Gabar 14 jira oo si naxariis darro ah loogu dilay Buurhakaba

0
Saturday January 30, 2021 - 23:17:39 in Wararka by
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar 14 jira oo si naxariis darro ah loogu dilay Buurhakaba

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararka ka imaanaya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in aabe ka mid ah dadka deegaanka uu si naxariis darro ah u dilay gabar uu dhalay.

Abuukar Ibraahim ayaa haraad iyo gaajo u dilay gabar uu dhalay oo lagu magacaabi jiray Fa’isa, ka dib markii uu saddex maalmood qol ku soo xiray.

Aabahan ayaa la sheegay inuu ka carooday is qabqabsi soo kala dhexgalay haweeney uu qabay iyo gabadhiisa. Haweeneydan ayaana ahayn hooyada dhashay gabadhaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saddex maalmood ay iyadoo xir xiran Fa’isa ku jirtay qol uu aabaheyd ku xiray, iyadoona ku dhex geeriyootay qolkaasi. Fa’isa waxay ahayd afar iyo toban jir, sida ay hooyadeed sheegtay.Mariin Maxamed Cumar Caddow oo ah hooyada dhashay marxuumadda ayaa waxay dalbatay in cadaalad ay hesho gabadheeda, iyadoo dilkeedana dusha kaga tuurtay aabaheyd oo ay kala taggeen iyo xaaska uu iminka qabay, oo gabadheedana ay la noolleyd.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee Degmada Buurhabaka ayaa laga soo xigtay inay gacanta ku hayaan kiiskaasi, dhawaana ay maxkamad soo taaggi doonaan ciddii dilka gabadha ka dambeysay.

Dhacdadan ayaa dareen argagax leh ku abuurtay dadka deegaanka, waxayna noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay Buurhakaba.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip