Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ay ka harsan yihiin Kulamo fara ku tiris ah.

0
Monday March 28, 2016 - 12:14:55 in Sports News by
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ay ka harsan yihiin Kulamo fara ku tiris ah.

    Horyaalka Kubada Cagta Soomaaliya 2015-2016 ayaa maraya Meertadiisii 13 ee wareega 2 waxaana horyaalka ka qeybgalaya 10 Naadi oo heerka 1 ka tirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horyaalka Kubada Cagta Soomaaliya 2015-2016 ayaa maraya Meertadiisii 13 ee wareega 2 waxaana horyaalka ka qeybgalaya 10 Naadi oo heerka 1 ka tirsan.
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ee uu Hogaamiyo Cabdiqani Saciid Carab oo Daadihinta Horyaalka udub dhexaad u ah ayaa sheegay in Horyaalka ay ka harsan yihiin Kulamo Fara ku tiris ah
 
Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle’ Cabdi cade’ Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee XSKC oo dhawaan booqasho ku yimid Muqdisho dibna ugu Laabtay Dalka Swedhan ayaa bogaadiyay Qaabka wanaagsan Qaabka Wanaagsan ee Horyaalku u socdo iyo habka ay u Maareeyeen Najixintiisa XSKC isagoo xusay mudadii uu joogay Muqdisho inuu ka qeybgalay dhowr kulan oo horyaalka ka tirsan aadna ugu farxay Horumarka Wanaagsan ee kubada cagta Soomaaliya ay ku talaabsatay.
 
‘Walaahi si wanaagsan ayey ii soo dhaweyeen Asxaabteydii kubada Cagta oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Cabdiqani Saciid carab waxaana bogaadinayaa shaqada ay qabteen’ayuu Yiri Cabdi Cade
 
Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle’ Cabdi Cade’ Waxa uu ka mid ahaa Ragii u istaagay Boor ka jafida kubada Cagta Soomaaliya Bilowgii 90meeaydii,waxaana uu noqday Markii ugu Hoeysay Gudoomiyaha Isboortiga wardhiigleey iyo Gudoonmiye ku xigeenada isboortiga Gobolaka Banadir intiin aan loo Dooran Gudoomiye ku xigeenka XSKC isagoo sidii uu uga waday Abaabulka Isboortiga Soomaaliya mid la mida uga geystay dalka Swedhan
 
Horyaalka kubada Cagta Soomaaliya ee ka soconaya Garoonka Banaadir Stadium isla markaana guda galay Meertadiisii 13 ayey koxaha ka qeybgalaya u kala horeeyaan Xaga dhibcaha sidatan.
 
Banaadir FC 12 Kulan 28 Dhibcood
 
Jeenyo FC 12 Kulan 25 Dhibcood
 
Dekadda 13 Kulan 23 Dhibcood
 
Heegan SC 12 Kulan 22 Dhibcood
 
Horseed SC 13 Kulan 19 Dhibcood
 
Gaadiidka 12 kulan 19 Dhibcood
 
Elman FC 12 Kulan 13 Dhibcood
 
Saxafi Fc 13 Kulan 9 Dhibcood
 
Singjet 12 Kulan 8 Dhibcood
 
Fc Muqdisho 12 Kulan 2 Dhibcood
 
Horyaalka Waxaa Hogaamineysa Kooxda Banaadir FC oo leh 28 Dhibcood,waxaa ugu hooseysa FC Muqdisho oo leh 2 Dhibcood
 
N.B Kooxda Difaacaneysa Horyaalka ee Heegan waxa ay leeyihiin 22 Dhibcood waxa ayna ku jiraan Kaalinta 4 Halka Kooxda Elman oo aan looga baran Kaalimaha Danbe ay Markaasi soo caraabayaan Kaalinta 6 iyagoo leh 13 dhibcood.
 
Waxaa Diyaariyay.
 
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip