Qatar oo dalab xasaasi ah u dirtay Soomaaliya & Eritrea

0
Saturday January 30, 2021 - 12:58:13 in Wararka by
  • Visits: 171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar oo dalab xasaasi ah u dirtay Soomaaliya & Eritrea

    Dowladda Qatar oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag kaga hadashay arrinta ku aadan dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo markii hore dalkooda looga qaaday in la geynayo Qatar. Qoraalka ka soo baxay Qata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Qatar oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag kaga hadashay arrinta ku aadan dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo markii hore dalkooda looga qaaday in la geynayo Qatar. Qoraalka ka soo baxay Qatar ayaa waxaa dowladaha Soomaaliya iyo Eritrera looga dalbaday inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan arrintaasi. Dowladda Qatar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay cambaareyneyso tallaabooyinka noocaan oo kale oo looga been abuuranayo xukuumadda Dooxa. "Waan cambaareyneynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar, si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah,". ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan. Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku daray "Nasiib darro kooxaha nugul ayaa inta badan ku dhaca dalabyo been abuur ah iyo ballamo been abuur ah oo deganaansho ah,". Ugu dambeyn xukuumadda Dooxa ayaa sheegtay in si looga horetago dhibaatooyinka ay xarumo gaar ah ka hir-gelisay dalalka ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah. "Si looga hortago arrintan Qatar waxay ka hirgelisay dalal badan oo ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah xarumo lagu biyo dal ku galka, waana tallaabo looga gaashaamanayo in ay aqbalaan dalabyada been abuurka ah," ayaa markale lagu yiri. Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu walaac xoogan soo wajahay waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda loo qaaday wadanka Eritrea, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la dagaal-geliyey, lana geeyey gobolka Tigray ee Itoobiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip