Ninka soomaaliga ah ee 50 jir waxbarasho ku bilaabay.

0
Saturday January 30, 2021 - 20:17:27 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninka soomaaliga ah ee 50 jir waxbarasho ku bilaabay.

    Aadan Muxumed Cumar(Aaadan gaab) oo ah nin da'diisu ku dhowdahay 60 sano ayaa wakhti dhow bilaabay waxbarashada oo waliba uu ka bilaabay dugsi hoose dhexe oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Aadan oo ku soo koray m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aadan Muxumed Cumar(Aaadan gaab) oo ah nin da'diisu ku dhowdahay 60 sano ayaa wakhti dhow bilaabay waxbarashada oo waliba uu ka bilaabay dugsi hoose dhexe oo ku yaalla magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Aadan oo ku soo koray miyiga islamarkaana aan helin fursad uu wax ku barto ayaa sheegay in markii uu magaalada soo galay uu waxbarasho la'aanta kala kulmay caqabado badan. Wuxuu sidoo kale sheegay in ganacsi uu lahaa ay u suurtogeli weyday in uu sii wado balse haatan uu doonayo inuu wax barto kuna haminayo inuu ku biiro siyaasadda dalkaas. "Waxaan isku dayay in aan ganacsi sameeyo, waxaa dhacday in ganacsigii aan wadi waayay aqoon darro darteed..waxaan u maleeyay in aqoonta la'aanta in badan ay ii keeneyso in mar walbo aan dib u dhaco sidaas ayaa ku kaliftay oo aan go'aansaday in aan ku noqdo waxbarashada" Aadan wuxuu ka shekeynayaa sida uu ku bilaabay waxbarashada iyo sida uu ula falgalay caruurta maadama uu isagu yahay nin weyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip