Askar hor leh oo kasoo goostay wasiir Janan kuna biiray ciidanka dowladda

0
Saturday January 30, 2021 - 18:38:21 in Wararka by
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar hor leh oo kasoo goostay wasiir Janan kuna biiray ciidanka dowladda

    Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya sideed askari ay kasoo goosteen ciidamada uu hoggaamiyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, kuna biireen dhanka dowladda. Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Beled Xaawo ayaa warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya sideed askari ay kasoo goosteen ciidamada uu hoggaamiyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, kuna biireen dhanka dowladda. Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Beled Xaawo ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in askarta isi soo dhibtay ay yahiin ciidamadii uu soo dagaal galiyay Janan, isla markaana weerarka kusoo qaaday magaalada isbuucii hore. Saraakiisha la hadlay warbaahinta waxey sheegeen iney ciidankan ku biiri doonaan askartii horay isku soo dhiibay, sidoo kalana la qarameyn doono, loona fidinayo cafis. Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashid Janan ayaa sheegay iney weerari doonaan mar kale magaalada Beled Xaawo ee dhacda xadka Kenya iyo Soomaaliya iyadoo la xasuusto in dagaal khasaare badan dhaliyay uu halkaas ka dhacay Isniintii aynu soo dhaafnay. Si kastaba magaalada dagaalka ka dhacay magaalada Beled Xaawo waxey dowladda Soomaaliya ku eedeysay iney qeyb ka tahay Kenya, balse dalka dariska ah wey beeniyeen iyagoo sheegay inuu dagaalka yahay mid laba Soomaali ah u dhaxeeya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip