HALKAN KA AQRISO W/WARARKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER 16 2 2021

0
Wednesday February 17, 2021 - 10:38:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W/WARARKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER 16 2 2021

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

Sheekh Nuur Baaruud Oo Cudurka COVID-19 Ugu Geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa xalay M/ Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Isbitaalka Marti ini ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa Culimadda waaweyn ee Soomaa lida.Warar la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Nu ur Baaruud uu maalmihii lasoo dha afay ku xanuunsanayay Isbitaalka Martiini ee Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay Cudurka ha lista ah ee Coronavirus oo Soom aaliya kusoo laba kacleeyay.

Geerida Sheekha ayaa waxaa xaqiijiyay Mas ’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan DFS iyo qaar kamid ah Eheladiisa, waxaana Sheekh Nuur uu kamid ahaa Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah DFS, siy aasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay aa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Sheekh Nuur, iyagoona Alle uga baryay inuu jana tul firdowga ka waraabiyo.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan lagu aasi doonaa qaruuro ku yaalla M/Muqdisho, isla markaana waxaa aaska ka qeyb geli doonaa Mas’uuliyiin, Culimo badan, Ehel iyo dad kale.

Farmaajo Oo Ka Hadlay Geeridii Ku Ti mid Sheekh Nuur Baaruud

Madaxweynaha J/F/Soomaaliya ee muddo xil eedkiisa dhammaday Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ku geeriyooday M/Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiraan yo leh u diray qoyska, qaraabada & dhammaan ummadda Soomaali yeed ee uu ka baxay Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarin ta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud aha an ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faa finta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.”

Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.

Sh. Nuur Baaruud ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka Martiini ee M/Muqdi sho, waxaana la sheegay inuu haleelay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo Soomaaliya ku soo laba kacleeyay, isagoo xalay u geeriyooday.

Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shir kii Guddiga Farsamada Ee Baydhabo

Waxaa xalay M/Baydhabo ee Xarunta lagu soo gaba-gabeeyayb Shir 2 maalin uga socday Gud diga Farsamada ee ka socday DFS, D/Goboleedy ada iyo Gobolka Banaadir, iyadoo shirka laga soo saaray War-murtiyeed.

Shirka Guddiga ayaa waxaa looga hadlayay inta uu socday qodobadii la isku mari waayay ee shirkii dhawaan Madaxda ku yeesheen M/Dhuusa mareeb ee uu ka taagan yahay khilaafka doorash ada.

War-murtiyeedka kasoo baxay Shirka Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis looga gaaray Illaa 5 qodob oo kala ahaa Arrinta Guddiga doora shada ee lagu muransanaa, Arrinta Somaliland iyo Xaalada Gobolka Gedo, inkastoo aanay faah faa hin qaabka xalka uga gaareen, iyagoo ku gaabsa day inay Madaxda la wadaageen.

Guddiga ayaa Madaxda DFS, D/Goboleedya da iyo G/Banaadir ugu baaqay inay shir isugu yima adaan 18 bishaan Febraayo oo ku beegsan maal inta Khamiista, balse ma aysan shaacin goobta lagu shiri doono.

Ugu dambeyn Guddiga Farsamada ayaa u mah adceliyay Madaxweynaha K/ Galbeed Cabdicaiis Xasan Lafta-gareen iyo Beesha Caalamka oo la so cotay Shirkii Guddiga ku yeeshay M/Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Guddiga Farsamada.

C/Raxmaan Beyle Oo Kulan La Qaatay Taliye yaa sha Ciidamada Xoogga

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilka sii-haya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Shalay kulan qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo ugu horreeyo Taliye Oadwaa Yuusuf Raage.

Wasiir C/raxmaan Beyle oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in kulan looga hadlay Miisaaniyadda ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa.

Beyle ayaa waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay taageerida Ciidanka dowladda ee u taagan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka shaqeeynayan sidii loo horumarin la ahaa Ciidamada.

"Waxaan ka wada hadalnay Miisaaniyadda ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa. Muhiimdeena 1aad waa in aan taageernaa ciidamadeena geesiyada ah ee u taagan har iyo habeen difaaca Dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilka sii-haya C/raxmaan Beyle u mahadceliyay Madaxda Wasaaradda iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo ka qeyb galay kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Midowga Musharixiinta oo uga digay dowladda in ay carqaladeyso dibadbaxa maalinta Jimcaha

Midowga Musharixiinta ayaa uga diggay dowladda Soomaaliya ay carqaladeyso dibadbaxa lagu waddo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta ku baaqay dibadbaxan ayaa uga diggay laamaha amniga in ay is hortaagaan isku soo baxa dadweynaha, balse taa badalkeeda looga baahan yahay in ay sugaan nabad-galyada dadka dibadbaxa ka qeybgalaya maadaama dibadbaxu yahay mid nabaddeed oo dadku shacuurtooda ku muujinayaan.

'"Dowladda Soomaaliya iyo hay'addaha Amniga waxaan ugu baaqeynaa in aysan carqaladeyn banaanbaxa, waxaana laga doonaayo in ay sugaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.”ayuu yiri Musharax Geelle.

Midowga musharixiinta ayaa dibadbaxan ku tilmaamay in uu yahay mid nabaddeed oo shacabku ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan sii joogitaanka madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee muddo xileedkiisu ku ekaa 8dii bishan Feberaayo.

Xog: Somaliland oo warqad xasaasi ah u dirtay QM

Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii u horeysay la wadaagtay Qaramada Midoobay qoraal ay ku qoran yihiin "qaabka ay Somaliland rabto inay ula shaqeyso QM”, xili is-faham hordhac ah laga gaaray khilaafkii labada dhinac.

Somaliland ayaa horaanta sanadkii hore joojisay wada-shaqeyntii ay la laheyd Qaramada Midoobay, iyada oo deegaanadeeda ka mamnuucday dhamaan hay’addaha Qaramada Midoobay, oo iyagu ka fuliya gudaha Somaliland mashaariic horumarin eed iyo mid bini-aadanimo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumadda Muuse Biixi ayaa waxay Qaramada Midoobay u gudbisay qoraal ka koobna 7-bog, kaasi oo lagu sharraxay isla-markaana lagu faah-faahiyey Hab ka ama Baratakoolka Somaliland doonayso in QM ula shaqayso, iyadoo ixtiraamaysa Madax-bannaa nida ay ku doodo.

"Jamhuuriyadda Somaliland waligeed kamay mid noqon nidaamka federaalka, xiriir rasmi ahna lama yeelan muddo soddon sano ah Soomaaliya, markaa waxa Qaramada Midoobay laga sugayaa inay Dawladda Somaliland ula macaamisho maamul gooni ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-banaanideeda dhuleed iyo xaqa aayo ka tashigeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaas oo si gaar ah ugu dirtay mas’uuliyiinta QM.

Qoraalka ayaa waxa aad loogu dheeraaday in QM ay ixtiraamto madax-banaanida Somaliland, islamarkaana ay ula dhaqanto sidii dal ka go’ay Soomaaliya, waxaana soo diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, sida ay Caasimada Onl ine u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumad da.

Khilaafka Somaliland iyo Qaramada ayaa dhawa an waxa laga gaaray is-faham hordhac ah, mida asi oo keentay in xukuumadda Biixi u dirto qoraal dheer oo ku aadan qaabka ay ula tacaamuleyso Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, hase yeeshe uusan weli caalamka u aqoonsan.

Arrintan ayaa haddey dhaqan-geliso Qaramada Midoobay noqon doonta mid meel ka dhac ku noq ota Qaranimada, waxayna ka hor imaneysa qor shaha 4-ta sanadood ee soo socota ee Qaramada Midoobay ku hawl-galayso, kaasi oo ay hore u dejisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Shaqaalaha Dowladda Somalia Oo Amar Cusub Lagu Soo Rogay

D/Federaalka Soomaaliya ayaa hakisay isku imaatinka shaqaalaha dowladda iyo xaadiritan kooda Xarumaha, sababo la xiriira cudurka halista ah Coronavirus oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS ee xilka sii-haya Dur aan Axmed Faarax ayaa waxaa dhammaan shaqa aladaha dowladda lagu wargeliyay inay yareeyaan isku imaatinka, ayna ku shaqeeyaan guryahooda, iyagoo adeegsanaya qadka Internet-ka.

Sidoo kale Shaqaalaha dowladda ayaa waxaa la faray inay ka fogaadan salaanta gacan qaadka, ayna xirtaan afka iyo gacmaha, si looga fogaado faafida cudurka halis ah ee COVID-19 oo soo laba kacleeyay.

Qoraalka lagu hakinayo isku imaatinka shaqaal aha dowladda iyo xaadirintooda Xarumaha ayaa waxaa la Ogeysiiyay Madaxda ugu sarreysay DFS oo ugu horreeyo Madaxweynaha muddo xileedkii sa dhammaaday ee Farmaajo.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay DFS

XIGASHO:RADIODALSAN.COM

Jeneraal Xuud oo 48 saac u qabtay in mas’uu liyiinta HirShabelle

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, oo ah hogaamiyaha gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa digniin culus soo saaray, wuxuuna muddo ku siman 48 saacadood gudahood u qabtay inay magaalada Beledweyne iskaga baxaan mas’uuliyiinta maamulkaas.

Jeneraal Xuud, ayaa hanjabaadiisan culus, oo uu soo saaray Dorraad, ku saleeyay inay uga dan leeyihiin inay bulshada Beledweyne uga kor qaadan dhibaatooyinka ay maamulka HirShabelle ka geysaneyso magaaladaas. Waxaa hadda mudadaas ka hartay 24 saac.

Waxa uu sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin in maamulka HirShabelle uu xad-gudubyo iyo tacadiyo kula kaco dadka shacabka ah, isagoona ku eedeyay mas’uuliyiinta maamulka ee ku sugan Beledweyne inay kaalin weyn ka qaateen amaan darrada taagan.

Sidoo kale waxa uu fariin kulul u diray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay si gaar ah ‘beegsi haybeysan’ ugu hayso saraakiisha xooga dalka ee u kasoo jeeda gobolkaas, kuwaasi oo qaarkood bedel lagu sameeyay, sida uu sheegay.

Hanjabaada Xuud ayaa imaneysa xili ay jabhadiisa taageero u muujiyeen boqolaal dadweyne ah, oo Dorraad tagay fariisinka Golahaas, oo si weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee loo dhisay HirShabelle.

Horraantii bishan unbey aheyd markii ay magaalada Beledweyne weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata Jeneraal Xuud, kuwaasi oo dagaal saacado qaatay uu gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamada HirShabelle.

Galmudug Oo Amar Kusoo Rogtay Gaadiidleyda Magaalada Cadaado

Taliska Booliska Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa soo saaray amaro cusub oo ku socda gaadiidleyda ka shaqeeya halkaas iyo dadka sida sharci darrada ah hubka u heysta.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Cadaado Cabdullaahi Cabdi Daahir ayaa waxaa dhammaan gaadiidleyda miyaaradaha madow leh inay iska diiwaan geliyaan Saldhiga Booliska Magaaladaas.

Amarkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu hubiy amniga Magaalada, isla markaana waxaa gaadiidleyda la faray inay isku diiwaan-geliyaan muddo saddex maalmood gudahood.

Sidoo kale Taliye ku-xigeenka Booliska Cadaado ayaa dhammaan Milkiilayaasha Hoteelada, goobaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo dadka kale ay heysta hubka sharci darrada ah tagaan Saldhiga Booliska.

Ugu dambeyn Qoraalka ayaa waxaa lagu caddeyay in cidii fulin weyda amrka laga qaadi doono tallaabo adeg oo sharciga waafaqsan, waxaana ujeedka amrka loo soo saaray uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Cadaado.

Muxuu wasiir FIQI ka yiri dibad-baxa ay mucaara dka ka qorsheeyeen Muqdisho?

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan in la qabto banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiinta mucaaradka ah, kaas oo madaxda dowladda federaalku aysan raali ka aheyn.

Fiqi ayaa sheegay in aysan waxba ku jabneyn in taageerayaasha musharaxiintu ay afkaartooda u soo bandhigaan si nabad ah.

"Musharixiinta madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?” ayuu Axmed Macalin Fiqi ku yiri.

Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku daray, "Sidoo kale waxaa banaan-baxyo aan tiro lahayn qabsada madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayadoo halkudhigyo, fanaanado sawiradiisu ay ku daabacan yihiin xiran, calanka dalka iyo kan Gobolka Banaadirna ay Daljirka Dahsoon ku xardhan yihiin?”Waxa uu sheegay in dastuurka dalku uu fasaxayo in banaanbaxyo nabad-gelyo ay muwaadiniintu ay qabsan karaan.

"Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda Shalay aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso Shalayy ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta Shalayy dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan,” ayuu yiri Fiqi.

Banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa hadal heyn badan ka abuuray magaalada Muqdisho, waxaana su’aalo badan la gelinyaa habka ay u suurta geleyso in la qabto iyo waxa ka dhalan kara.

Dad badan ayaa qaba in la dhigo banaanbaxa, halka dadka qaarna ay ka soo hor jeedaan, iyagoo ku doodaya in caqabad loo banaanbaxo aysan jirin, oo dowladdu aysan diidaneyn in la aado doorasho.

Kulan Looga Hadlay La-Dagaalanka Al-Shaba ab Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka

M/Dirirdhaba ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa gelinkii dambe ee Dorraad ka dhacay kulan looga hadlay xaaladda amniga ee bariga Itoobiya iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen hay’addaha a mniga DDS Itoobiya iyo kuwa kala deegaanada Soomaalida, Oromada iyo Canfarta ayaa lagu gorfeeyay sida lagu xaqi ijin karo amniga deega anadaas.

Sidoo kale inta socday kulanka ayaa waxaa la ga wada hadlay sidii ay wadashaqeyn u yeelan la haayeen hay’addaha amniga qeybahooda kala du wan ee Soomaalida, Oromada iyo Canfarta ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Taliye ku-xigeenka Booliska Federaalka Itoo biya Melaku Fenta ayaa Saraakiisha Ciidanka far ay inay joojiyaan sugida amniga, isla markaana la ga hortego wax kasta oo keeni kara amniga iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Melaku Fenta Taliye ku-xigeenka Booliska Fed eraalka ayaa shacabka ku nool deegaanada Soom aalida ee dowlad deegaanka ka dalbaday inay la shaqeeyaan Ciidanka amniga, sidoo kalena la joojiyo dagaalada mararka qaarkood dhaca.

Maareeye Cusub Oo Loo Magacaabay Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Gedo

Guddoomiyaha Maamulka Gedo ee DFS Md Axmed Buule Gaarad Canjeex ayaa Maareeye cu sub u magacaabay Garoonka diyaaradaha degm ada Luuq ee Gedo k/ Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Gud.Axmed Bu ule ayaa waxaa Maareeyaha Garoonka diyaarad aha degmada Luuq loogu magacaabay inuu noqdo Siraaji Dhaqane Cali oo la sheegay inuu doonayo inuu u adeego Bulshada degmadaas.

Sababta keentay magagaacbista Maareeyaha ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qa bo in si deg deg ah loo helo maareeyaha Garoon ka Luuq, sidoo kalena ay dalbadeen shacabka iyo xubno kale. Guddoomiyaha Maamulka Gedo ee dowladdaDFS Md. Axmed Buule Gaarad Canjeex ayaa Siraaji Dhaqane Cali faray inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga dowl adda.

Galka Baarista oo shaaciyey xogo xasaasi ah oo ku saabsan ciidamada ay DF gaysay Eritrea

Xog cusub ayaa kasoo baxeysa ciidamada So omaaliyeed ee DFS ay tobabarka u geysay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa toddobaadk an diirada saaray ciidamada DFS geysay Eritrea, wuxuuna daboolka ka qaaday in qorshaha looga dejiyay dalkaas uu soo bilowday horaantii 2019 oo laga joogo labo sano.Qorshaha ciidamada lagu geeyay dalka Eritrea ayaa waxa markii u horeysay iska lahaa madaxweynaha xiligan waqtigu ka dha maaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhigi isa Eritrea ka dalbaday in ciidamo loogu qaado dalkiisa xili uu dhamaadka 2018-kii booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa waxa markii hore uu qorshuhu ahaa in lagu tob abaro gudaha M/Muqdisho, taasi oo keentay in wafdi heer sarre ah uu dalka yimaado bishii Maarso ee 2019-kii, kuw aasi oo markii dambe meesha ka saaray suurta-galnimada in ciidamo lagu tobabaro gudaha dalka.

Kadib markii uu shaqeyn waayey qorshihii ah aa in gudaha Muqdisho lagu tobabaro ciidama daas ayaa loo qaaday dalka Eritrea bishii Ogoos ee 2019-kii, waxaana xiligaas soo aruuriyo oo soo qortay dhalinyarada dalkaas loo qaaday hay’adda NISA, sida ay sheegen saraakiil sar-sare oo la so cday qorshahaan.

Ciidamada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea oo difcado kala duwanaa ahaa ayaa waxa lasoo warinayaa inay tiradoodu u dhaxeyso 5-kun ilaa 7-kun oo dhalinyaro ah.

Galka Baarista oo la hadlay qaar kamid ah Waa lidiinta dhalinyarada ku maqan Eritrea ayaa shee gay in markii hore wiilashooda loo sheegay inay tag ayaan Qatar, kadibna loo leexiyay dalka Erit rea oo lagu xareeyay xeryo ciidan oo lagu toba baro.

Waalidiintaan ayaa sheegay in wiilashooda oo kamid ah ciidamada ay dowladda ka dejisay Eri trea ay wada-hadleen bartankii 2019-kii, intaas wi xii ka dambeeyayna aysan jirin wax xiriir ah oo dhe x-maray, midaasi oo ay walaac xoogan ka muuji yeen.

Sidoo kale waxa Barnaamijka Galka Baarista la gu wareystay Aabe looga yeeray xarunta NISA bi shii 5-aad ee sanadkii 2020-ka, kaasi oo Saraaki isha Nabad-Sugida ay ku wargeliyeen in wiilkiisa uu dhintay, xili uu ku gudo jiray tobabarka loo geeyay Eritrea.

D/Qatar ayaa dhawaan war-saxaafadeed ay soo saartay waxay si adag uga hadashay arrinta ku aadan dhalinyaradan Soomaaliyeed ee tababar ka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo markii hore dalkooda looga qaaday in la geynayo Qatar.

"Waan cambaareyneynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar, si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah wax ayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah,” ayaa xiliga as lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Waxa kale oo lagu yiri "Nasiib darro kooxaha nu gul ayaa inta badan ku dhaca dalabyo been abuur ah iyo ballamo been abuur ah oo deganaansho ah. Si looga hortago arrintan Qatar waxay ka hirgeli say dalal badan oo ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah xarumo lagu biyo dal ku galka, waana tallaabo looga gaashaamanayo in ay aqbalaan dalabyada been abuurka ah”.

Xogta uu soo bandhigay Galka Baarista ayaa sii xoojinaysa walaaca iyo tuhunka laga qabo in dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb-qaateen howl-galkii dagaal ee gobolka Tigray, ee uu Abiy Axmed ku qaaday ma amulkii TPLF, waxaana mad-madow badan ku gad aaman yahay hanaankii loo qaaday ciidama daas.

Xigasho:caasimadda.net

Soomaaliya Iyo Koofurta Suudaan Oo Ka Wada Hadlay Arrin Muhiim Ah

Safiirka DFS u fadhiya dalka K/ta Suudaan Xus een Xaaji Axmed ayaa Shalay kulan gaar Xarunta Madaxtooyada kulan gaar ah kula qaatay Madax weyne ku-xigeenka K/Sudan Riek Machar.

2da dhinac ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriir ka wanaagsan ee ka dhexeeya ee Soomaaliya iyo K/ta Suud aan oo ku saleysan dhinacyo kala duwan loo sii horumarin lahaa.

Sidoo kale Safiirka Xuseen Xaaji Axmed iyo Ma daxweyne ku-xigeenka ayaa dirada saaray xalad da ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku gan acsata iyo siddii ay u-heli lahaayeen ka warqabka iyo daryeelka ay u baahan yihiin.

Danjire Xuseen Xaaji ayaa Riek Machar uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay, isla markaana u sheegay in muhiim ay tahay in gana csatada Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan kaa lintooda ka qaadan karaan horumarka dalka.

Midowga Afrika Iyo QM Oo Mar Kale War Ka soo Saaray Khilaafka Doorashada Somalia

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mou ssa Faki Mahamat iyo Xoghayaha Guud ee Qara mada Midoobay António Guterres ayaa si wadajir ah uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa.

Qoraal ay soo saareen Moussa Faki iyo António Guterres ayaa waxaa lagu sheegay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro qabsoomida doorashada dhaceysa, iyadoo la fulinayo heshiis 17-kii Se bte mber lagu gaaray M/ Muqdi sho. Midowga Afrika iyo Q/Mid oobay ugu baaqay Mad axda Soomaalia inay dib u bilaaban wada-hadlo miradhal ah, ayna wada hadlaan khila afka taagan, si looga gudbo caqabadaha iyo is marin waaga taagan.

Sidoo kale Madaxda Soomaalida ayaa laga dal baday inay ku shaqeeyaan niyad wanaagsan iyo sidii siyaasiyiinta soomaaliyeed sidii looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka oo la isku mari la’yahay.

"Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud waxay ugu baaqayaan hoggaamiyaasha Soomaalida inay dib u bilaabaan wada hadalada kuna shaqeeyaan niyad sami si looga gudbo caqabadaha siyaasade ed ee ugu dambeeya ee doorashooyinka loo dha nyahay sida ugu dhaqsaha badan uguna ixtiraam aan heshiiskii ay wada gaareen 17kii Sebtember 2020.” ayuu lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Mid owga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Si kastaba Khilaafka ugu weyn ee doorashada dalka ayaa waxaa uu ka taagan yahay Arrinta Gob olka Gedo ee Maamulka Jubbaland oo ay isku haa yan dowladda, waxaana haatan Baydhabo shir u ga socdaa Guddi ka socda DF iyo maamul Gob oleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Urur Iskaashi Oo Taageero Cusub U Balan Qaad ay Dalal Ay Ku Jirto Somalia

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaa mka ee OIC, Dr. Yuusuf Bin Axmed Al-Cuthmayni waxa uu shaaca ka qaaday inay Taageero Maal iyadeed oo Cusub siin dooo naan dalalka Somalia, Urdun, Nigeria iyo Gabon.

Bayaan ka soo baxay Xarun ta Dhexe ee Ururka OIC ee ku yaalla Magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Kaalmada la siinayo Afartaasi Waddan loo adeegsan doono Mashaariicda kala ah: Arrimaha Bulshada, Maalg ashiga, Dhaqanka, Xaalladaha Degdega, Jaamaca daha, Isbitaallada iyo Dugsiyada.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacinin xaddiga Lacageed ee loo qoondeeyey afartaasi Waddan, haddana waxaa qeyb ka mid ah Dhaqaalahaasi la siin doonaan Ururada ama Jamciyadaha Kheyriga ee dalalkaasi ka hawlgala.

Sanduuqa Midnimada Isaamka ayaa sida uu qor shahu yahay laga bixin doona dhaqaalaha loogu yaboohay dalalka Somalia, Urdun, Nigeria iyo Gabon.

Khasaaro Ka Dhashay Duqeyn Lala Beegsaday Saldhig Ay Ku Sugnaayen Ciidamo

Duqeyn Hoobyayaal lala beegsaday Saldhig Milliteri oo ay Maraykanka ku leeyihiin Caasimad da Gobalka Kurdistan ee Waqooyiga Iraq ayaa la sheegay inuu Qandaraase Rayid ku geeriyooday, halka 5 Askar Maraykan ah ku dhaawacmeen.

Ilaa hadda, lama sheegin Waddanka uu ka soo jee do Qandaraaslaha lagu dilay Duqeyntaasi. Sadd ex Gantaal ayaa lala beegsasday Garoonka Diya aradaha ee magaalladda Arbil, halka uu mid ka mid ah Gantaalladaasi ku habsaday Dhismo Milli teri oo ay Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka deggan yihiin.

Sidoo kale, 2 Gantaal ayaa waxay ku habsad een Deegaano la deggan yahay oo ku dhow Gar oonka Diyaaradaha ee magaalladda Arbil. Ma kala cadda haddii hadafka Duqeyntaasi ahaa Saldhigga Milliteri ee ay Maraykanka ka degan yihiin meel u dhow Garoonka Arbil.

Dhinaca kale, Hay’adaha Ammaanka ee Gob alka Kurdistan iyo Isbahaysiga Milliteriga Caala miga ee ka hawlgala Gobalkaasi waxay sheegeen inay heleen Gaargii loo adeegsaday Duqeyntaasi, balse, lama sheegin goobta looga tegay gaariga.

Koox isku magacowday Saraya Awliya Al-dam ay aa sheegatay Mas’uuliyada Duqeynta loo geystay Saldhiga Milliteriga Isbahaysiga Maraykanka ku leeyihiin magaalladda Arbil ee Waqooyiga dalka Iraq.

Dad Farabadan Oo Ku Dhintay Doon Kula Degtay Haro Ku Taal Jamhuuriyad

60 qof ayaa ku dhimatay dad kale oo badana waa la la’ yahay kadib markii doon ay saarnaay een ku degtay haro ku taala Jamhuuriyada dimuqr aadiga Congo,DRC

Dowlada DRC ayaa sheegtay in doonta ay ku degtay harada Mai-Ndombe oo ku taala galbeedka dalkaasi.

Steve Mbikayi oo ah wasiirka arimaha bani’aad animo iyo gargaarka dalka DRC ayaa sheegay in doonta ay siday dad ka badan intii loogu talo galay taana loo mal eenayo sababta

Steve Mbikayi wuxuu tilmaamay in ay doonta siday 700 qof. 60 qof ayaa meydkooda la helay wa xaana la soo badbaadiyay 300 oo kale sida uu she egay Steve Mbikayi Waxaa soconaya gurmad xo og leh oo lagu baadigoobayo dadkii kale ee doonta saarna

Jubbaland oo kordhisay howl-gallada KISMAAYO

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay kor dhiyeen howl-gallada laga sugayo amniga ee ay ka wadaan gudaha magaallo xeebeedka Kism aayo ee xarunta KMG ah ee maamulkasi.

Ciidamada ayaa howl-galladooda kusoo qab-qa btay tiro dhalinyaro ah, kadib markii ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay sii day een qaar ka mid ah dhalinyarada, kuwa kalena ay ay gudbiyeen saldhigga, ka gadaal markii looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo hor leh ay ka sameysteen xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, si loola socda dhaq-dhaqaaq dadka & gaadiidka.

Saraakiisha ammaanka oo la hadlay warbaah inta ayaa ugu baaqay shacabka inay is-dajiyaan, si doo kalena ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa maga allo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, ku waas oo u badan dilal qorsheysan iyo weeraro loo adeegsaday bam-gacmeedyo, kuwaas oo dhaliyey khasaare kala duwan

Maxaa ka jira in 30 qof ay Isbitaalka Martiini ugu geeriyoodeen COVID-19?

Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu faafay baraha bulshada inay korortay tirada dhimashada uu sababay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, isla markaana ay Habeen hore Isbitaalka Madiina Martiin ugu dhinteen 30 qof. Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soo maaliya, Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay xaqiiqo tahay in cudurka Coronavirus uu kusoo la bo kacleeyay dalka, hase yeeshe waxay meesha ka saartay in tiro soddomeeyo ah ay Habeen hore u geeriyoodeen.

Fowsiya ayaa sheegtay in Isbitaalka Martiini in la keenay dad badan oo uu soo ritay cudurkaas, ayada oo xustay in Dorraad ilaa Shalay ay tageen 16 qof, mid kamid ahna la geeyay qeybta daryeelka deg-degga ah ee loo yaqaano ICU-da.

Sidoo kale waxay warbaahinta u sheegtay in 9 qof oo kale la jiifiyay Isbitaalka, halka lix qof ay dib ugu laabteen Guryahooda, kadib markii dhakhaatiirtu ay siiyeen talooyin caafimaad.

Tirada dadka cudurka Coronavirus u geeriyooday Dorraad ilaa Shalay ayaa ahaa 5 qof ah oo keliya, sida ay sheegtay Wasiirka caafimaadka dowladda fed eraalka oo bulshada ugu baaqday inaysan aaminin wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada.

Ugu dambeyntiina waxay sheegtay inay si maa linle ah usoo gudbin doonto wasaaraddu warbixinta cudurka Coronavirus, midaasi oo meesha ka baxday tan iyo markii uu cudurka hoos uga dhacay dalka.

Ciidanka Haramcad Oo Howlgal Ka Sameey ay Degmo Ka Tirsan Sh/Hoose

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo waxaa ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Hoo se gaar ahaan degmada Afgooye. Saraakiisha hog gaamineysa Ciidanka how lgalka sameeyay ayaa she egaya in ujeedka how lgalka uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga degmada Afgooye, sidoo kalena ay doonayaan in laga hortego falalka amni darro.

Saraakiisha Booliska Ciidanka Haramcad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixin howlgalka in dad la gu soo qabtay iyo in kale, hayeeshee la xaqiijiyay oo kaliya in howlgal qorsheysan fuliyeen Ciidanka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Ci idanka ay howlgal kale ka sameeyeen wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgoo ye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhismaheeda haatan uu marayo meel gaba-gabo ah.

Wadadaas oo ay dhismaha ka wadaan Injineero Turki ah ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo miino iyo kuwo Is-miidaamin ah oo khasaarooyin kala duwan geystay oo ala eegtay Injineero Turki ahaa iyo Ciida mo Haramcad ah oo ilaalo ka haayay

Xog: Beesha Caalamka oo soo faro-gelisay dibad-baxa la filayo inuu dhaco Jimcaha

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana qeyb ka ah musharaxiinta mucaaradka ah ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Caa simada Online u sheegay in xubnaha beesha caa lamka ay soo faro-geliyeen banaanabaxa la filayo in maalinta Jimcaha uu ka dhaco Muqdisho.

Wararka aan ka helnay xubnahaan ayaa sheeg ayaa in beesha caalamka ay la hadleen Madaxweyn ayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, iyo ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaal ay xubnaha beesha caal amka, islamarkaana ay ka dalbadeen in ay yeeshaan kulan fogaan arag ah oo ku saabsan xaaladda dalka

"Waxaan filaynaa in dhowaan uu dhaco ku lan gaar ah oo mucaaradka iyo beesha caalamka ah islamarkaana laga wadahadlo banaanbaxa oo ay be esha caalamka dalbtay in la joojiyo,” ayuu yiri xi ldhibaan ka tirsan mucaaradka oo la hadlay Caa simada Online.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan banaa nbaxyada la filayo in ay dhacaan waxayna qabaan aragti ah in dalka ay gelin karaan fowdo iyo qal qal amni. Cabsida ugu weyn ayaa ah inay isku dhacaan ciidanka dowladda iyo dibad-baxayaasha kadibna uu horseedo kacdoon shacab oo kadib isku beddeli karaa dagaal, sida ay qabaan xubnaha beesha caal amka qaarkood. Golaha Midowga Musharaxiinta Mad axweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkaan sheegay in ay qaban doonaan banaanbax looga soo horjeedo inuu kursiga sii fadhiyo Madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laguna dalbanayo qabashada doorasho xor ah.

OGEYSIISKA GUUD- DIGNIINTA GANACSIGA

(Gudaha Dhulka SOOMAALIYA)

HALKAAN waxaa lagu siinayaa ogeysiis ah: ETI GIDA SANAYI VE TICARET ANONIM SIRKETI, a Turkish company with head office at: Organize Sanayi Bölgesi 11. Cadde Eskisehir TURKEY

Miyuu yahay milkiilaha iyo milkiileha milkiile ee summaddan soo socota

Calaamadda kor ku xusan waxaa loo isticmaalaa fasalka 30 ee caalamiga ah marka la eego alaabooyinka soo socda

Fasalka 30: Biskut; shukulaatada; keega; buskudka; canjeero; moofo; tarts; macmacaanka, oo ah, macmacaanka rootiga, macmacaanka ku saleysan bur iyo shukulaatada; rootiyada; badarka barar leh; boorash; badarka quraacda; Jalaato; baraf la cuni karo

Sido kale ogeysiis ayaa lasiiyay in dacwad sharciyeed lagaqaadan doono qof ama shirkad isticmaasha isla calaamado ama kudayasho, ama cidkasta oo ku xad gudubta xuquuqdan lahaansha ganacsi

For further information, please contact: Inventa International
Email: info@inventa.co

OGEYSIISKA GUUD- DIGNIINTA GANACSIGA

(Gudaha Dhulka SOOMAALIYA)

HALKAAN waxaa lagu siinayaa ogeysiis ah: ETI GIDA SANAYI VE TICARET ANONIM SIRKETI,a Turkish company with head office at: Organize Sanayi Bölgesi 11. Cadde Eskisehir TURKEY

Miyuu yahay milkiilaha iyo milkiileha milkiile ee summaddan soo socota

Calaamadda kor ku xusan waxaa loo isticmaalaa fasalka 30 ee caalamiga ah marka la eego alaabooyinka soo socda

Fasalka 30: Biskut; shukulaatada; keega; buskudka; canjeero; moofo; tarts; macmacaanka, oo ah, macmacaanka rootiga, macmacaanka ku saleysan bur iyo shukulaatada; rootiyada; badarka barar leh; boorash; badarka quraacda; Jalaato; baraf la cuni karo

Sido kale ogeysiis ayaa lasiiyay in dacwad sharciyeed lagaqaadan doono qof ama shirkad isticmaasha isla calaamado ama kudayasho, ama cidkasta oo ku xad gudubta xuquuqdan lahaansha ganacsi

For further information, please contact: Inventa InternationalEmail: info@inventa.com

OGEYSIISKA GUUD- DIGNIINTA GANACSIGA

(Gudaha Dhulka SOOMAALIYA)

HALKAAN waxaa lagu siinayaa ogeysiis ah: ETI GIDA SANAYI VE TICARET ANONIM SIRKETI, a Turkish company with head office at: Organize Sanayi Bölgesi 11. Cadde Eskisehir TURKEY

Miyuu yahay milkiilaha iyo milkiileha milkiile ee summaddan soo socota

Calaamadda kor ku xusan waxaa loo isticmaalaa fasalka 30 ee caalamiga ah marka la eego alaabooyinka soo socda

Fasalka 30: Biskut; shukulaatada; keega; buskudka; canjeero; moofo; tarts; macmacaanka, oo ah, macmacaanka rootiga, macmacaanka ku saleysan bur iyo shukulaatada; rootiyada; badarka barar leh; boorash; badarka quraacda; Jalaato; baraf la cuni karo

Sido kale ogeysiis ayaa lasiiyay in dacwad sharciyeed lagaqaadan doono qof ama shirkad isticmaasha isla calaamado ama kudayasho, ama cidkasta oo ku xad gudubta xuquuqdan lahaansha ganacsi

For further information, please contact: Inventa International
Email: info@inventa.com

OGEYSIISKA‌ ‌GUUD-‌ ‌DIGNIINTA‌ ‌GANACSIGA‌‌

(Gudaha‌ ‌Dhulka‌ ‌SOOMAALIYA)‌‌

HALKAAN‌ ‌waxaa‌ ‌lagu‌ ‌siinayaa‌ ‌ogeysiis‌ ‌ah:‌ ‌‌ETI‌ ‌GIDA‌ ‌SANAYI‌ ‌VE‌ ‌TICARET‌ ‌ANONIM‌‌

SIRKETI,‌‌ ‌a‌ ‌Turkish‌ ‌company‌ ‌with‌ ‌head‌ ‌office‌ ‌at:‌ ‌‌Organize‌ ‌Sanayi‌ ‌Bölgesi‌ ‌11.‌ ‌Cadde‌‌

Eskisehir‌ ‌TURKEY‌‌

Miyuu‌ ‌yahay‌ ‌milkiilaha‌ ‌iyo‌ ‌milkiileha‌ ‌milkiile‌ ‌ee‌ ‌summaddan‌ ‌soo‌ ‌socota‌‌

‌Calaamadda‌ ‌kor‌ ‌ku‌ ‌xusan‌ ‌waxaa‌ ‌loo‌ ‌isticmaalaa‌ ‌fasalka‌ ‌30‌ ‌ee‌ ‌caalamiga‌ ‌ah‌ ‌marka‌ ‌la‌ ‌eego‌‌

alaabooyinka‌ ‌soo‌ ‌socda‌‌

‌‌

Fasalka‌ ‌30:‌ ‌Biskut;‌ ‌shukulaatada;‌ ‌keega;‌ ‌buskudka;‌ ‌canjeero;‌ ‌moofo;‌ ‌tarts;‌‌ macmacaanka,‌ ‌oo‌ ‌ah,‌ ‌macmacaanka‌ ‌rootiga,‌ ‌macmacaanka‌ ‌ku‌ ‌saleysan‌ ‌bur‌ ‌iyo‌‌ shukulaatada;‌ ‌rootiyada;‌ ‌badarka‌ ‌barar‌ ‌leh;‌ ‌boorash;‌ ‌badarka‌ ‌quraacda;‌ ‌Jalaato;‌ ‌baraf‌ ‌la‌‌

cuni‌ ‌karo‌‌

‌‌Sido‌ ‌kale‌ ‌ogeysiis‌ ‌ayaa‌ ‌lasiiyay‌‌ ‌in‌ ‌dacwad‌ ‌sharciyeed‌ ‌lagaqaadan‌ ‌doono‌ ‌qof‌ ‌ama‌ ‌shirkad‌‌

isticmaasha‌ ‌isla‌ ‌calaamado‌ ‌ama‌ ‌kudayasho,‌ ‌ama‌ ‌cidkasta‌ ‌oo‌ ‌ku‌ ‌xad‌ ‌gudubta‌ ‌xuquuqdan‌‌

lahaansha‌ ‌ganacsi‌‌

‌‌For‌ ‌further‌ ‌information,‌ ‌please‌ ‌contact:‌ ‌Inventa‌ ‌International
Email:‌ ‌info@inventa.com‌

OGEYSIISKA GUUD- DIGNIINTA GANACSIGA

(Gudaha Dhulka SOOMAALIYA)

HALKAAN waxaa lagu siinayaa ogeysiis ah: ETI GIDA SANAYI VE TICARET ANONIM SIRKETI, a Turkish company with head office at: Organize Sanayi Bölgesi 11. Cadde Eskisehir TURKEY

Miyuu yahay milkiilaha iyo milkiileha milkiile ee summaddan soo socota

Calaamadda kor ku xusan waxaa loo isticmaalaa fasalka 30 ee caalamiga ah marka la eego alaabooyinka soo socda

Fasalka 30: Biskut; shukulaatada; keega; buskudka; canjeero; moofo; tarts; macmacaanka, oo ah, macmacaanka rootiga, macmacaanka ku saleysan bur iyo shukulaatada; rootiyada; badarka barar leh; boorash; badarka quraacda; Jalaato; baraf la cuni karo

Sido kale ogeysiis ayaa lasiiyay in dacwad sharciyeed lagaqaadan doono qof ama shirkad isticmaasha isla calaamado ama kudayasho, ama cidkasta oo ku xad gudubta xuquuqdan lahaansha ganacsi

For further information, please contact: Inventa International
Email: info@inventa.com

OGEYSIISKA GUUD- DIGNIINTA GANACSIGA

(Gudaha Dhulka SOOMAALIYA)

HALKAAN waxaa lagu siinayaa ogeysiis ah: ETI GIDA SANAYI VE TICARET ANONIM SIRKETI, a Turkish company with head office at: Organize Sanayi Bölgesi 11. Cadde Eskisehir TURKEY

Miyuu yahay milkiilaha iyo milkiileha milkiile ee summaddan soo socota

Calaamadda kor ku xusan waxaa loo isticmaalaa fasalka 30 ee caalamiga ah marka la eego alaabooyinka soo socda

Fasalka 30: Biskut; shukulaatada; keega; buskudka; canjeero; moofo; tarts; macmacaanka, oo ah, macmacaanka rootiga, macmacaanka ku saleysan bur iyo shukulaatada; rootiyada; badarka barar leh; boorash; badarka quraacda; Jalaato; baraf la cuni karo

Sido kale ogeysiis ayaa lasiiyay in dacwad sharciyeed lagaqaadan doono qof ama shirkad isticmaasha isla calaamado ama kudayasho, ama cidkasta oo ku xad gudubta xuquuqdan lahaansha ganacsi

For further information, please contact: Inventa International
Email: info@inventa.com

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip