Sunday People: Marcus Rashford Oo Laga Mamnuucay Qolka Labiska Kooxda 1aad Ee Man Utd Ee Garoonka Tababarka Ee Carrington.

0
Sunday March 27, 2016 - 11:55:03 in Sports News by
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sunday People: Marcus Rashford Oo Laga Mamnuucay Qolka Labiska Kooxda 1aad Ee Man Utd Ee Garoonka Tababarka Ee Carrington.

    Geesiga da'da yar Marcus Rashford ayaan loo ogoleyn qolka labiska ee kooxda koowaad ee Manchester United marka la joogo garoonka tababarka, sidaasi waxaa qortay jariirada Sunday People.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesiga da'da yar Marcus Rashford ayaan loo ogoleyn qolka labiska ee kooxda koowaad ee Manchester United marka la joogo garoonka tababarka, sidaasi waxaa qortay jariirada Sunday People.

Rashford oo dhaliyay goolkii guusha ee ay United kaga badisay deriskooda Man City kulankii Etihad Stadium ee axadii hore ayaa sidoo kale ku caawiyay United xilli ciyaareedkan shan gool uu dhaliyay sideed kulan uu saftay bishii hore.

Manchester-City-v-Manchester-United-Premier-League

Laakiin Sunday People ayaa shaaca ka qaaday in 18 jirkaan weerarka ka ciyaara iyo xiddigaha kale ee da’da yar ee Louis van Gaal uu ciyaarsiiyo kulamadoodii ugu horeysay ayaan weli xaq u laheyn inay qolka labiska la soo galaan ciyaartoyda waa weyn marka la joogo garoonka tababarka ee Carrington Complex.

Tababaraha sharciga adag Van Gaal ayaa ku adkeystay in Rashford iyo da’ yarta kale ee kooxda koowaad u ciyaaraya sida Guillermo Varela, James Weir, Joe Riley, Donald Love iyo Regan Poole inay isticmaalaan qolka labiska ee kooxda da’dooda ka yar tahay 21 sanno jirada oo ay la joogaan ciyaartoyda ay isku da’da yihiin.

Ka dib markii ay maaliyadooda iyo kabaha soo xirtaan waxa ay da’ yartaan garoonka tababarka kula soo biriaan xiddigaha waa weyn sida David de Gea, Juan Mata, Michael Carrick, Daley Blind, Morgan Schneiderlin iyo Anthony Martial.

Marka uu tababarka dhamaado waxa ay ku laabtaan qolkooda labiska ee U21, waxaa sidoo kale la mid ah waqtiga qadada. Da’ yarta waxa ay la fariistaan xiddigaha kale ee ay isku da’da yihiin halka xiddigaha waa weyn ay iyagana si wadajir ah u qadeeyaan.

Van Gaal, caawiyihiisa Ryan Giggs iyo tababaraha cusub ee da’ yarta Nicky Butt ayaa doonaya in da’ yarta ay noqdaan kuwa shaqeysta wax walba oo aan durbaba gacanta laga gelinin wax walba uu ciyaaryahan walba oo iyaga ka weyn uu soo shaqeystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip