Gobolka Banaadir oo maamulka addeega caafimaadka kala wareegaya Wasaaradda Caafimaadka

0
Saturday January 30, 2021 - 19:54:41 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobolka Banaadir oo maamulka addeega caafimaadka kala wareegaya Wasaaradda Caafimaadka

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JFS. Dr. Fowsiya Abiikar Nuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JFS. Dr. Fowsiya Abiikar Nuur.


Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray sida ugu dhaqsiyaha badan ee Maamulka Gobolka Banaadir kula wareegi lahaa Adeegyada Caafimaad ee ay hadda bixiso Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ay maamulada dalka ugu daadejineyso adeegyada caafimaadka ee ay shacabka u baahan yihiin.

Kulankan ayaa labada dhinac waxa ay isku afgarteen in la dadajiyo la wareegista maamulka gobolka Banaadir ee howlaha addeegga caafimaadka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore Wasaarada Waxbarashada ugala wareegay Maamulka Waxbarashada Gobolka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip