Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii gantaal ee Xuuthiyiinta ay ku qaadeen Sacuudiga.

0
Monday March 01, 2021 - 21:49:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii gantaal ee Xuuthiyiinta ay ku qaadeen Sacuudiga.

    War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag logu cambaareeyay weerar gentaal ah oo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ay ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag logu cambaareeyay weerar gentaal ah oo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ay ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga. Kooxda Xuuthiyiinta ayaa gentaalo ballistic ah ku tuureen jihada caasimadda Sacuudiga Carabiya ee Riyadh iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Jiizaan oo ay kamid tahay Khamiis Mushayti. "Soomaaliya waxay u aragtaa in weerarkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan bani'aadamnimada isla markaana ah dambi argagixiso oo ka dhan ah meelaha la degan yahay, wuxuuna carqalad ku yahay dadaallada Qaramada Midoobay ku doonayso in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen" ayaa lagu yiri bayaanka soo baxay wasaaradda. Dowladda Soomaalia ayaa sidoo kale, sheegtay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka muwaadiniinteeda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip