Xog: Deyn lagu leeyahay DF oo keentay inay hakato shaqadii garoonka Aadan Cadde

0
Monday March 01, 2021 - 21:46:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Deyn lagu leeyahay DF oo keentay inay hakato shaqadii garoonka Aadan Cadde

    Hawlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa hakad ku yimid saacado kadib markii ay shaqo joojin sameysay shirkadda qaabilsan baaritaanka boorsooyinka rakaabka. Shirkadda qaabilsan baadhitaanka boorsooyink

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa hakad ku yimid saacado kadib markii ay shaqo joojin sameysay shirkadda qaabilsan baaritaanka boorsooyinka rakaabka. Shirkadda qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka rakaabka ayaa sheegtay inaan la siinin lacago ay ku leeyihiin dawladda Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegay mid ka mid ah mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Shirkadda Golden Horn Security ayaa qaabilsan baadhitaanka boorsooyinka, gaar ahaanna eyda u tababaran inay ururiyaan waxyaabaha halista ee laga shakiyo. Arrintan ayaa keentay inaan boorsooyinka la saarin diyaaradaha, taasina ay dib u dhac u keentay rakaabka iyo diyaaradaha. Mid ka mid ah shaqaalaha garoonka oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in shirkadda amniga Golden Horn Security lala galay wadahadal laguna qanciyey inay shaqada dib u billaabaan. Mid ka mid ah dadka ka dhoofayey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport saaka ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid safarkiisa muddo saddex saacadood ah. Shaqada garoonka ayaa markii dambe caadi kusoo laabatay. Ilaa hadda dawladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin murakan keenay dib u dhaca hawlaha amniga xammuulka diyaaradaha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip