Qatar oo baaritaan ka dalbatay Dowladaha Soomaaliya iyo Ereteriya

0
Saturday January 30, 2021 - 23:28:14 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar oo baaritaan ka dalbatay Dowladaha Soomaaliya iyo Ereteriya

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dowladda Qatar ayaa dalbatay in baaritaan lagu sameeyay dhalinyarada Somaaliyeed ee tababar Ciidanimo logu qaaday dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay la isla dhex-marayay in qaarkood lagu dilay dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega Itoobiya.

 

War-Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Qtar ayaa waxaa lagu sheegay in dowlaha Soomaliya iyo Ereteriya inay sameeyaan baritaan la xiriira dhalinyaradaas, isla markaana qiyaano ah loogu sheegay in la geeynaayo Qatar.

"Waan cambaareynaynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah”.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa sheegtay in kooxo nugul mar walba lagula dhaqaaqo falalkaan oo kale, hayeeshee si taasi looga hortago in dowladda Qatar dalalka ay ka yimaada Shaqaalaha rasmiga ah ay furtay Xarumo laga bixiyo dalku-galka dalkaas.

Dowladda Qatar ayaa u muuqata inay iska fogeeyneyso ku lug lahaanshaha dhalinyaro faraadan oo Waalidoontooda ay sheegeen in la geeynayo dalka Qatar balse la geeyay Ereteriya, kuwaas oo in ka badan sanad aan la soo hadlin.

Dowladda Qatar ayaa xilligaan waxaa ay saameyn weyn ku leedahay xaalada Arrimaha gudaha Soomaaliya, iyada oo taageero weyn siisa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip