Golaha Wakiilada Puntland oo loo qeybiyay HIndise Sharciyeedka Diiwaangelinta Cod Bixiyaasha

0
Saturday January 30, 2021 - 19:18:19 in Wararka by
  • Visits: 195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Puntland oo loo qeybiyay HIndise Sharciyeedka Diiwaangelinta Cod Bixiyaasha

    Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ayaa loo gudbiyay Hindise-Xeereedka Diiwaangelinta Cod bixiyaasha oo qayb ah nidaamka Doorashada Xisbiyada ee maamulkaas la doonayo in lagu qabto doorashada soo socota. Kulanka maanta oo ah fadhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ayaa loo gudbiyay Hindise-Xeereedka Diiwaangelinta Cod bixiyaasha oo qayb ah nidaamka Doorashada Xisbiyada ee maamulkaas la doonayo in lagu qabto doorashada soo socota. Kulanka maanta oo ah fadhiga 24-aad ee Kalfadhiga 47-aad oo ku dhacay magaalada Garoowe ayaa hindisahan waxaa u gudbiyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaana maanta loo qaybiyay Xildhibaannada si ay usoo aqriyaan una soo calaamadeeyaan qodobada iyo meelaha ay u arkaan in ay u baahan yihiin wax ka badal lagu sameeyo & soo jeedintooda waxa lagu badali karo. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay garbo fadhiyeen labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan oo ah ku xigeenka 1-aad & Ismaaciil Maxamed Warsame oo ku xigeenka 2-aad ah ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in ay soo aqriyaan. Golaha Wakiilada DG Puntland ayaa fursad ahaan u heysta 3 maalmood, kadib waxa uu gelinayaa dood la xiriirta soo jeedinta qodobada, marka saddex jeer la geiyo aqrinta Kadib waa ay u codeynayaan si uu dib ugu laabto Madaxweyne Siciid Deni, haddii uu Golaha uu diidanaya dib u eegis lagu sameeyo meelaha sababta u ah dib u celinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip