Muuse Biixi oo amray in Xukuumadda bixiso qeyb kamid ah lacagta musharixiinta Golaha Wakiilada

0
Monday March 01, 2021 - 21:47:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo amray in Xukuumadda bixiso qeyb kamid ah lacagta musharixiinta Golaha Wakiilada

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WHM/240-718/03202 ku go'aamiyey in Xukuumadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco. Waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WHM/240-718/03202 ku go'aamiyey in Xukuumadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Og: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Og: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Og: Xisbiga KULMIYE Og: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Og: Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Og: Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ujeeddo: Deebaajiga Murashixiinta ee Haweenka iyo Dadka-La-Hayb Sooco Mudane Wasiir, Sida aad la socoto Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020 Qodobka 68aad iyo Qodobka 83aad waxa ay ku waajibinayaan Murashixiinta Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka in ay bixiyaan Lacag Deebaaji ah, kuna shubaan Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Haddaba, si ay xukuumaddu u dhiirigaliso ka qayb-galka Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco waxaan go'aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco. Sidaa darteed, waxa aan ku war-gelinayaa Xisbiyadda in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u gudbiyaan faah-faahinta murashixiinta kor ku xusan ee shuruudihii sharciga buuxiyey. Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa la farayaa in ay bixiso lacagta sharcigu ku waajibiyey murashixiinta kor ku xusan ee shuruudaha buuxiyey ee ay kuu soo gudbiyaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranku.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip