Jariirada Sunday People Oo Kashifay Sirta Ka Danbeysa In Shanta Kooxood Ee Ugu Waa Weyn Ingariiska Inay U Ololeeyaan Sameynta European Super League.

0
Sunday March 27, 2016 - 11:49:01 in Sports News by
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jariirada Sunday People Oo Kashifay Sirta Ka Danbeysa In Shanta Kooxood Ee Ugu Waa Weyn Ingariiska Inay U Ololeeyaan Sameynta European Super League.

    Jariirada Sunday People ayaa shaaca ka qaaday sirta ka danbeysa in shanta kooxood ee ugu waa weyn dalka Ingariiska ee kala ah Manchester United, Liverpool, Chelsea, Arsenal iyo Manchester City ay u ololeeyaan sameynta tartanka European Super League o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariirada Sunday People ayaa shaaca ka qaaday sirta ka danbeysa in shanta kooxood ee ugu waa weyn dalka Ingariiska ee kala ah Manchester United, Liverpool, Chelsea, Arsenal iyo Manchester City ay u ololeeyaan sameynta tartanka European Super League oo ay ugu hanjabayaan inay ka baxayaan Premier League iyo Champions League.

Wargeyskaan ayaa sheegaya inay sirta ka heleen ilo ka tirsan labo kooxood kale oo ka dhisan Premier League, waxaana ay sheegeen in kooxaha waa weyn ee Ingariiska inay fariin hanjabaad ah u dirayeen madaxda Premier League iyagoo doonaya in dib loo eego sharciga qeybsiga lacagaha ka soo xarooda heshiisyada Telefishinada baahiya horyaalka.

Premier-League-breakaway-main

Agaasimayaasha kooxaha Man United, Chelsea, Liverpool, Arsenal & Man City ayaa kula jiray maalqabeen Mareykan ah magaalada London, waxaana la sheegayay inay doonayaan inay sameeyaan horyaal loo bixiyay European Super League iyagoo la ciyaaraya kooxaha waa weyn ee Yurub sida Barcelona, Real Madrid iyo Bayern Munich, taasoo baabi’ineysa Champions League iyo weliba Premier League.

Horyaalada kale ee Yurub ayaa doonaya inay Premier League kaga daydaan qaabka qeybsiga lacagta Telefishinada ka soo xaroota oo kooxaha ay si siman u qeybsadaan, laakiin shanta kooxood ee ugu waa weyn Premier League ayaan u arkin taas cadaalad waxaana ay doonayaan nidaamka Spain oo labada kooxood ee ugu waa weyn ee Real Madrid iyo Barcelona ay qaataan lacagta ugu badan ee heshiisyada telefsihinada iyadoo koox walba ay xor u tahay inay heshiis la gaarto shirkadaha warbaahinta.

Sunday People ayaana sheegeysa si ay u helaan lacago badan kooxahaan Ingariiska waxa ay ugu hanjabaayan madaxda Premier League inay sameysan doonaan horyaal u gaar ah oo kana xiiso badan oo ah European Super League ama haddii kale in dib loo eego qeybsiga lacagaha telefishinada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip