Mashruuc: "Garashada reer Muqdisho yaan loo gefin, baarlamanka 11-aad waxaa kaliya kusoo biiri kara hal xubin

0
Friday January 29, 2021 - 20:16:13 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruuc: "Garashada reer Muqdisho yaan loo gefin, baarlamanka 11-aad waxaa kaliya kusoo biiri kara hal xubin

    Senetor Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu dastuurka ka horimanay 13-Kursi ee gobolka Banaadir laga siinayo Aqalka Sare, taasi oo uu shalay saxiixay madaxweyne Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senetor Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu dastuurka ka horimanay 13-Kursi ee gobolka Banaadir laga siinayo Aqalka Sare, taasi oo uu shalay saxiixay madaxweyne Farmaajo. Waxa uu sheegay in uusan kuraasta helayn gobolka Banaadir ilaa wax laga bedelo dastuurka dalka, kaasi oo dhigaya in baarlamaanka 11-aad ay kusoo biiri karto hal xubin sharafeed oo ah madaxweynaha xilka kasii dhamaanayo. Mashruuc ayaa hadalkii Villa Somalia ee saxiixista kuraasta ku tilmaamay gef loo geysanayo garashada reer Muqdisho, maadama uu ku doodayo in xubnahaasi kamid noqon karin baarlamaanka soo socda ee 11-aad. "Garashada reer Mogadishu yaan loo gefin. Illaa dastuurka wax laga baddelo Baarlamaanka 11aad waxa kaliya ku soo biiri kara hal xubin sharafeed oo ah Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waana haddii 9 cisho dhiman si buuxda u dhameysto," ayuu Mashruuc ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri "Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go'aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la'aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed." "Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi," ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka, midaasi oo uu ka hor yimid Senator Mashruuc.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip