Kudladda Musharaxiinta oo Sheegay in banaanbaxa Jimcaha uu ka dhacayo 63-Isgoys oo Muqdisho ku yaala

0
Monday March 01, 2021 - 21:54:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kudladda Musharaxiinta oo Sheegay in banaanbaxa Jimcaha uu ka dhacayo 63-Isgoys oo Muqdisho ku yaala

    Kudladda musharaxiinta madaxweynaha dhexdhexaadka ah iyo qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda dalka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan dibadbaxyada ay shacabku ku muujinayaan shucuurtooda la xarii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kudladda musharaxiinta madaxweynaha dhexdhexaadka ah iyo qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda dalka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan dibadbaxyada ay shacabku ku muujinayaan shucuurtooda la xariirta rabitaankooda. Cumar C/qaadir Fiqi Guddoomiyha kudladda musharaxiinta madaxweynaha dhexdhexaadka ah ayaa halkaasi ka sheegay in 63-isgoys ay dadweynaha isugu yimaadaan bannaanbaxyo nabadeed daljirka dahsoon. "Waxa la idinkugu yeerayo dagaal maahan, buuq maahan, dhagaxtuur maahan, laakin waa inaad dareenkiina muujisaan" ayuu yiri Guddoomiye Cumar Fiqi oo sheegay inay dastuuri tahay dadku inay isku soo baxaan. Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen madax iyo xubno ka tirsan xisbiyada siyaasadda dalka ayaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa isla markaana looga qeyb qaadan lahaa dadaalada dalka looga saarayo jaha wareerka ka taagan hannaanka doorashooyinka. Ilaa iyo iminka lama bannaanbaxa ay ku dhawaaqday kudladda musharaxiinta madaxweynaha ee dhexdhexaadka ah, inkasta oo ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu hakiyo dibadbaxyadaasi isla markaana heshiis is afgarad ay ka gaareen dowladda iyo musharaxiinta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip