Dowladda Uganda oo Ciidamo howlgab ah u soo direysa Soomaaliya.

0
Monday March 01, 2021 - 21:48:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Uganda oo Ciidamo howlgab ah u soo direysa Soomaaliya.

    Dowladda Uganda ayaa waxaa la sheegay inay dhawaan Soomaaliya u soo direyso 1,000-Askari oo howlgab ah si ay uga mid noqdaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab. Maj Yuusuf Bilal Katamba oo ka tirsan qeybta k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Uganda ayaa waxaa la sheegay inay dhawaan Soomaaliya u soo direyso 1,000-Askari oo howlgab ah si ay uga mid noqdaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab. Maj Yuusuf Bilal Katamba oo ka tirsan qeybta koowaad ee ciidamada UPDF ee ilaaliya ciidamada keydka ah ayaa sheegay in askarta dib loogu yeeray ay iska xaadiriyaan xeryaha dhawaan si ay dib ugu soo labtan Soomaaliya. Ciidankan ayay ahayd in la keeno Soomaaliya bishii Abriil ee sanadkii 2020, laakiin qorshayaasha waxaa dib u dhigay aafada Covid-19., waxaana Ciidamada keydka ay ka kooban yihiin askar si rasmi ah uga fariistay ciidanka oo howlgab ah. Shuruudaha kale ee looga baahan yahay askariga keydka ah si loogu soo xusho howlgalka AMISOM waxaa ka mid ah in da'daadu tahay 55-jir iyo wixii ka hooseeya, in aysan horey dambi u gelin iyo in ay haystaan aqoonsiga dowladda. Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo askari kuwaasoo la dagaallamayay Al-Shabaab laga soo bilaabo tan iyo sanadkii 2007-dii.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka howlgalla in ka badan 20,000 Askari oo xiran astaanka Midowga Afrika, kuwaas oo ka kala socda dalalka, Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo dalal kale, kuwaas oo Ciidamada dowladda ka taageera dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip