C/C/ Shakuur Oo Durbo Ka Hadlay Shirkii Madaxda M/Goboleedyada La Isugu Yeeray

0
Saturday January 30, 2021 - 23:43:07 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/C/ Shakuur Oo Durbo Ka Hadlay Shirkii Madaxda M/Goboleedyada La Isugu Yeeray

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahan Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay Shirka wadatashiga ah ee uu Caawa ku dhawaaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa kusoo dhaweeyay Shirka la isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb, isagoo u mahadceliyay Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay Musharax C/raxmaan inuu cid kasta oo muddo xileedkeedii dhammaaday ka diiday in ay doorasho qabato, wuxuuna tusaale u soo qaaday Madaxeyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.



Waxaan soo dhoweynayaa shirka watashiga ah ee uu Madaxweynaha ku baaqay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Galmudug oo shirka marti gelinaya.Qoraalka uu soo saaray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahan Mushrax Madaxweyne ayaa waxaa uu u qornaa sidan:

Madaxweyne Farmaajo cid kasta oo muddo xileedkeedii dhammaaday waa ka diiday in ay doorasho qabato. Wuxuu ka diiday Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna dalbaday in uu wasaaradda Arrimaha Gudaha ku wareejiyo. Wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Xaaf, wuxuu dalbaday in wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu wareejiyo, wuxuu ka diiday madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle, wuxuu ka dalbaday in uu madaxweyne ku xigeenkiisa ku wareejiyo. Wuxuu kaloo diiday in doorashadii Jubbaland iyo Puntland maalin lagu daro.

Maanta uu muddo xileedkiisii dhammaaday waa in uu xilka wareejiyaa, sababtoo ah dastuurna uma oggola, dadna uma dhaqna. Aadan Yabaalna abaal la’aan looma soo arooro, ee afartii idlaataye, odayga ha guuro.


XIGASHO:-RADIODALSAN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip