Dacwadda Soomaaliya iyo Kenya: Wax ka ogow qareennada Kenya ku hoggaaminaya ICJ.

0
Tuesday March 02, 2021 - 18:49:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwadda Soomaaliya iyo Kenya: Wax ka ogow qareennada Kenya ku hoggaaminaya ICJ.

    Maxkamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in 15-ka bishan ay billaabeyso dhegaysiga dacwadda muranka xuduudda badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in 15-ka bishan ay billaabeyso dhegaysiga dacwadda muranka xuduudda badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.


 


Qareennada labada dhinac ayaa isu diyaarinaya sidii ay kiisas adag ula tagi lahaayeen maxkamadda, waxaana Kenya ay qoratay qareenno cusub sida uu shaaciyay wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi.

 

Kenya ayaa bishii hore laga diiday codsi ahaa in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwadda, iyadoo soo bandhigtay sababo uu ka mid yahay cudurka Covid-19.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay dhegaysiga dacwadda, Kenya-na aan laga aqbali karin dib u dhac kale.

Hadaba Maxay yihiin qareennada hoggaaminaya dacwadda Kenya ee ICJ?

 

Prof. Sean D. Murphy iyo Garsoore Tullio Treves ayaa hoggaamin doono qareennada Kenya oo ka kooban sideed xubnood. Waa dad aqoon duruqsan u leh murannada xuduud badeedka, waxayna horay u mataleen dalal kale.

Prof. Murphy



Prof. Murphy, waa aqoonyahay xiriirka caalamiga ah ka dhigay Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda The George Washington, halkaas oo uu bare ka ahaa tan iyo 1998.

Ka hor inta aanu bare ka noqon jaamacaddaas, waxa uu lataliye sharci u ahaa safaaradda uu Maraykanka ku leeyahay magaalada The Hague, isagoo Maraykanka ku matalayay maxkamadda gaarka ah ee loo sameeyay tacaddiyadii ka dhacay Yugoslavia.

Waxa uu qareen u ahaa oo uu maxkamadaha caalamiga ah ku matalay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Urdun, Kosovo, North Macedonia, Suriname, iyo Maraykanka.

Garsoore Tullio Treves

Waxa uu ahaa garsoore ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee Shuruucda Badaha, sanadihii 1996 illaa 2011.

Kiisaska muhiimka ah ee uu hoggaamiyay waxaa ka mid ah dacwaddii ay isku hayeen Faransiiska iyo Canada oo ku muransanaa xuduud badeedda jasiiradda Saint-Pierre-et-Miquelon.

Waxa uu hadda ka mid yahay qareennada Peru ee dacwadda kala dhaxaysa Chile, taas oo weli hortaalla maxkamadda ICJ.

Waa bare jaamacadeed oo shuruucda caalamiga ah ka dhiga kuliyadda sharciga ee Jaamacadda Milano, shaqadaas oo uu hayay tan iyo 1980.

Garsoore Tullio Treves

Qareennada kale ee matalaya Kenya ayaa kala ah: Phoebe Okowa, Makane Mbengue, Laurence Boisson De Chazournes, Christian Tams iyo Eran Sthoeger oo dhammaantood barayaal jaamacadeed ah. Waxaa caawin doona Coalter Lathrop oo ku xeel-dheer qiimeynta juquraafiga.

Soomaaliya ayaa sannadkii 2014, dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay maxkamadda ICJ, iyadoo doonaysa in cabbirka xadka badda labada waddan si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay ayaa gaaraysa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

.

Xigasho:BBCSomali





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip