Duqa Muqdisho oo amar culus kusoo rogay ganacsatada Gobolka Banaadir

0
Monday March 01, 2021 - 21:55:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo amar culus kusoo rogay ganacsatada Gobolka Banaadir

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Kulan looga hadlayay Wacyigelinta Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo ka dhacay degmada Shibis. kulankan oo ahaa mid xasaasi ah wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Kulan looga hadlayay Wacyigelinta Xanuunka safmarka ah ee Covid-19 oo ka dhacay degmada Shibis. kulankan oo ahaa mid xasaasi ah waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Gudoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose iyo Gobolka Banaadir. Muhiimadda kulanka wuxuu ahaa sidii dadka looga wacyi galin lahaa xanuunka Covid19, wuxuuna duqa Muqdisho amar ku bixiyo in qof walba xirto (af-xir) ama Mask, si ay ugu noqoto badbaado ugu yaraan. War-saxaafadeedka kasoo baxa Duqa Muqdisho waxaa akhriyay agaasimaha Guud ee Warbaahinta Gobolka Banaadir Cabdullaahi Wiish, waxaana la faray Goobaha Ganacsiga, sida Dukaamada, Maqaayadaha, Carwooyinka Bangiyada, xafiisyada bixiya adeegyada in aysan u ogolan qof aan heysan afxirasho in uu ka dukaameysto goobtooda Ganacsi. Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Caasimadda waxaa la faray inay dhaqan geliyaan amarkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir si looga digtoonaado faafitaanka Cudurka Coronavirus.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip