HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 30-JANUARY-2021

0
Saturday January 30, 2021 - 11:26:26 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 30-JANUARY-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo Oo Saxiixay Matalaadda Uu Gobolka Banaadir Ku Yeelanayo Golaha Aqalka Sare

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare

     Madaxweynaha ayaa u cuskad ay meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 20 20, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu G/Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyin ka ay shacabka G/Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaan ka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqan ka Soomaaliyeed.

    Sidaas daraadeed, Madaxweynaha JFS Md. Far maajo wuxuu xeeriyay inuu G/Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi.

     Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuu madda inay xeeriyaan habraac u gaar ah matalaadda Gobolka Banaadir oo ay ka muuqato isku dheelitirn aan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo qaddarin gaar ah laga siinayo deegaanka Caasimadda lana fulinayo inta lagu guda jiro doorashada Aqalka Sare ee Baar lamaanka 11aad.

Duqa Muqdisho Oo War Kasoo Saaray Go’aanka Uu Farmaajo Uu Ku Saxiixay 13-Ka Senator

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Mu qdisho  Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fin ish) ayaa ka hadlay 13-ka ee G/Banaadir uu ku yeela nayo Golaha Aqalka sare. Cumar Finish oo shir jara a’id ku qabtay M/Muqdisho ayaa soo dhoweeyey go’a anka uu Madaxweynaha Sooma aliya  Md. C/hi Far maajo ku saxii xay in G/ Banaa dir Aqaka sare ku yeesho 13 Senitor.

    Guddoomiye Cumar Finish ayaa shacabka ka cod saday inaan laga hor imaan go’aanka Madaxweyna ha Soomaliya ku saxiixay in G/Banaadir uu Aqalka sa re ku yeesho 13 Xildhibaan.

     Madaxweynaha JFSMd. Maxamed C/hi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii G/Sh/B/F/S. ay usoo gudbiye en ee ku aaddanaa Matalaadda uu G/Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Imaamka Mudullood oo jeediyey digniin la xiriirta 13-ka kursi ee gobolka Banaadir

     Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay 13-Kursi ee uu madaxweyne Farmaa jo Dorraad saxiixay ee G/Banaadir, midaasi oo hore u meel-mariyeen mudaneyaasha gol aha shacabka.

     Imaan Maxamed Yuusuf ayaa u gu horeyntii wax lagu farxo ku tilma amay tallaabada uu qaaday Farmaa jo, wuxuuna sheegay in G/Banaadir uu yahay midka ugu canshuurta badan dalka ee dow laddu ku dhaqan tahay.

     Waxa uu hoosta ka xariiqay in metelaada gobolka ay soo martay marxalado kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in si siman loo qeybsado kuraasta gobolka.

 "Waan ku faraxsanahay dhawaaqistaas, maadama aan ahay odeygii Soomaaliyeed ee G/Banaadir ama Koonfurta aan ahay  waxaa ku talinayaa in umadda jo ogta ee xaqa u leh loo qeybiyo oo aysan qeybtood xu maan,” ayuu yiri Imaamka Mudullood.

     Waxa uu intaas kusii daray "Waxaa ku talinayaa in uusan sad-bursi ka dhicin oo lagu kala sii fogaanin, muddo ayey jiitameysay hadda Ilaahaya keenay, ma daxweynuhuna waa ku dhiiraday sababto tahay dad badana ka horeeyay kumana dhiiranan, asaguna waa ku mahadsan yahay, baarlamaankuna waa ku maha dsan-yahay.” Waxa kale oo uu ka digay in kuraasta G/Banaadir aysan horseedin khilaaf cusub, isla mark aana loo baahan yahay in si siman loogu qeybiyo dad ka gobolka.

     Ugu dambeyntiina waxa uu Imaamka Mudullood ku baaqay in la joojiyo dagaalka Beled-Xaawo oo me el xasaasiya maraya, kaasi oo u dhaxeeyay dowlad da federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Md.Cumar Finish Oo Ka Hadlay Bannaanbax Ka Dhacay Muqdisho

      Bannaanbaxa lagu taageerayey saxiixa madaxw eynaha soomaaliya ee matalaadda Gobolka Banaadir ayaa  lagu qabtay M.Muqdisho Bannaanbaxaa ayaa ahaa  mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa na ka qayb galay qaybaha kaladuwan ee Bulshada G/ Banaadir iyo Mas’uuliyiin  kala duwan oo isugu jir ay Xildhibaanno,Wasiirro&Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Gobolka Banaadir.

    Bannaanbaxa oo si weyn looga dareemay Magaal ada ayaa waxaa si gar ah uu uga dhacay Taalada Daljirka, waxaana goobta soo buux dhaafiyay shacab aad u tira badan oo si nabdoon ku muujinayay Bannaanbaxooda, iyadoo si weyn u taaageeray Go’aankii Madaxweyne Maxamed C/hi Maxamed farmaajo uu ku saxiixay 13-ka kursi ee Gobolku uu ku yeelan doono Golaha Aqalka sare.

    Goobta waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta kasoo qayb galay Bannaanbaxa, waxaana ka mid ahaa dadka ha dlay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dadaal ka lagu raadinayay matalaadda G/Banaadir ee Aqalka sare, waxaana uu tilmaaamay in juhdi iyo Far samayin kala duwan lagu bixiyay sidii loo raadin la haa 13-ka kursi ee Dorraad uu saxiixay Madaxweyne Maxamed C/hi Maxamed Framaajo.

     Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa ugu dambeyntii ka hadlay goobta ayaa sheegay inay jiraan Mas’uuliyiin&madax caqa bad ku ah Matalaaddaan uu helay Gobolkani Banad ir, waxaa sidoo kale Cumar Finsh uu ka dhaqaajiyay arrimo kale oo uu kaga hadlay arrinta quseeysa sa xiixitaankii uu saxiixay 13-ka Senotar ee Aqalka Sare, waxaana uu si weyn ugu mahad celiyay madaxweyne Farmaajo, isagoo intaa ku daray in shacabku ay tag eeraan Madaxweynaha iyo Xildhibaanada 2da Aqal dadaalka dheer ee uu ku bixiyeen Helitaanka Matal aadda Gobolka.

Xildhibaan Jeesow: "Shalay waxay iila mid tahay anigoo jooga buurtii Uxud”

     Xildhibaan Jeesoow ayaa Shalay ka qeyb-galay banaanbax lagu taageerayay 13-kii Kursi ee gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka sarre, kaasi oo uu Dorraad saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Jeesoow ayaa sheegay in kuraasta gobolka Banaadir loo soo maray rafaad badan, taasi oo uu ugu dambeyntii ka dhabeeyay madaxw eyne Farmajo, kadib markii golaha uu me el-mariyay.

Xildhibaanka oo ku dheeraaday marxala dihii loo soo maray matalada gobolka Banaadir ayaa ugu mahad celiyay cidkasta oo kasoo shaqeysay in gobolka uu Aqalka sarre ku yeesho 13-kursi.

      Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in gobolka Banaadir uu doorkan helo metelaad dhab, kadib dadaal dheer oo loo huray in kuraastaas uu helo.

       "Shalay aniga waxay iila mid tahay anigoo Buu rtii Uxud jooga oo cibaadeysanaya xaqiiqatan, berkee waxaa noo dhashay wax aan muddo badan ku tame ynay oo habeen iyo maalin aan usoo jeednay ayaa Shalay noogala dhabeeyay,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

     Sidoo kale waxa uu sheegay in metelaada gobol ka ay cadow badan ka hor istaageen inay dhaqan ga sho, wuxuuna ku booriyay shacabka gobolka Bana adir inay ka difaacdaan waxa uu ugu yeeray "cadowga diidan metelaada gobolka”.     Madaxwey naha Soomaaliya Maxamed C/hi Farm aajo ayaa Dorraad saxiixay qaraarkii G/Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu G/Bana adir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

    Qoraal kasoo baxay Villa Somaliya ayaa lagu yiri "Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’a ankii G/Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu G/Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyin ka ay shacabka G/Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaan ka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo co dsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.”

     Arrinkaan ayaa imaneya iyada oo dood xooggan ay ka taagan doorashada dalka, waxaana suurta gal in arrintan ay sii kordhiso muranka doorashada, ma adaama Puntland iyo Jubaland ay horey u diideen in gobolka Banaadir uu helo matalaad.

Maamulka Hirshabeelle oo soo dhaweeyay matall aada gobolka gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

     Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha D/G/ Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa lagu soo dhaweeyay tallaabadii uu madaxwe yne Maxamed C/hi Farmaajo ku saxiixay 13ka Kursi ee G/B/dir uu ku yeelanayo Aqalka Sare Somaliya.

   Qoraalka ayaa lagu yiri '' saxiixa madaxweynaha ee Kuraasta gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka sa re waa xaq dastuuri ah oo G/Banaadir siinaya mid la mid ah  mataallada Aqa lka sare ay ku leeyihiin gobollada kale ee dalka.

Mashruuc: "Garashada reer Muqdisho yaan loo gefin, baarlamanka 11-aad waxaa kaliya kusoo biiri kara hal xubin”

      Senetor Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashru uc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaan ka Soomaaliya ayaa sheegay inuu dastuurka ka hor imanay 13-Kursi ee G/Banaadir laga siinayo Aqalka Sare, taasi oo uu Dorraad saxiixay madaxweyne Farmaajo.

    Waxa uu sheegay in uusan kuraasta helayn G/Banaadir ilaa wax laga bedelo dastuurka dalka, kaasi oo dhigaya in ba arlamaanka 11-aad ay kusoo biiri karto hal xubin sharafeed oo ah madaxweynaha xilka kasii dhamaanayo.

      Mashruuc ayaa hadalkii Villa Somalia ee saxiixis ta kuraasta ku tilmaamay gef loo geysanayo garasha da reer Muqdisho, maadama uu ku doodayo in xu bnahaasi kamid noqon karin baarlamaanka soo so cda ee 11-aad.

    "Garashada reer Mogadishu yaan loo gefin. Il laa dastuurka wax laga baddelo Baarlamaanka 11 aad waxa kaliya ku soo biiri kara hal xubin sharafeed oo ah Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo,  waana haddii 9 cisho dhiman si buuxda u dhameys to,” ayuu  Mashruuc ku yiri qoraal uu soo dhigay barti isa twitter-ka.

     Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Far maajo ayaa Dorraad saxiixay qaraarkii G/Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu G/Banaadir ku yeelanayo G/Aqalka Sare.

     Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri "Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’ aankii G/Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu G/Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyin ka ay shacabka G/Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaan ka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo co dsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.”                                              

   "Sidaas daraadeed, Madaxweynaha JFS Md. Far maajo wuxuu xeeriyay inuu G/B/dir ku yeesho Barl amaanka 11-aad 13 kursi,” ayaa sidoo kale lagu yiri

 Qoraalka, midaasi oo uu ka hor yimid Senator Mas hruuc. XIGASHO:CAASIMADDA.NET

 

DF: Waa luntay kalsoonidii aan ku qabnay ciida mada Kenya ee ku jira AMISOM

     Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in ciidamada KDF ee Kenya ay awood u leeyihiin inay taageeraan dada allada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Arrintan ayey Soomaaliya ku shaac isay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ay ku diiday warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ee IGAD ay usoo direen xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

      Soomaaliya ayaa ku eedeysay in dowladda Ken ya ay joogitaankeeda Soomaaliya uga faa’iideysaney so inay sare ugu sii qaaddo danaheeda qaran ee ga arka ah ee ay ka leedahay Somaaliya.

      "Haddii aan si fudud u dhigno, ciidamada KDF ma taageeri karaan xasilloonida Soomaaliya ayaga oo dhanka kalena hurinaya xasillooni darrada Soomaali ya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

     DFS ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay "faro-gelinta tooska ah ee Kenya ay ku hayso Sooma aliya, ayada oo taageereysa maleeshiyo sharci-darro ah oo argagax gelinaya” shacabka Soomaaliya.

      Inkasta oo Soomaaliya aysan si toos ah u dalban in ciidamada Kenya ay ka baxaan dalka, ayaa hada na qoraalkan wuxuu noqonayaa kii ugu adkaa ee ka dhanka ah joogitaanka ciidamada Kenya ee Soom aaliya.

     DF/Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inuu fashil may qorshe iyo isku day ay dowladda Kenya ku doo neysay inay ku maamusho qeybo ka mid ah Sooma aliya, markii ay ciidanka ay taageerto ee Cabdirashiid Janan ay soo weerareen Beled-Xaawo.

Jubbaland Oo Taageertay Warbixintii Guddiga Xaqiiqo Raadinta Ee IGAD

     Shirka Golaha Wasiirada D/G/Jubaland ayaa  wa xaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Doorashooyinka iyo warbixintii Guddiga xaqiiqa raadinta IGAD. Dood dheer iyo falaqeyn kadib waxay goluhu isku raaceen in arrimaha soo socda lala wadaago ummada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka.

     1-Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqoraadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ahdhanna aan u xaglineynin, Waxaa Dowlad goboleedka Jubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS ka gu dbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey Madaxweynaha Dowlada aan walaalaha na hay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qo dobo badan oo lagaga been abuurtay ciidamada Dar aawiishta Jubbaland, Xaalada gobolka Gedo, Ganacs iga iyo kuwa kaloo badan taas oocadeynaysa masuu liyad xumada hogaanka dalka.

      2-Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa magic aabida Gudiyada Maamulka Doorashada Qaran ka ee Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ee he er Dowlad goboleed taas oo uu goluhu u arkey tallaabo sax ah oo horey loo qaadey. Wuxuu goluhu hoosta ka

xariiqey inay lagama maarmaan tahay qabsoomida shirka Golaha wadatashiga qaranka ee lagu baaqey si loo xalliyo caqabadaha hor taagan Doorashoyinka.

    3-Ugu dambeyn Goluhu wuxuu ka digayaa cid kas ta oo sameysa doorasho aan la isku waafaqsaneyn in ay masuul ka noqoneyso dhibaatada ka timaada, G/ wasiirada Jubbaland waxay ugu baaqaan Mad axwe ynaha DFS inuu qaato doorkiisa hogaamineed iyo masuuliyada ka saaran badbaadinta Dalka.

Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay In Siyaasadda Arri maha Dibadda Uu U Adeegsado Dano Gaar Ah

      Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wars ame ahna Musharax Madaxweyne ayaa eed kulul u eed eyay Dowladda Federa alka, isagoo si gaar ah kaga hadlay qa abka Dowladda Soomaaliya ay u waj ahday siyaasadeeda arrimaha dibadda.

Waxaa uu sheegay in Dowladdu ay lu misay waddamo badan oo Saaxiibbo ah, waxaaana uu tilmaamay intaasi uu sabab u yahay Madaxweyne Far maajo.

     "Siyaasaddii arrimaha dibedda dal keena waxey no qotay mudac uu Madaxweyne Far maajo cid walba ku mudo. Warqad wiifta ah iyo war degdeg ahna lagu te biyo. Intii go’aan la soo saaray ey ma jirin masdar uu ka soo fulay iyo marjic loo cel iyo. Ma jirto meel ay go le wasiirro, gole amni qaran, guddiyo arrimo dibadeed iyo gaashaandhig ee labada aqal ee Baarlamaanka & gole wadatashi qaran mid koodna talo ku lahaayeen” ayuu yiri CC Shakuur.

     Waxaa intaas uu ku daray in siyasadda arrimaha dibadda ay noqotay mid dano gaar ah loo adeegsa do, taasi oo ciddii farmaajo uu rabo uu saaxiib kula noqdo, waxaana uu sheegay in meesha ay ka bax day siyaasaddii ku dhisnayd iskaashiga ee Soomaal iya ay la leheed waddamada dibadda."Siyaasadda arrimaha dibedda waa in ay dan qaran ku qotontaa, dowladduna waa in ay saaxiib soo kasbataa ama cad aawad soo dhintaa, ma aha in ay subax walba saaxib lumisaa ama cadaw soo kasbataa” waxaa sidaasi yiri Musharrax madaxweyne CC Shakuur

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR:

     Siyaasaddii arrimaha dibedda dalkeena waxey no qotay mudac uu Madaxweyne Farmaajo cid walba ku mudo. Warqad wiifta ah iyo war degdeg ahna la gu tebiyo. Intii go’aan la soo saarayey ma jirin ma sdar uu ka soo fulay iyo marjic loo celiyo. Ma jirto me el ay gole wasiirro, gole amni qaran, guddiyo arrimo dibadeed iyo gaashaandhig ee labada aqal ee Baarlamaanka iyo gole wadatashi qaran midkoodna talo ku lahaayeen.

     Siyaasadda arrimaha dibedda waa in ay dan qa ran ku qotontaa, dowladduna waa in ay saaxiib soo kasbataa ama cadaawad soo dhintaa, ma aha in ay subax walba saaxib lumisaa ama cadaw soo kasbat aa.

DFS Oo Mar Kale War Kasoo Saartay Warbixintii Guddiga Xaqiiq Raadinta IGAD

     Dowladda Soomaaliya ayaa baaq u dirtay urur Go boleedka IGAD,  baaqaasi oo ku aaddan in la baa bi’yo guddiga xaqiiqo raadinta oo horay loogu xilsaaray in ay baaritaan ku sam eeyaan faragalin la sheegay in Kenya ay ku hayso Sooma aliya.

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arri maah dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Gu ddigu aysan ahayn kuwo dhex-dhexaad ah, waxaana Dowladda Soomaaliya ay ku tilmaamtay Guddiga   Jabbuuti ee urur Goboleedka u xilsaartay  xaqiiqo raadinta in uu yahay guddi la safan Kenya.

     Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in Gu ddiga intii ay ku guda jireen Howlahooda shaqo  dho wr jeer lagu qaaday diyaaradaha Ciidanka Kenya, waxaana ay taas ku timaamtay Dowladda Soomaal iya mid galaan gal hoose uu u dhexeya guddiga iyo Kenya, waxaana sidoo kale ay ku eedeeysay Guddi ga in dhowr jeer ay Kenya tageen oo waqti badan ay isaga daba-laabanayeen, halka Soomaaliyana ay yimaadeen waqti yar oo kooban.

      Sidoo kale DFS waxaa ay Kenya mar kale u jeed isay eedeyn ah inay ku lug leedahay dagaalkii ka dhacay M/Balad-xaawo ee G/Gedo, waxaana intaa ay ku dartay in Ciidankii dagaalka soo qaaday ay soo tababareen ciidanka KDF ee KenyaTaageero xoog gan ay soo siiyeen.

 

 

Dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay eedeyntii DF iyo warbixintii ka careysiisay

     Dowladda Jabuuti ayaa ganafka ku dhufatay eede ymihii ay DFS u jeedisay guddigii xaqiiqo raadinta ee ururka IGAD u saaray xiisada Soomaaliya iyo

      Kenya, midaasi oo Soomaaliya ku sheegtay mid dhinaca saaray dowla dda Kenya oo ay is hayaan.

     Jabuuti ayaa war-saxaafadeed soo saartay ku sheegtay in warbixinta guddiga xaqiiqo raadintu ay tahay "mid dhex-dhexaad ah oo xaqiiqda ku qotonta”, isla markaana looga howl-galay xiisada labada dhinac qaab aan eex laheyn oo hufnaan ah.

    "Marka la eego sida howshu u dhacday, waxaan shaki ku jirin in loo qabtay si xirfad iyo dhex-dhex aadnimo ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Jabuuti.

      "Jabuuti waxay had iyo jeer ku dadaashaa nab ada iyo xasiloonida gobolka oo ay ka samayso dad aal badan si looga qayb-qaato nabad-gelyada, xas iloonida iyo nabadeynta Soomaaliya, welina way ka go’an tahay inay sii wado dadaalkan.”

     Sidoo kale waxa lagu sheegay in warbixintaas uu guddiga u gudbiyay golaha sarre ee urur goboleedka IGAD, oo markii hore u xil saaray guddigaasi xaqiiqo raadinta ah ee ay ka biyo diiday natiijada kasoo bax day dowladda federaalka Soomaaliya.

      Ugu dambeyntiina waxa qoraalka lagu sheegay in dowladda Jabuuti ay tix-gelinayso in go’aan ka gaa rida warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ay hortaalo golaha IGAD, taasi oo xal kama dambeys ah looga gaarayo xiisada ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

      DFS ayaa Dorraad dhigeeda Jabuuti ku eedeysay inay la safatay dowladda Kenya, maadama guddigaa si xaqiiqa raadinta ah ee loo diray xuduuda Soom aaliya iyo Kenya, ooay  badankoodu ka socdaan Jabuuti.

     Guddigaas ayaa waxa lagu iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti, kaasi oo loo diray xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay jabhad ka abaabuleyso xuduuda ay wadaagaan labada dal.

       Guddiga oo Dorraad soo saaray warbixin ayaa she egay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaa buleyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaa liya, midaasi oo wax lala yaabo ay ku tilmaamtaay wa rbixintii guddiga, iyadoo wasiir Dubbe oo u hadlay   dowladda uu ku eedeeyey inaysan dhexdhaxaad ahe yn oo ay soo saareen warbixin hal dhinac ah.

      "Markii uu xumaaday xiriirkii aan la laheyn Kenya waxaa la isugu tegay shirkii Jabuuti, waxaa lagu he shiiyey in guddi loo saaro arrinta, Soomaaliya way ku faraxday markii Jabuuti loo xil saaray baaritaankaas,    warbixintii waa soo baxday, balse dowladda Soomaa liya waxuu ku noqday fajac iyo amakaag, wax kasta oo Soomaaliya ay dhibsatay oo ay ka dacwootay gud digu waxa uu ka dhigay waxba kama jiraa,” ayuu yiri wasiir Dubbe oo u hadlay dowladda.

      Waxa kala oo uu sheegay in guddigu uu Soomaal iya qaladka saaray, isla markaana ay qoreen in arri nta cilaaqaadka xumeysay ay tahay mid hore, haa tana aysan jirin wax ka dhaxeeya labada dal oo aan aheyn arrinta badda.Xubnaha guddiga loo diray xuduuda oo ah 7-qof oo lix ka mid ah ay Jabuuti ka socdaan waxaa ka mid ah, Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soo maaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan cii damada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.

Mareykanka Oo Farriin Culus U Diray Dowladda Dhexe Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip