Gerrard Oo Soo Guryo Noqonaya – Halyeeyga Liverpool Oo Ku Soo Laabanaya Anfield Dhamaadka Sannadkan

0
Sunday March 27, 2016 - 11:57:25 in Sports News by
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gerrard Oo Soo Guryo Noqonaya – Halyeeyga Liverpool Oo Ku Soo Laabanaya Anfield Dhamaadka Sannadkan

    Steven Gerrard ayaa ku soo laabanaya England, taasoo wadada u xaareysa inuu door tababarenimo ka qabto kooxda Liverpool. Halyeeyga Liverpool ayaa ku jira xilli ciyaareedkiisii labaad ee LA Galaxy laakiin waxa uu diyaar u yahay inuu ka soo laabto Mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Steven Gerrard ayaa ku soo laabanaya England, taasoo wadada u xaareysa inuu door tababarenimo ka qabto kooxda Liverpool. Halyeeyga Liverpool ayaa ku jira xilli ciyaareedkiisii labaad ee LA Galaxy laakiin waxa uu diyaar u yahay inuu ka soo laabto Mareykanka dhamaadka sannadkan.

Ilo ku dhow Gerrard oo la hadlay jariirada The Sun ayaa yiri: "Waa boqolkiiba boqol hubaal inuu soo laaban doono marka uu qandaraaskiisa dhamaado. Waxaana uu jeclaan lahaa inuu door tababarenimo ka qabto Liverpool.”

gerrard-m_2763843a

35 jirkaan ayaa loo soo bandhigi doonaa inuu khabiir isboorti ka noqdo telefishinada laakiin waxa uu sidoo kale bilaabay inuu qaato leysankiisa tababarenimo. Macalinka Anfield Jurgen Klopp ayaa Stevie G ku soo dhaweeyay xarunta Melwood xilli ciyaareedkan si uu tababar u la qaato kooxda markii uu isku diyaarinayay xilli ciyaareedka horyaalka Mareykanka.

 

Tababaraha Jarmalka ayaana laga yaabaa inuu kabtankii hore ee England ku soo darsado shaqaalihiisa tababarka iyadoo Gerrard uu u soo ciyaaray kaliya Liverpool waayihiisa Premier League.

Klopp ayaa si weyn u la dhacay Gerarrd markii uu waqtigii qaboobaha uu tababar la qaadanayay kooxda inteeda kale.

Waxaana waqtigaas uu Klopp qirtay: "Gerrard weli waa ciyaaryahan weyn, waxaana uu ku jiraa qaad aad u wanaagsan”

Macalinka The Kop ayaa sheegay in Gerrard uu ka caawiyay inuu wax badan ka barto kooxda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip