Qiimeynta Xiddigaha Ee Xulalka Germany Iyo England – Waa Kuma Xiddiga Garoonka, Waase Kee Xiddigii Ugu Xumaa Ciyaarta?

0
Sunday March 27, 2016 - 12:01:52 in Sports News by
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Xiddigaha Ee Xulalka Germany Iyo England – Waa Kuma Xiddiga Garoonka, Waase Kee Xiddigii Ugu Xumaa Ciyaarta?

    Xulka England ayaa soo laabasho cajiib ah sameeyeen kulankii saaxiibtinimo ee ay kula ciyaareen magaalada Berlin xulka Jarmalka, iyadoo xulka heysta Koobka Adduunka ay ku hormareen labo gool balse England ayaa seddex gool ku jawaab celisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka England ayaa soo laabasho cajiib ah sameeyeen kulankii saaxiibtinimo ee ay kula ciyaareen magaalada Berlin xulka Jarmalka, iyadoo xulka heysta Koobka Adduunka ay ku hormareen labo gool balse England ayaa seddex gool ku jawaab celisay.

Toni Kroos iyo Mario Gomez ayaa hogaanka u dhiibay xulkii martida loo ahaa, laakiin goolal ay kala dhaliyeen qeybtii labaad Harry Kane iyo Jamie Vardy ayaa England ka saaciday inay ciyaarta barbareeyaan, xiddiga Tottenjam Eric Dier ayaana madaxa shabaqa ku soo taabtay waqtigii dhimashada taasoo ka dhigtay inay Three Lions ku badiyeen 3-2.

Waxaan eegeynaa qiimeyn lagu sameeyay ciyaartoydii xalayto ciyaartay kulanka saaxiibtinimo ee Jarmalka iyo Ingariiska. Darajada ugu sareysa waa 10 dhibcood, dabcan waxaa ugu hooseysa 0:

Xiddiga ciyaarta waxaa ahaa Dele Alli oo qiimeyntaan ka helay sideed dhibcood isagoo ciyaar cajiib ah y u soo bandhigay Three Lions laakiin fursad sahlan uu qasaariyay ka dib waxaa England guusha ku hogaamiyay Dier.

Germany-v-England

GERMANY:

MANUEL NEUER: 6Wax fursad ah uma heysan inuu badbaadiyo labadii gool ee ugu horeysay, laakiin ma aheyn habeenkiisii uu ugu fiicnaa.

EMRE CAN: 5Xiddiga Liverpool uma muuqan mid raaxo ku dareemaya in laga ciyaarsiiyo booska daafaca midig.

ANTONIO RUDIGER: 6Xiddigaan 23 jirka ah ayaa soo bandhigay calaamado muujinaya inuu mustaqbal dheer u leeyahay wadankiisa.

MATS HUMMELS: 6Wuxuu adeegsaday qibradiisa markii ay England cadaadis soo saareysay Jarmalka. Waxaa la bedelay waqtigii nasashada.

JONAS HECTOR: 6Waxa uu ka horjoogsaday Henderson inuu gool dhaliyo.

TONI KROOS: 7Si caqli ku jiro ayuu u fekeray una arkay dhaawaca Butland isagoo gool uga faa’ideystay.

SAMI KHEDIRA: 5Uma muuqan mid raaxo dareemaya markii ay cadaadiska soo saarayeen xiddigaha khadka dhexe ee England.

THOMAS MULLER: 6Xiddiga Bayern ayaa ahaa mid ciyaarta ka dhex muuqday islamarkaana hal abuur ku ahaa kubada.

MESUT OZIL: 6Ciyaarta waa uu ku dhex jiray iyadoo mararka qaar uu saameyn halis ah yeelanayay.

MARCO REUS: 6Wuu adkaa laakiin wacdarro ma uusan dhigin waxaana la bedelay daqiiqadii 63aad.

MARIO GOMEZ: 7Waxaa gool fiican ka dhacay calanwade qalad sameeyay, markii gool helayna waxa uu dhaliyay madax cajiib ah.

BEDEL:Tah ( Hummels 45) 6.Schurrle (Reus 63) 5.Podolski ( Muller 75) 5.

ENGLAND

JACK BUTLAND: 5Habeen aad u xun ayay u aheyd goolhayaha – waxa uu qalad ku lahaa goolka Jarmalka, waxaana uu dhaawacmay ka hor waqtigii nasashada.

NATHANIEL CLYNE: 6Meel xun ayuu taagnaa goolkii labaad ee Jarmalka laakiin caawin fiican ayuu sameeyay goolkii Jamie Vardy.

CHRIS SMALLING: 6Waa uu ka gabanayay inuu raacasho halis gelineysa sameeyo, waxaana ay taasi keentay in difaaca mararka qaar si sahlan lagu dhaafo.

GARY CAHILL:6Uma muuqan marnaba inuu raaxo ku dareemayo inay iska garab ciyaaraan Chris Smalling.

DANNY ROSE: 7Kulankiisii ugu horeysay waxa uu ahaa mid balanqaad leh, waxaana uu sidoo kale ka qeyb qaadanayay weerarka.

ERIC DIER: 7Dhaqdhaqaaqa khadka dhexe ee Jarmalka ayaa ku adkeeyay inuu saameyn weyn yeesho laakiin waxa uu dhaliyay goolkii guusha.

JORDAN HENDERSON: 6Qaab ciyaareed fiican ayuu soo bandhigay, laakiin dhameystirkiisa waa inuu noqdo mid bartilmaameedsan.

ADAM LALLANA: 6Saameynta uu ku yeelanayo Jurgen Klopp ayaa horumarineysa isaga, wuxuuna ahaa xiddigihii bilaabayay inay cadaadiska saaraan Jarmalka, waxaa la bedelay daqiiqadii 70aad.

DELE ALLI: 8Habeen aad u fiican ayay aheyd wuxuuna cadeeyay inuusan kaliya u baahneyn inuu Faransa aado balse ay tahay inuu ku soo bilowdo kulan walba.

DANNY WELBECK: 7Taam ahaansha ayaa ku soo laabanayaa, waxaana uu soo bandhigay sababta uu Hodgson u jecel yahay inuu ka ciyaaro garabka bidix. Waxaa la bedelay daqiqiadii 70aad.

HARRY KANE: 7Is qoloocintii Cruyff ayuu gool ku dhaliyay, mar walba hanjabaad ayuu ahaa, waxaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed madaalenimo ah.

BEDEL:Forster (Butland, 44) 6.Vardy (Welbeck 70) 5. Barkley (Lallana 70) 5.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip