Cabdishakuur Maxamed oo lagu dilay magaalada Beledweyne

0
Wednesday March 03, 2021 - 08:28:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdishakuur Maxamed oo lagu dilay magaalada Beledweyne

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

         Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo ay xalay kooxo burcad ah ka geysteen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa halkaasi.

     Marxuumka ayaa waxaa lagu magcaabi jiray Cabdishakuur Maxamed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ragga burcadda ah ay dilka marxuumka u adeegsadeen Mindi, iyaga kadib ku baxsaday mooto ay wateen.

         Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliya.

 

           Cabdishakuur ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, balse wuxuu ku dhintay isbitaalka, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadka ee Beledweyne.

                Kooxda fulisay dilkan oo haatan lagu raad-joogo ayaa dooneysay inay dhac u geysato marxuumka, balse muran kadib waxa ay tooreeyeen wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

    Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, sida dilalka qorsheysan & dhac xilliyada habeenkii ah.

Cabdishakuur Maxamed oo lagu dilay magaalada Beledweyne




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip