Weriye Jamaal Faarax Aadan oo caawa la dilay

0
Monday March 01, 2021 - 21:58:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Jamaal Faarax Aadan oo caawa la dilay

    Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo mudo dheer ka howlgelayey deegaanada maamulka Puntland. Allaha u naxariistee koox ku hubetysan bastoolado ayaa caawa Weriyaha ku dishay agagaarka x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo mudo dheer ka howlgelayey deegaanada maamulka Puntland. Allaha u naxariistee koox ku hubetysan bastoolado ayaa caawa Weriyaha ku dishay agagaarka xerada Siinaay ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Jamaal Faarax Aadan oo ahaa weriye si weyn looga yaqaanay deegaanada Puntland ayaa mudooyinkii dambe ka howlgeli jiray waraabahinta Daljir. Kooxdii dishay Weriye Jamaal ayaa durba goobta ka baxsatay, waxaana caawa xaafadaha ka agdhow goobtii lagu dilay ka socdo howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka Puntland oo goobta soo gaaray dilka kadib. Weli ma jirto cid sheegatay dilka weriyahaan, sidoo kale kama hadlin hey'adaha amaanka Puntland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip