Ciidamada Dowladda oo Howlgal Ku Dilay Xubno Ka Tirsan al-Shabaab.

0
Saturday January 30, 2021 - 20:24:56 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo Howlgal Ku Dilay Xubno Ka Tirsan al-Shabaab.

    saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen shan dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabaab qaar kalena ay dhawaacyo gaarsiiyeen kaddib howgal ay ka sameeyeen gobolka Bay. Sida u uku warramaya hoggaamiyaha ciidamada howlgallaada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen shan dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabaab qaar kalena ay dhawaacyo gaarsiiyeen kaddib howgal ay ka sameeyeen gobolka Bay. Sida u uku warramaya hoggaamiyaha ciidamada howlgallaadasi fuliyay Ibraahim Aadan ayaa sheegay in ciidamada oo ka duulaya xogo sirdoon oo ay heleen ay hareereeyeen deegaan ku yaalla duleedka magaalada Diinsoor halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxda. Waxaannu ka war helnay in ay abaabulayeen qorshe ay ku soo weerarayaan ciidamada dowladda ee ku sugan Bay sidaa awgeed ayaannu halkooda ugu weerarnay" ayuu yidi Taliye Ibraahim isaga oo intaa ku daray in ciidamadu ay wali sii baacsanayaan haraadiga kooxda. Howlgalkan ayuu sheegay taliyuhu in uu qeyb ka yahay howl maalmeedka ciidamada ee dalka lagaga tirtirayo al-Shabaab. Kooxda al-Shabaab oo ku harsan deegaanno kooban oo ka tirsangobolka Bay ayaa soo abaabula weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kooxda ka faramaroojiyay magaalooyinka waaweyn ee koofurta Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip