICOM waxay sheegtay in laba qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday Jilib 17-kii Febraayo 2020.

Dhinaca kale waxay sheegtay Airwars in uru rka Daacish ay ku sugan yihiin meel aad u yar oo ka tirsan Puntland, iyagoo cadaadis kala ku lmay ciidamada Soomaaliya, Maraykanka iyo Al-Shabaab. Daacish waxaa sannadkii hore uu Maraykanku la beegsaday hal duqayn keliya.

Ugu dambayn waxay Airwas sheegtay in tallaa badii ugu dambaysay ee maamulka Trump uu qaaday intii uusan xilka ka degin ay ahayd inuu boqollaal ciidamada Maraykanka ah kasoo sa aro Soomaaliya, tallabadaas oo dadka qaar u ar keen inay timid xilli aan munaasib ahayn maada ama ay Soomaaliya doorasho isku diyaarinay so, balse dhinaca kale waxaa iyaguna soo dhow eeyey dhinacyo kale oo u arkay in Trump uu ka dhabeynayo soo af-jaridda dagaallada Maray kanku kaga jiray dibedda.

Mareykanka oo ka digay weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan diyaaradaha

Warbixin kasoo baxday maamulka duulista hawada ee federaalka Mareykanka ee loo yaq aano (FAA) ayaa shaacisay suurta-galnimada weeraro ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qa adi karaan diyaaradaha isticmaala hawada dal ka Kenya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in FAA ay he shay xog ku aadan weeraradaas oo ay dam acsan-tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka fulisa dalka Kenya.

Sidoo kale Mareykankan ayaa digniintan la wadaagay dowladda Kenya, si ay u saameyso feejignaan dheeri ah, ugana hortegto qorshaha Al-Shabaab.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in weeraradan ay qatar ku noqon karaan duul imaadyada rayidka Mareykanka & kuwa diba dda & gudaha ee dalka Kenya.

"Xadgudubka Xagjirnimada ee kasoo gudb aya Xadka Soomaaliya waxa ay halis ku tahay duullimaadyada rayidka Mareykanka & kuwa dibadda & gudaha ah, waana in la ilaaliyaa haw ada Kenya” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka duulista hawada ee federaalka Mareykanka.

FAA ayaa sidoo kale intaasi ku sii dartay in kooxda Al-Shabaab dhowr jeer ay ku hanjabtay in bartilmaameedkeedu yahay diyaaradaha ca ga-dhigta garoomada Kenya.

Ugu dambeyn warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u leedahay beegsashada diyaaradaha, islamarkaana ay he ysato hubka culus, kuwa fudfudud oo ay qayb ka yihiin qoryaha lidka diyaaaradaha & sidoo ka le kuwa garbaha laga tuuro intaba.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa hore weeraro khasaare xoog-leh geystay ka fulisay Kenya, waxaana ka mid ah meelaha ay bartilmaameed satay saldhigga Mareykanka ee Manda Bay.

Boqollaal Kamid ah Gabdhihii Lagu Afdu ub tay Nayjeeriya oo la Sii Daayay

Wararka ka imanaya dalka Nayjeeriya ayaa sheegaya in 279 gabdhood oo ka mid ahaa gab dhihii dhawaan laga afduubtay iskuul ay wax ka baranyeen oo ku yaalla gobolka Zamfara ay dib u heleen xorriyaddooda.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in gabdha ha la sii daayay sidoo kalena ay bedqabaan.

Falalka afduubka ah ayaa noqday kuwo mar walba ku soo noqnoqda deegaannada dha ca waqooyiga dalka Nayjeeriya. Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in gabdhahan lagu sii daayay wadaxaajood dhex maray afdu ubayaasha iyo xukuumadda.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqa allada gabdhaha la soo daayay oo saaran basas waaweyn kuwaas oo ku sugnaa xarun ka mid ah xarumaha dowladda.

Dowladda Nayjeeriya ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay in gacanta afd uubayaasha ay ka soo de yso 279 gabdhood iyada oo intaa ku dartay in xogtii ay horay u shaaciyeen boo liska ee sheegaysay in tirada gabdhaha la af duubtay ay tahay 317 aysan ahayn xog bisil.

2014-kii ayay ahayd markii kooxda Kob o Ha ram ay 276 gabdhood ka afduubteen dugsiga Chibok ee waqooyi bari Nayjeeriya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta Q/M oo lagu duray Tallaalka COVID-19 oo been abuur ah

Waxaa la soo weriyey in Ciiddanka Nabad-il aainta QM ee ku sugan dalka Koonfurta Suu daan lagu duray Tallaalka COVID 19 oo been abuur ah (Fake COVID-19 vaccine).

Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Thailand, General Chalermpol Srisawat ayaa xaqiijiyey in Ciiddankooda qeybta ah Nabad-ilaaiyayaasha QM ee dalka Koonfurta Sudan lagu duray Biyo, iyadoo Ciiddankaasi loo sheegay inuu yahay Tallaal loo qaato Hargabka, kaasi oo ka difaaci doona COVID 19.

Waxa uu intaasi ku daray in Dhakhtar u dhashay dalka Thailand uu Tallaalkaasi oo biyo ahaa ku duray 273 Askari oo u dhashay isla dalka Thailand, isagoo Askarigiiba ka qaatay 20 Dollar.

Mid ka mid ah Askarta asi ayaa ka shakiyey Tallaalkaasi, kadib, markii uu arkay in daawada caadi ahayn.

Waxa uu ku wargeliyey Sarkaakii isaga mad adaxda u ahaa, waxaana la ogaaday in dhalo oyinka tallaalka ku jireen Biyo caadi oo keliya.

Wakiilka Caafimaadka ee QM waxa uu ka co dsaday Saraakiisha Ciidanka Thailand ee Nab ad-ilaalinta u joogta dalka Koonfurta Suudaan in Dhakhtarka dib loogu celiyo dalkiisa hooyo iyo in taageero laga geysto sidii looga hortegi lahaa inaysan mar kale soo laabanin dhacdooyin kaasi.

Sarkaalka falkaasi geystay waxaa la shee gay inuu ka cararay shaqadiisa, iyadoo laga ruq seeyey Ciiddanka, lagalana laabtay Laysinkii Dhakhtarnimo.

Dhakhtarkaasi oo weli baxsad ah ayaan la og eyn halka uu u baxsaday, waexayna waal idiintiisa sheegeen inuusan weli ku soo laabanin gurigiisa.

Dhakhtarkaasi waxa uu ka shaqeynayey Isbitaal ku yaalla dalka Koonfurta Suudaan mu ddadii u dhexeysay Bishii December ee sanad kii 209-kii ilaa bishii December ee sanadkii hore ee 2020-kii.Waxaa mar laga joojiyey shaqada, kadib, markii lagu helay baaritaan la xiriira ee deymo wax-is-daba-marin ahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip