Go'aamo laga soo saarey shirkii RW Rooble iyo Mucaaradka

0
Monday March 01, 2021 - 22:31:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go'aamo laga soo saarey shirkii RW Rooble iyo Mucaaradka

    Shirkii u dhaxeeyay Ra'iisul Wasaare Rooble, Midowga musharaxiinta, Qeybo kamid ah Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, iyadoo heshiis lagu gaarey. Labada dhinac ayaa isla gartay in bannaanbaxa mucaaradka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii u dhaxeeyay Ra'iisul Wasaare Rooble, Midowga musharaxiinta, Qeybo kamid ah Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, iyadoo heshiis lagu gaarey. Labada dhinac ayaa isla gartay in bannaanbaxa mucaaradka uu dhaco maalinta sabtiga ee taariikhdu ku beegantahay 6 March. Ra'iisul wasaare Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya sidii uu ku dhici lahaa bannaanbaxa ay ku dhowaaqeeyn mucaaradka, kaasi oo ka kala socda dowladda iyo musharidiinta. Xubnahaan ayaana kala ah:- 1.Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaalle 3.Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish. 2.Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 3.Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadaala. 4.Musharax Daahir Maxamuud Geelle 5.Musharax Mustaf Dhuxulow Sidoo kale Ra'iisul wasaare Rooble ayaa magacaabay guddi kale oo baaritaan ku samaynaya dhacdadii ka dhalatay Mudaharaadkii 19 Febraayo Muqdisho. Waxayna kala yihiin: 1.S/G Bashiir Maxamed Maxamed jaamac Goobe 2.Cornel Maxma Cabduqaadir xaaji 3.S/G Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare 4.Xuseen Cali Maxamuud. 5.G/Dhaxe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud 6.Generaal Maxamed Bariise.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip