Maxaa looga hadlay kulankii wasiirada arrimaha dibedda Somalia iyo Ethiopia? + Sawirro

0
Friday January 29, 2021 - 17:47:22 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlay kulankii wasiirada arrimaha dibedda Somalia iyo Ethiopia? + Sawirro

    Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Itoobiya. Ra'iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka arrim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Itoobiya. Ra'iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka arrimaha bibadda dalkaas, Demeke Mekonne iyo dhigiisa Soomaaliya ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinaca u dhaxeeya. Sidoo kale waxa kulankaas diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga Itoobiya iyo Soomaaliya, iyada oo la dar-dar gelinayo isfahanada iyo habmaamusyadii ay labada dhinac hore ugu heshiiyeen. Labada mas'uul ayaa waxa kale oo ay isla falanqeeyeen arrimaha gobolka ka taagan ee danta guud ah iyo kuwa dunida inteeda kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaas. Dowladda Soomaaliya ayaa saaxiib dhow u ah Itoobiya oo xiligan waiahaysa qalaalase siyaasadeed oo gudaheeda, iyada oo mid kaas lamid ahna uu ka taagan yahay gudaha dalka.


Maxaa looga hadlay kulankii wasiirada arrimaha dibedda Somalia iyo Ethiopia? + Sawirro




 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip