Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

0
Monday March 28, 2016 - 11:19:35 in Sports News by
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

    Ciyaaraha xagaaga oo ah ciyaaro sanadwalba xiliyadan oo kale lagu qabto magaalada Columbus-Ohio ee dalkan Mareykanka waxaa sanadkii 16 aad ka soo qeybgalay 16 kooxood oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka iyo Canada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaraha xagaaga oo ah ciyaaro sanadwalba xiliyadan oo kale lagu qabto magaalada Columbus-Ohio ee dalkan Mareykanka waxaa sanadkii 16 aad ka soo qeybgalay 16 kooxood oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka iyo Canada.

Kumanaan Soomaali ah ayaa soo buux dhaafiyay goobta ay ciyaaruhu ka socodeen.

Maamulka soo abaabulay Ciyaarahan ayaa sheegay ujeedadu in ay tahay raadinta jiilal Soomaaliyeed oo maskax ahaan iyo jir ahaan ka dhisan iyo dhalinyarada laga mashquuliyo wax aan waqtigooda ku haboonayn.

Ciyaarahan oo si isku dhex jir ah u soconayay ayaa waxaa afar dhamaanka (Semi Final) ayaa waxaa isku soo haaray afar naadiyada oo kala ah Twin city star, Kooxda Seattle, , TMT Ohio iyo Tigers.

Kooxahan oo soo bandhigay ciyaar wanaag ayaa waxaa kama dambeytii isugu soo haray TMT Ohio iyo Kooxda Seattle waxaana jawiga ciyaartu ay ahayd mid xamaasad badan oo qeylo iyo sacab isugu jiray.

Guushii koobka waxaa la hoyday kooxdii ka socotay Seattle Washington oo heshay lix gool halka kooxta TMT Ohio ay heleen 2 gool oo qura. Koobkii xagaaga ee sanadka 2016ka waxaa sidaa kula hoyday kooxda seattle.

Kooxaha Caruurta waxaa isugu soo haray 2 kooxood oo ka kala socday gobolada Ohio iyo Maine waxaana Koobka caruurta ku guulaystay Kooxdii ka socotay Ohio kadib markii ay ku soo baxeen rigoorayaal loo kala dhigay.

Waxaa la bixiyay Koobab iyo bilado la gudoonsinayay dadka ugu fiicnaa xili ciyaareedka 2016 ka.

Ciyaartooyga ugu gool dhalinta badan ayaa loo aqoonsaday Cabdiwali Zegler oo 11 gool dhaliyay kana socda kooxda Seattle.

Ciyaaryahanka ugu fiican ayaa loo aqoonsaday Dooli oo ka Tirsam TMT Ohio. Tababaraha ugu fiican ayaa loo aqoonsaday Macalin Cabdilaahi Xirsi oo ka yimid gobolka Maine.

Goolhaya ugu fiican ayaa la siiyay Ciyaaryahan aad u yar oo ka tirsan ciyaartoodya 14 jirada ee kooxda Ohio kaas oo lagu magacaabo, Chino.

Ciyaartooydii cuslaatay waxaa qaaday kooxda Washington. Waxaa abaal marin la siiyay Kooxda Utaanga oo lagu tilmaamay kooxda kaliya oo isku duubni iyo taageero Sports leh mudo dheer.

Kooxda TMT Ohio ayaa la gudoonsiiyay bilado halka Kooxda Seattle ay qaateen koobkii sanadka 2016.

IMG_9411IMG_4394IMG_9355IMG_4383IMG_9353IMG_4369IMG_4422IMG_4363IMG_4403IMG_4361IMG_4331IMG_4340IMG_4347IMG_4350IMG_4355IMG_4328IMG_4323IMG_4315IMG_4311IMG_4310IMG_4236IMG_4241IMG_4287IMG_4299IMG_4307

IMG_3239IMG_3212IMG_3187IMG_3147IMG_3127IMG_3634IMG_3615IMG_3587IMG_3557IMG_3316IMG_3770IMG_3777IMG_3894IMG_3925IMG_3893IMG_3884IMG_3843IMG_4004IMG_4040IMG_4106IMG_4125IMG_4021IMG_4032

W/D: Deeqo Sonna




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip