Daawo: Imaamka Mudullood oo jeediyey digniin la xiriirta 13-ka kursi ee G/Banaadir

0
Saturday January 30, 2021 - 19:43:40 in Wararka by
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Imaamka Mudullood oo jeediyey digniin la xiriirta 13-ka kursi ee G/Banaadir

    Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay 13-Kursi ee uu madaxweyne Farmaajo shalay saxiixay ee gobolka Banaadir, midaasi oo hore u meel-mariyeen mudaneyaasha golaha shacabka. Imaan Maxamed Yuusuf ayaa ugu horeyntii wax lagu farxo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay 13-Kursi ee uu madaxweyne Farmaajo shalay saxiixay ee gobolka Banaadir, midaasi oo hore u meel-mariyeen mudaneyaasha golaha shacabka. Imaan Maxamed Yuusuf ayaa ugu horeyntii wax lagu farxo ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Farmaajo, wuxuuna sheegay in gobolka Banaadir uu yahay midka ugu canshuurta badan dalka ee dowladdu ku dhaqan tahay. Waxa uu hoosta ka xariiqay in metelaada gobolka ay soo martay marxalado kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in si siman loo qeybsado kuraasta gobolka. "Waan ku faraxsanahay dhawaaqistaas, maadama aan ahay odeygii Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir ama Koonfurta aan ahay waxaa ku talinayaa in umadda joogta ee xaqa u leh loo qeybiyo oo aysan qeybtood xumaan," ayuu yiri Imaamka Mudullood. Waxa uu intaas kusii daray "Waxaa ku talinayaa in uusan sad-bursi ka dhicin oo lagu kala sii fogaanin, muddo ayey jiitameysay hadda Ilaahaya keenay, madaxweynuhuna waa ku dhiiraday sababto tahay dad badana ka horeeyay kumana dhiiranan, asaguna waa ku mahadsan yahay, baarlamaankuna waa ku mahadsan-yahay." Waxa kale oo uu ka digay in kuraasta gobolka Banaadir aysan horseedin khilaaf cusub, isla markaana loo baahan yahay in si siman loogu qeybiyo dadka gobolka. Ugu dambeyntiina waxa uu Imaamka Mudullood ku baaqay in la joojiyo dagaalka Beled-Xaawo oo meel xasaasiya maraya, kaasi oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip