"Ceyriya Arsene Wenger, Arsenal-na Waxa Ay Noqoneysaa Sida Manchester United" – David Seaman Oo Sidaas Digniin Ku Bixiyay.

0
Sunday March 27, 2016 - 11:51:05 in Sports News by
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ceyriya Arsene Wenger, Arsenal-na Waxa Ay Noqoneysaa Sida Manchester United" – David Seaman Oo Sidaas Digniin Ku Bixiyay.

    Halyeeyga Arsenal David Seaman ayaa digniin ka bixiyay ololaha looga soo horjeedo Arsene Wenger isagoo sheegay inay tahay in laga taxadaro waxa la rajeynayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeeyga Arsenal David Seaman ayaa digniin ka bixiyay ololaha looga soo horjeedo Arsene Wenger isagoo sheegay inay tahay in laga taxadaro waxa la rajeynayo.

Goolhayihii hore ee England ayaa saadaaliyay in waxa ku dhacay Man United oo kale ay ku dhici doonto Arsenal haddii ninka reer France uu baxo.

"Aad ayaan uga careysanahay arimahaan xumaanta ah ee ku gaaf wareegsan Arsenal” ayuu yiri Seaman oo u hadlayay Sunday Mirror. "In la bedelo tababaraha? Aniga kuma raacsani fekerkaas. Taageere weyn ayaan u ahay Arsene.

Everton-v-Arsenal

"Aan aragno waxa dhaca dhamaadka xilli ciyaareedkan. Aan aragno waxa naga qaldamay ka dibna aan saxno.

"Laakiin aniga ahaan Arsene Wenger waxa uu ahaa mid cajiib ah. Waxaan la shaqeeyay ku dhawaad todoba sannadood ama sideed sannadood, waxaana uu ahaa fantastik. Waan taageersanahay inuu sii ahaado tababaraha. Mar walba sidaas ayaan sheegayay, mana jirto wax isaga bedelaya taas.”

Seaman ayaa dareensan wixii dhacay markii uu fariistay Ferguson inay sugeyso Arsenal haddii Wenger uu baxo xagaagan.

"Fiiri Manchester United” ayuu yiri Seaman. "Fiiri wixii ku dhacay iyaga. Waxa ka tagay tababare weyn oo Sir Alex Ferguson ah.

"Waa uu fariistay. Arsene isna rikoor weyn ayuu heystaa, laakiin mar walba cadaadis ayuu ku hoos jiraa. Waxa uu cadaadis ku jiri doonaa ilaa iyo uu horyaalka ku guuleysto”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip