TAXANAHA EL CLASICO: Ciyaartoyda Barcelona & Real Madrid Kuwee Ayaa kulamada Ugu Badan U Saftay Xulka Qaranka Spain?

0
Sunday March 27, 2016 - 11:52:17 in Sports News by
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAXANAHA EL CLASICO: Ciyaartoyda Barcelona & Real Madrid Kuwee Ayaa kulamada Ugu Badan U Saftay Xulka Qaranka Spain?

    Waxaan ku jirnaa weli barnaamijkeenii tanaxanaha El Clascio oo aan ku eegeyno labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid oo 2da bisha April isku arkaya garoonka Camp Nou. Madaama lagu jiro isbuuc la ciyaarayo kulamada heerka caalami, waxaan eegeynaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ku jirnaa weli barnaamijkeenii tanaxanaha El Clascio oo aan ku eegeyno labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid oo 2da bisha April isku arkaya garoonka Camp Nou. Madaama lagu jiro isbuuc la ciyaarayo kulamada heerka caalami, waxaan eegeynaa saameynta labada kooxood ee xulka qaranka Spain.

28kii bishii August 1920, waa markii ugu horeysay abid ee ay ciyaaraan xulka qaranka Spain. Maalintaas waxa ay 1-0 ku garaaceen xulka Denmark, iyagoo uga mahadcelinaya gool uu u dhaliyay Patricio, waxaana caawisay seddex ciyaaryahan oo Barcelona ah oo ku jiray shaxdii ku soo bilaabatay:Ricardo Zamora, Josep Samitier iyo Félix Sesúmaga. 96 sannadood ka dib kulankii ugu horeeyay ee La roja, Barcelona ayaa heysata rikoorka safashadii ugu badneyd ee ay sameeyaan ciyaartoy hal koox ka yimid.

Spain-v-Italy-UEFA-EURO-2012-Final

Tan iyo maalmihii seddexdaas kubadsameeye, tirada safasho ee ay sameeyeen ciyaartoyda Barcelona ee xulka qaranka Spain ayaa gaartay 2,032 jeer. Xiddiga ugu safashada badan xulka Spain ee kooxda Barcelona waa Xavi kaasoo saftay 113 kulan.

Ka dib Barcelona waxaa ku xigta Real Madrid oo iyadana xiddigaheeda u soo ciyaaray xulka Spain ay safteen 1897 jeer. Iker Casillas ayaana ah xiddiga ugu safashada badan xulka Spain ee kooxda Real Madrid isagoo saftay intii uu Bernabeu joogay 162 kulan haatana waxa uu wadar ahaan marayaa 165 kulan.

653 kulan oo ay ciyaareen xulka Spain, 72 kooxood oo kala duwan ayaa ciyaartoy ay uga yimaadeen, 48 ka mid ah waxa ay ka ciyaarayeen horyaalka heerka koowaad ee Spain.

Barcelona ayaa sidoo kale heysata rikoorka ciyaartoyda ugu badan ee hal koox ee hal mar ku soo bilowday shaxda xulka qaranka Spain, tiro aan ka yareyn sideed ayayna rikoorkaas ku hayaan. Markii ugu horeysay ee ay jabiyeen rikoorka waxa ay aheyd 1959 iyo dhawaan oo ay sameeyeen sannadii 2013 koobkii Confederations Cup ee ka dhacay Brazil.

Liverpool ayaa heysata rikoorka ciyaartoyda ugu badan ee hal mar ku soo bilowday shaxda xulka Spain iyagoo u ciyaaraya hal koox oo ajnabi ah, waana hal mar soo wada saftay afar xiddig. Bishii June 20keedii sannadii 2013 waxaa la jabiyay rikoorka ciyaartoydii ugu badnaa ee ku soo bilowda shaxda xulka Spain ee ka ciyaara meel ka baxsan horyaalka La Liga, waxaana ay aheyd sideed ciyaaryahan oo ku soo bilaabatay kulankii ay 10-0 kaga badiyeen xulka Tahiti.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip