Maxay tahay arrinta uga sii dari karto halista Covid-19 ee ka jirta garoonka Aadan Cadde?

0
Tuesday March 02, 2021 - 09:58:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay arrinta uga sii dari karto halista Covid-19 ee ka jirta garoonka Aadan Cadde?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


Tala bixiyaha Caafimaadka Covid-19 ee wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Maxamuud Fuje oo la hadlay wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey xaaladda dalka, gaar ahaan soo laba-kacleynta cudurka faafa ee Coronavirus.

Dr Fuje ayaa sheegay in halista xanuunka uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo lagu xakameynayo Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu jiro shaki laga qabo in dadka soo-galaya dalka ay wataan warqado been abuur ah oo muujinayo inuu qofka ka caafimaad qabo Covid-19 balse maalmo kooban kadib jirkooda laga helo xanuunka, sida uu hadalka u dhigay.

ala bixiyaha Caafimaadka Covid-19 ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dadkaasi ay cudurka usii gudbayaan ehelladooda, islamarkaana ay sare u qaado kiisaska maalinlaha ee ay diiwan-geliso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

 

"Garoonka Diyaaradaha waxaa waayihii dambe jiray tuhun la xiriira warqadaha ay wataan dadka kasoo degaya oo muddo kooban kadib xannuunka jirkooda laga helayo ama u gudbinaya ehelkooda, waa in la hubiyaa warqadaha ay wataan” ayuu yiri Dr Fuje.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in hubin caafimaad la mariyo dadka kala duwan ee soo galayo ee ka imaanada dalalka uu faraha ba’an ku hayo Coronavirus.

"Meelaha laga soo galayo waa in hubin caafimaad la mariyo oo la baaro, dhaqaalaha ku baxayo waa in laga qaadaa qofka, muddada xili huuriska cudurka waa in la dejiyaa hoteel gaar ah oo lagu hubiyo, halka qofka laga helo Covid-19 la geynayo goobaha u gaarka ah in bukaannada looga daweeyo,” ayuu sii raaciyey Dr Maxamed Maxamuud.

Waalacan ayaa kusoo beegmaya, xilli Soomaaliya uu mar labaad kusoo laba-kacleeyey xanuunka Covid-19, waxaana saameyntiisa laga dareemayaa magaalada Muqdisho.

Maxay tahay arrinta uga sii dari karto halista Covid-19 ee ka jirta garoonka Aadan Cadde?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip