Waxaas fiiri, waxa ka sokeeyana fiiri.( 13ka Senator) Waxaas Fiiri:

0
Sunday January 31, 2021 - 19:53:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaas fiiri, waxa ka sokeeyana fiiri.( 13ka Senator) Waxaas Fiiri:

    Waxaan u hambalyeynayaa in la isla gartay in Gobalka Banadir uu Xaq u leeyhay in uu helo xubnaha ka maqan. Waxa ka sukeeyana Fiiri:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan u hambalyeynayaa in la isla gartay in Gobalka Banadir uu Xaq u leeyhay in uu helo xubnaha ka maqan. Waxa ka sukeeyana Fiiri:



1. Golaha Shacabku qoraalka uu soo saaray waxaa ku Qoran Qaraar, ee Ma ahan "Xeer” ama Hindisa Sharciyeed la ansixiyay, Qaraar waxaa loo badali karaa Xeer marka Labada Aqal isku soo Raacaan oo ey soo saxiixaan. "Qaraar iyo Xeerna isma leh Sharci ahaan”.

2. Xildhibaan waxaa lagu Doortaa Laba hab, sida Sharcigu qabo: Xildhibaanka Golaha Shacabka waxaa soo doorto Ergo ka socoto Qabiilka, Aqalka Sare waxaa doorto Xildhibaanada Maamul Gobaleedka, welina Gobalka Banadir ma dhisin Maamulkii Gobalka Bandir ee Xaqa u lahaa soo Xulidda Aqalka Sare. Weli Lama arag Xildhibaan "Nomination” ah oo la magacaabay oo dikareetana ku soo baxay.

3. Aqalka Sare lama horkeenin, kama doodin, mana Ansixin, 13 kaan Xubnood.

4. Warqadda Golaha Shacabku soo saaray 27/06/ 2020 ee uu Madaxweeynuhu uu tix raacayo, kuma socoto Madaxweynaha waxa uu ku leeyahay Og kaliya, warqad Og ah oo aan toos kuugu socon ma laga dhigi karaa tixraac Sharci ?.

5. Dekareetada lagu soo saaray 13ka Xubnood, waxaa ku qoran "ku meel gaar- KMG”. waxaa loo qaadan karaa ii codeeyay kadibna haddii la idin diido iska taga.

6. Xildhibaanada Dalka Qof waliba waxaa laga soo doortaa deegaan Doorashadiisa, Dowladu xaq uma leh in ey iyadu Xubna u soo xusho Dadka Deegaanka.

7. Tirada 13ka ah, soo xulidooda looma Madax baneyn Dadka Deegaanka.

Xadiith kii Rasuulka CSW ayaa leh: "Qofka Muuminka ah Gurigiisa imaam looguma noqdo”.

8. Warqadda uu Madaxweynuhu saxiixay qeybteeyda hoose waxaa ku qoran, "Go’aanka meel marinta Xeerka” . Su’aasha ayaa ah erayga "Xeerka” xagee laga soo qaatay, Bacdamaa warqadda Gudoomiyihii Hore ee Baarlamankii 10aad ee waqti sharciyeedkiisu Dhamaaday Md. Maxamed Mursal ey ku qoran tahay "ansixin Qaraar” oo kaliya oo eyna ku qorneyn Ansixin ama Soo gudbin Xeer.

9. Dastuurka weli waxaa ku qoran in tirada Xubnaha Aqalka Sare ey yihiin 54 Xildhibaan oo kaliya, Qodobka 72aad ee Dasruurka oo arrintaa xadidayana weli lama badalin.

10. Xubnahaan Cusub ee 13ka ah waxa ey u muuqadaan Dab Siyaasadeed oo la isagu dhiibay Dadka Gobalka Banadir. ( F.S: 1aad)

11. Waxaa Dadka lagu khaldin Xiriirka ka dhexeeyo Xuquuqda Caasimadda iyo Xuquuqda Deegaanka, Caasimad darteed Laguma weyn karo Xuquuqda Deegaan, Caasimaddu waa Xarun ey dagantahay Dowlad dhexe, waxa eyna maamushaa Xafiisyadeda heer Qaran, Deegaankana waxaa metalo oo maamulo Dadka ku leh xuquuqda deegaanka oo sax ah.

12. Madaxweynihii hore ee Mareykanka.J.F. Kennedy ayaa yiri: Lalama heshiin karo, Qof ku leh: waxeeyga Annigaa iska leh oo ey ii gaar yihiin, waxaagana waa laga wada heshiin karaa.( F.S: 2aad ).

13. Fiiri Qoraalada (F.S: 3- 5aad ), Ha u qaadan in aan diidanahay in Banadir ey xaqeeda hesho, laakin ma jecli in aan Cuno helibka Neef Xoola ah oo la qalay iyada oo aan loo cuskan Bisinka.

FG:Wixii iga khaldan ka sax, wixii iga dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip