Haweeney muddo 10 sano ah meydka hooyadeed ku heysay guri.

0
Saturday January 30, 2021 - 20:23:20 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney muddo 10 sano ah meydka hooyadeed ku heysay guri.

    Booliska Japan ayaa xiray haweeney la sheegay in meydka hooyadeed ay ku heysay firinjeer muddo 10 sano ah guri ay deganeyd oo ku yaalla dalkaas. Yumi Yoshino oo 48 jir ayaa sheegtay in markii hore ay aragtay meydka isla markaana ay guriga ku qar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Japan ayaa xiray haweeney la sheegay in meydka hooyadeed ay ku heysay firinjeer muddo 10 sano ah guri ay deganeyd oo ku yaalla dalkaas. Yumi Yoshino oo 48 jir ayaa sheegtay in markii hore ay aragtay meydka isla markaana ay guriga ku qarineysay muddo 10 sano ah. Waxay sababtana ku sheegtay in xilliggaas 'aysan dooneyn inay ka guurto gurigii' ay horey ula degnaani jirtay hooyadeed, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan booliska oo aan la magac dhabin. Mas'uuliyiinta waxay sheegeen in aanan la ogeyn wakthiga iyo sababta ka dambeysay geerida hooyada dhashay gabadhaas. Waxaana lagu soo warramayaa in meydka uu guriga ku arkay qof nadiifinayay halkaas. Meydka ayaa laisku jabiyay si loo deeqsiiyo firinjeerka, sida ay sheegeen booliska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip