Booliiska Kenya oo Dilay nin Burcad ah oo dhibaato ay ku qabeen dadka Magaalada Nairobi.

1
Tuesday March 02, 2021 - 19:23:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Kenya oo Dilay nin Burcad ah oo dhibaato ay ku qabeen dadka Magaalada Nairobi.

    Ciidamada Dambi baareyaasha ee Booliska Kenya ayaa waxay toogasho ku dileen Nin la sheegay inuu ka mid ahaa Koox Burcad ah oo dhibato ku haaya dadka ku nool xaafadaha bariga Magaalada Nairobi. Ninka oo Magaciisa lagu sheegay Cabaas ayaa waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dambi baareyaasha ee Booliska Kenya ayaa waxay toogasho ku dileen Nin la sheegay inuu ka mid ahaa Koox Burcad ah oo dhibato ku haaya dadka ku nool xaafadaha bariga Magaalada Nairobi. Ninka oo Magaciisa lagu sheegay Cabaas ayaa waxaa arkay Ciidamada Dambi baareyaasha ee Booliska Kenya xilli uu saarnaa Mooto, isla markaana uu marayay Aaga wadada Kangundo, hayeeshee is rasaaseyn dhex-martay isaga iyo booliska la toogtay. Goobta lagu dilay Ninka Burcadda ah ayaa waxaa ay Booliska ka heleen Bustoolad uu la tuhmayo in uu leeyahay Sarkaal Boolis ahiyo 11 Rasaas ah, waxaana booliska ay sheegeen inay weli tuhmayaan in uu meelo kale hub farabadan ku heystay. " Cabaas wuxuu ahaa dambiile khatar ah oo xiriir la leh dilal badan oo ka dhacay gudaha Buru Buru, Kayole iyo Dandora, oo ay ku jirto toogasho haweeney degaanka Kariobangi bilo ka hor ayaa lagu yiri" War kasoo baxay Ciidamada Dambi barista ee Booliska Kenya. Howlgalkan ay Ciidamada Booliska Kenya ku dileen Ninka Burcadda ahaa ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii dadka degaannada Bari ee Magalada Nairobi ay cabasho u gudbiyeen Booliska.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip