Maxay tahay sababta uu Yamamoto uga baaqday shirka Villa Soomaaliya?

0
Saturday January 30, 2021 - 12:53:42 in Wararka by
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay sababta uu Yamamoto uga baaqday shirka Villa Soomaaliya?

    Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay shir u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay shir u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka iyo sidii xal waara looga gaari lahaa. Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaadayaa, sidii loo qaban qaabin lahaa kulankii ugu dambeeyey ee la'isugu keenayo madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada. Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa dhinaca kale sheegaya in safiirada ka qeyb-galaya shirkaas uusan qeyb ka aheyn danjiraha Mareykanka, Donald Yamamoto. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yamamoto ayaa uga baaqday shirkaas arrin u gaar ah, taas oo lagu sheegay in diblomaasiyiinta Mareykanka aan loo ogoleyn inay ka baxaan xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Amb. Donald Yamamoto ayaa horey xarunta safaaradda oo ku taalla gudaha xerada Xalane ku qaabilay madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo musharraxiinta. Beesha caalamka oo uu horkacayo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineyso, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka taagan doorashada 2021-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip