Wasiiro isku-casilay jebinta Awaamiirta COVID 19

0
Monday March 01, 2021 - 22:01:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro isku-casilay jebinta Awaamiirta COVID 19

    Laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda dalka Urdun (Jordan) ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay hayeen, kadib, markii ay ka qeyb galeen Xaflad Qado oo lagu qabtay Baar ku yaalla caasimada dalkaasi ee Camaan. Ra'iisul-wasaaraha dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda dalka Urdun (Jordan) ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay hayeen, kadib, markii ay ka qeyb galeen Xaflad Qado oo lagu qabtay Baar ku yaalla caasimada dalkaasi ee Camaan. Ra'iisul-wasaaraha dalka Urdun, Bishar Al-khasawaneh oo ka aqbalay Qoraalka Is-casilaadda oo ay u soo gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Samir Mobeideen iyo Wasiirka Caddaalada, Bassam Talbouni. Ilo ka tirsan Dowladda dalkaasi ayaa lagu sheegay in Labada Wasiir lagu soo oogay inay ku xadgudbeen Sharciga Degdega ee Xakamaynta COVID 19. Wasiirada is-casilay waxaa lagu eedeeyey inay Xaflad qado kala qeyb galeen dad tiradooda dhamayd 9-qof, halka sharciga Degdegga ee Ka-hortaga COVID 19 oggolayn inay hal madal isugu yimaadaan wax ka badan 6 qof. Wakaalladda Wararka Urdun ee PETRA waxay sheegtay in Xilka Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha loo magacaabay Towfiiq Kirshan oo ahaa Ku-xigeenka RW dalkaasi. Boqortooyada Haashimiyadda Urdun oo ay ku nool yihiin 10 million oo qf, waxa la diiwaan geliyey inuu Cuddurka COVID 19 ku dhacay 380,268 qof, halka ay 4,627 kalena u geeriyoodeen xanuunkaasi Laayaanka ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip