Gegi Loogu Talagalay Gawaarida Duusha oo Laga Hirgelinayo Ingiriiska.

0
Saturday January 30, 2021 - 20:31:12 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gegi Loogu Talagalay Gawaarida Duusha oo Laga Hirgelinayo Ingiriiska.

    LONDON:-Gegi loogu talagalay gawaarida duusha oo ah kii ugu horreeyay noociisa ee dunida laga hirgeliyo ayaa lagu wadaa in dabayaaqada sanadkan laga dhiso magaalada Coventry ee dalka Ingiriiska. Mashruucan ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo sida t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

LONDON:-Gegi loogu talagalay gawaarida duusha oo ah kii ugu horreeyay noociisa ee dunida laga hirgeliyo ayaa lagu wadaa in dabayaaqada sanadkan laga dhiso magaalada Coventry ee dalka Ingiriiska. Mashruucan ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo sida tagaasida hawadu uga shaqeyn doonto xarumaha magaalooyinka. Shirkadda Urban-Air, oo ah shirkad fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa iskaashi la sameysay shirkada weyn ee Hyundai Motors si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee loo baahan yahay marka gawaarida duula ay kala gudbinayaan badeecadah yar yar iyo rakaabka. Laga billaabo bisha November ee sanadkan 2021, dadka soo booqda Coventry waxay awoodi doonaan ina y arkaan sida garoonka gawaarida duusha u ekaan doono iyo duullimaadyo toos ah oo ay gawaaridaasi samaynayaan. Shirkadda Urban-Air waxaa barnaamijkaan hir-gelintiisa u soo xulay mashruuc dowli ah kaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo wax soo saarka dhanka hawada ee dalka Ingiriiska, Urban-Air ayaa ilaa iyo hadda heshay taageero maaliyadeed oo gaareysa 1.65 milyan oo dollar oo billow u ah mashruucan. Waqti hore ayay ahayd markii horumar laga gaaray soo saarista gawaarida duusha, balse Gegi ay ka duulaan kuna soo degaan ayaa aheyd arrin la sugayaywaxaana haatan billowday mashruuc lagu hirgelinayo arrinkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip