C/raxmaan C/Shakuur oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

0
Tuesday March 02, 2021 - 09:59:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/raxmaan C/Shakuur oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Hoggaamiyaha Xibiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay heshiiskii ay wada gaareen midowga mucaaradka iyo xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya.

Shir saacado badan qaatay oo shalay Ra’iisul Wasaare Rooble uu la yeeshay midowga musharaxiinta ayaa lagu dhameystiray heshiiskii 25-kii bishaan ay dhinacyadu wada gaareen.

Waxyaabaha lagu hesghiiyay waxaa ka mid ah in banaanbaxa uu dhaco Sabtida soo socota,sidoo kalana waxaa la saaray guddiyo ka kooban Labo kuwaas oo ka kala shaqeynaya qabsoomidda banaanbaxa iyo baaritaanka dhacdadii 19-kii Febraayo.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la qaataan heshiiskaas,lana soo dhaweeyaan,islamarkaana ay kala shaqeeyaan hir-gelinta hanaanka doorashooyinka.

CC.Shakuur




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip