Xiddiga Lagu Hungoobay Memphis Depay Laga Ceyrinayo Man United, Phil Jones Iyo Marcus Rojo Oo Iyagana Halis Ku Jira.

0
Sunday March 27, 2016 - 11:56:21 in Sports News by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddiga Lagu Hungoobay Memphis Depay Laga Ceyrinayo Man United, Phil Jones Iyo Marcus Rojo Oo Iyagana Halis Ku Jira.

    Xiddiga reer Holland Memphis Depay ayaa wajahaya in laga ceyriyo Manchester United isagoo hogaaminaya kooxaha ka tagaya kooxda sida ay qortay The Sun on Sunday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga reer Holland Memphis Depay ayaa wajahaya in laga ceyriyo Manchester United isagoo hogaaminaya kooxaha ka tagaya kooxda sida ay qortay The Sun on Sunday.

Man United ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya xiddiga ay ku hungoobeen kaasoo ka ay sannad ka hor ka soo bixiyeen adduun lacageed oo gaaraya 25 milyan ginni.

Xiddiga kale ee albaabka Old Trafford laga bixinayo waxaa ku jira xiddiga khadka dhexe Morgan Schneiderlin kaasoo kaliya xilli ciyaareed ka hor ka yimid Southampton.

Xitaa daafcyada Phil Jones iyo Marcos Rojo ayaa wajahaya hubanti la’aan la xiriirta mustaqbalkooda iyadoo United ayaa dooneyso inay dib isku dhisto ka dib xilli ciyaareed aad u liita oo soo maray.

748f31b3-6d95-4372_2764260a

Booska tababare Louis van Gaal ayaa isna sidoo kale halis ku jira, waxaana u fadhiya oo sugaya inuu shaqada kala wareego Jose Mourinho.

Marcos Rojo ayaa sidoo kale ku dhibtooday dhaawac garabka ah, waxaana uu soo laabtay kaliya todobadii kulan ee ugu danbeysay ka dib seddex bilood oo uu dhaawac ku maqnaa.

Goolhayaha keydka Sergio Romero ayaa isna baxaya iyadoo kooxda reer Argentina ee River Plate ay xaqiijisay xiisaha ay u hayaan goolhayaha.

Madaxweyne ku xigeenka Marisa Patanian ayaa yiri: "River waxa ay mar walba xiiseyneysa ciyaartoy wanaagsan, Romero isna waa mid ka mid ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip