Wareysi: Hooyada dhashay gabadhii 8 jirka ee kufsiga & dilka loo gaystay

0
Saturday January 30, 2021 - 23:31:35 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wareysi: Hooyada dhashay gabadhii 8 jirka ee kufsiga & dilka loo gaystay

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

Hooyo Maryan waa hooyada dhashay gabadhii sideed jirka ahayd ee 21-kii bishan lagu kufsaday, ka dibna lagu dilay xero dadka barakacayaasha degan yihiin oo ku taala duleedka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa Arbacadii xaqiijiyay in Talaadadii lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo ninkii falkaasi ka dambeeyay.

Afhayeenka ayaa sheegay eedeysanaha oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qaasim, 25 jir-na ah inuu kufsi iyo dilba u gaystay gabar yar oo 8 sano jira, isla-markaana agoon ahayd.

Doodisho ayaa tilmaamay in fal dembiyeedkan uu ka dhacay xero dadka barakacayaasha degan yihiin oo ku taala inta u dhaxeyso deegaanada Calamada iyo Xaawo Cabdi.

Hooyo Maryan ayaa sheegtay in ay dooneyso in cadaaladda la marsiiyo ninkii falkaasi foosha xun kula kacay gabadheeda, oo lagu magacaabi jiray Raaliyo.

Hooyo Maryan oo la hadashay Radio Kulmiye ayaa xustay in wax gabar ah ay ka dhashay Raaliyo, inkastoo ay u jooggaan wiilal kale oo ay dhashay, balse ay Raaliyo ahayd gabadhii keliya ee reerka.

Dhageyso: Wareysiga hooyo Maryan

XIGASHO:-RADIOKULMIYE.NET




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip