Ururka Caafimaadka Adduunka oo ku baaqay in laga fogaado khaladaadkii hore ee tallaalka COVID-19.

0
Saturday January 30, 2021 - 20:13:44 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Caafimaadka Adduunka oo ku baaqay in laga fogaado khaladaadkii hore ee tallaalka COVID-19.

    Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Jimcihii ku baaqay in aan lagu celin khaladaadkii hore ee tallaalka anti-Covid-19 ee Caalamka qeybo ka mid ah laga isticmaalay. Tedros Adhanom ayaa yiri: "Haddii aan la wanaajin hergalinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Jimcihii ku baaqay in aan lagu celin khaladaadkii hore ee tallaalka anti-Covid-19 ee Caalamka qeybo ka mid ah laga isticmaalay. Tedros Adhanom ayaa yiri: "Haddii aan la wanaajin hergalinta Tallaalka, ma caawin doonto in la joojiyo aafada Corona Virus, Annaga ayay nagu xirantahay in aan go'aan gaarno khaladaadka Tallaalka, intii lagu guda jiray shirkii jaraa'id ee uu toddobaadkan qabtay Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka. Tirakoob ay sameeysay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya in ka badan 101.74 milyan oo qof uu ku dhacay cudurkan Corona virus, adduunka oo dhan, halka tirada guud ee dhimashadana ay gaartay laba milyan iyo 195,520. Tedros Adhanom wuxuu cusbooneysiiyay digniinta la xiriirta tallaalkan, isaga oo carabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay in laga taxadaro khatarta xanuunkan faafe ee COVID 19. ugu danbeeyntii Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa dhaleeceeyay qawaaniinta Midowga Yurub ee ka dhanka ah dhoofinta tallaalka looga hortagaya Corona Virus.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip