.Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika..

0
Tuesday March 02, 2021 - 07:39:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    .Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika..

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

      Kooxo burcad Koonfur afrikan ah ayaa gudaha dalkaas waxaa ay xalay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada ku nool dalkaas, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Muwaadin ka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Abuukar Xaaji ayaa waxaa lagu dilay goobtiisa Ganacsi oo ku taal Tuulada Fishhoek oo hoostagta Magaalada Cape Town

     Mid kamid ah Soomalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay Muwaadinka Soomaaliyeed dhowr xabadood ay uga dhufteen qeybaha sare ee jirka, halkaasna uu ku geeriyooday.

      Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen Kooxaha Burcadda ah ee dilka ka dambeeyay, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.

     Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad dalka Koonfur Afrika ugu kordhay dilalka Soomaalida, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika lagu dilay ku dhawaad 10 Ruux oo Soomaali ah.

  




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip