HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-JANUARY-2021

0
Thursday January 28, 2021 - 07:20:08 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-JANUARY-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne farmaajo oo qaabilay Wasiirka Difaaca Ingiriiska

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cab dullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingi riiska Ben Wallace oo uu wehelinayay Safiirka In griiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wa siirka qorsheyaasha hirgalay ee Dowladda Fe deraalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada Al Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wad ahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkey nta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Al shabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay. Labada dowlad ood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadidda taba barrada iyo hannaank dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Mudane Ben Wallace ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen shaca bka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Midowga Musharaxiinta Oo Ka Hadlay Dagaal kii Ka Dhacay Balad-Xaawo

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soo maaliya ayaa ka hadlay dagaalkii degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaa lka iyo kuwo uu hoggaaminayay Was iirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdir ashiid Janan.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta oo ku qornaa luuqada English-ka ayaa waxaa ay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyeen dagaal kii ka dhacay Bala d-xaawo, iya goona sheegay inuu dii dan yahay xal ka gaarista arrinta Ge do.

Musharaxiinta oo Qoraalka ay soo saareen uu yahay mid loogu tala-galay Beesha Caalamka ay aa lagu sheeagay in weli aan xal buuxa laga gaa rin khilaafka ka taa gan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa 2021 ee lagu heshiiyay.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in xal laga gaaro caqabadaha ku hor gudban doorashada, iyagoona xusay in aad u ga walaacsan yihiin in dowladda aysan wadi dad aalo lagu xalinayo muranka jira. Dhinaca kale Mu sharaxiinta ayaa qoraalkooda ay soo saareen ku sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaalada ay wado Beesha Caalamka, isla markaana ay ku do oneyso in lagu xaliyo khilaafka ka taagan qabsoo mida doorashada dalka.

Dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada Balad-xa awo, waxaana dowladda Federaalka sheegtay in Ciidanka weerarka degmadaas kusoo qaaday ay haayeen Jabhad ay soo hubeysay Kenya, haye eshee laga hortegay.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Mad axda Hay’adda TIKA.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maal-gashi ga iyo Horumarinta dhaqaalaha XfS oo u wehliyo Wasiirka Cadaaladda ayaa xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Madaxda sare ee Hay’adda ho rumarinta Mashaariicda Turkiga ( TIKA-Sooma aliya) iyo Madax kale oo Turki ah.

Ujeedada kulanka waxaa looga gol lahaa, si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada hour marinta labada Dowladood.

Ganacstada ka socotay Turkiga ayaa daneeyay in ay Maal gashadaan dalkeenna oo ay u arkeen Dal ku Habboon Maal-gashiga.

Wasiir Jamaal ayaa tilmaamo ka bixiyay Wad dankeena meelaha ugu habboon in maal-gashiga lagu sameeyo, oo ahmiyad wayna u leh Maal Ga shiga shisheeye kuwaa oo kala ah Beer aha,Tamarta, Xoolaha, iyo Kaluumeysiga.

Madaxda ka socotay hay’adda Turkiga (TIKA-Soo maaliya) iyo xubnaha kale ayaa soo dhaweeyay dadaalada ka socda Soomaaliya isla markaana sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u Maalg ashan lahaayeen dhinacyada muhiimka ah ee Wa siirku xusay taa oo dhankooda ay mudnaan wayn u leedahay.

Sidoo kale waxaa hoosta laga xariiqay dar-da rgalinta Shuruucada muhiimka u ah Maal-gashiga shisheeye tasoo fursad wayn u abuurayso Wad danka oo intooda badan heer gaba-gabo ah ma ra ayo. Ugu damabayntii Wasiirka Wasaaradda Qor sheynta, Maalgashiga iyo Horumarimta Dhaqaa laha XFS, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ka Dowlad ahaan ay diyaar u yihiin dhiirogelinta, fududaynta, taageeridda, Maalgalinta shisheeye, sare u qaadidda Muuqaalka Dalka iyo in aynu sii hagaajino jawiga Maalgashiga oo Dalku billow Wanaagsan u ah

Soomaaliya oo sheegtay in Jabuuti Kenya ku taageertay faro-gelinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddigii xaqiiqo raadinta ee loo xil saaray arrimaha khilaafka So omaaliya & Kenya iyo xaalad aha kajira xaduudka labada dal ay ka been sheegeen halka uu salka ku haayo khilaafka soo maaliya & Kenya.

Guddiga oo ka kooban lix Xub no od oo ka socda dowl adda Jab uuti & xubin ka tisan Urur Gobol eedka IGAD ayaa dowladda Jab uuti waxaa ay u xils aartay in lagu ogaado xaaladaha kajira xaduud ka Soo maaliya & Kenya ee dhinaca gobolka Gedo ee sa babay khilaafka diblumaasiya deed ee Soomaa liya & Kenya. Wasiirka Wasaar adda Warfa afinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ay aa sheegay in guddiga ay noqdeen kuwo hal dhi nac ah oo gu dbiyay hadalo ay kasoo xigteen Wasi irka Arri maha dibadda Kenya Monica Juma, kaas oo dowl adda Soomaaliya ku noqday amakaag, isaga oo guddiga ku eedeeyay inay dhowr jeer ku laab lab teen Kenya, isla markaana ay diideen in la geeyo degmada Beled-Xaawo.

Wasiir Cismaan Dubbe oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay qodobada ay guddiga xaqiiqo raadinta ahaa gudbiyeen, isaga oo sheegay inay ahaayeen kuwo ay kasoo xigteen hal dhinac,waxaana kamid ah

1: in tabashooyinkii ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya ay dhamaantood yihiin kuwo aan waxba kajirin.

2: In ku xadgudubka diyaaradaha Kenya ee hawada Soomaaliya ay Soomaaliya ku sheegeen inay qaldan tahay oo aysan u kala saarin diyaaradaha Xamuulka qaada & kuwa rakaabka caadiga ah. 3: In Ciidamada Kenya aysan kusoo xadgudbin dhulka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca xaduudka, iyada oo la ogyahay in Ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan AMISOM inay joogaan Gudaha Soomaaliya.

4: In arrinta khilaafka keentay ee xiriirka loogu jaray Kenya uu salka ku haayo arrin hore oo ka dhaxeeysay Soomaaliya & Kenya.

5: in Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ka bixin degaano muhiim ah, sida Faxfaxhduun, Bu usaar iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo dad Soomaaliyeedna lagu dhibaateeyay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiirka in dowla dda Soomaaliya ay aad u soo dhaweeysay markii guddiga la sameeyay balse qodobada iy natiijada ay soo saareen aysan ku qanacsaneyn, isla mar kaana ay ku noqotay fajac iyo amakaag.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaa finta Soomaaliya Cismaan Dubbe ma shaacin Go’aanka ay dowladda Soomaaliya qaadan doon to maadama aysan ku qancin Go’aanka Guddiga, isaga oo sheegay inay rajo ka qabaan inay gud di ga iyo dowladda Jabuuti raali-gelin bixin doon aan.

Dowladda jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha teegaara dowladnimada Soomaaliya, waxaana degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM, iya da oo aan la ogeyn jawaabta ay dowladda Jabuuti ka bixin doonto eedeynta uga timid Dowladda Soo maaliya.

Xog: Kheyre oo Wasiirkiisii Amniga xildhibaan Ducaale u dhiibay xil muhiim ah

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hada kamid ah Midowga musha raxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la she egay in wasiirkii amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale u dhiibay xil muhiim ah.

Maxamed Abuukar Islow oo ay saaxiibo dhow aha ayeen Xasan Cali Khey re ayaa noqday mada xa olalaha ee mushar ax Madaxweyne Xasan Cali Kheyrre. Si gaar ah waxa uu qaabilsan-yahay ka dhaadhaacinta siyaasiinta in ay taageeraan Mu sharax Xasan Cali Kheyre.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in howsh aan badankeeda laga dhax-raadin doono Xildhib aano imaan doono islamarkaana haddii uu soo laabta Xildhibaan Ducaale uu qaban doono qeybta ugu muhiimsan ee shaqadaan maadaama la rabo inuu codad ka raadiyo Xildhibaanada soo socda.

Maxamed Abuukar Islow oo wasiirka amniga Soomaaliya ahaa mudadii ay jirtay xukuumada Xasan Cali Kheyre saaxiib dhow la ah Xasan Cali Kheyre, waxa uuna kamid ahaa wasiiro tiro koo ban oo aan xil ka qaadis lagu sameynin islamar kaana si weyn u difaacay maalintii xil ka qaadis tiisa.

Ducaale ayaa laga reebay xukuumaddii uu soo dhisay ra’iisul wasaare Rooble, sababo la xiriira inuu aad ugu dhow yahay Kheyre, waxaana lagu beddelay Xasan Xundubey oo ay isku beel yihiin.

Ducaale ayaa la sheegaa inuu yahay nin aad u degan, hadal gaaban, oo aan galgal badneyn, taa si oo su’aal gelineysa xeeladda ololaha Kheyre iyo sida uu u filayo in qof aan siyaasad ahaan laheyn xulufo badan uu codad ugu soo dhicin doono.


Kenya oo jawaab ka bixisay warbixintii guddi ga IGAD uu kasoo saaray khilaafka kala dha xeeya Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa soo dhoweysay warbixin ay soo saareen guddiga xaqiiqda raadinta ee ururka goboleedka IGAD uu u diray xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya.

Guddigaas, oo xuduudda labada dal booqday intii u hdaxeysay 9-kii iyo 13-kii Janaayo, ayaa sheegay inay wax caddeymo ah u waayeen inta badan eedihii ay Soomaaliya u je edisay Kenya, waxayna yiraahdeen "Guddigu wu xuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda So omaaliya, oo qaarkood soo jireen ahaa, inaysan u muuqan inay ku filnaan karaan in loogu cudur-daa ro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay in guddiga la siiyey, intii lagu guda jiray howlgalka xaqiiqo raadinta, caddeymo aan dood laga keeni karin "oo Kenya ka bari yeelaya dhamm aan eedaha loo jeediyey.”

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinta guddiga ay caddeyn u tahay in eedeymaha Soom aaliya ay ka dhanka ah Kenya ay yihiin "kuwa aan sal laheyn”.

Waxay kale oo intaas ay ku dartay inay cadd eyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya uu ahaa mid qiil laheyn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida gargaarka iyo ad eegyada kale u raaadsada Kenya, howlgalka Amisom iyo nolosha shacabka labada dal.

"Waxaa taas kasii muhiimsan in hadda ay caddahay in xasaradaha ay abuurtay Soomaaliya aysan horumarineyn aragtida IGAD ee ah ku guul eysashada nabadda, baraaraha iyo is-dhexgalka gobolka,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arr imaha dibedda Kenya.

"Warbixintan waa warbixin dhex-dhexaad ah oo soo afjareysa arrintan. Kenya lugaha looma gelin doono olole mas’uuliyad darro ah, oo ujeedkiisa gu ud uu yahay in guul siyaasadeed oo gudaha ah la gu gaaro.”

Beesha Caalamka oo Ka Hadashay Xaaladda Siyaasadeed iyo Midda Bani aadannimo ee Soomaaliya

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Xiriiriyaha iyo Isuduwaha Hawlaha Bani’a adamnimada ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaram ada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula iyo Madaxa UNSOS Lisa Filipetto, ayaa Shalay wa rbaahinta kala hadlay taageerada Qaramada Mido obay ee Soomaaliya 2021- meelaha ay ka mid ka yihiin siyaasadda, gargaarka, horumarka iyo arrimo kale.

Md.James Swan ayaa shee gay in hoggaamiyeyaasha siy aasadda Soomaaliya ay ka rajaynayaan in ay la yimaada an wadiiqo siyaasadeed xasi lan una fekeraan si masuul iyadi ku jirto iyaga oo horumarinaya danta shacab ka iyo xoojinta dowladnimada

"Qaramada Midoobay iyo caalamku waxay do onayaan in Soomaaliya ay ku guuleysato in ay qabato doorashooyin loo wada dhan yahay laguna kalsoonaan karo – "Waxaa la joogaa xilligii hog ga anka iyo xalka danta qaranka,” ayuu yiri Erg ayga Q/ Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.Md. Swan ayaa rajo weyn ka muujiyay in hoggaamiye yaasha Somaalida ay la yimaadaa isu tanaasul fududeyn kara in horay loo sii ambaqaado howlaha doorashooyinka dalka

Isuduwaha Hawlaha Bani’aadannimada ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ayaa isna ka hadlay heerka xaaladda bani aaddannimo ee Soomaaliya waxa uuna sheegay in malaayiin qof oo Soomaali ah ay sanadkan u baahan doonaan gargaar aadane

"Qiyaastii 5.9 milyan oo qof ayaa u baahnaan doona gargaar bani’aadannimo, iyo ilaalin guud Soomaaliya oo dhan sannadkan 2021,” Hay’adaha Qaramada Midoobayna waxa ay sii wadi doonaan bixinta taageeradaa muhiimka ah – ayuu yiri, Adam Abdelmoula, mar uu la hadlayey Shalay warbaahinta.

Xaaladda bani aadannimo ee Soomaaliya ay aa sanadkii ugu dambeeyay sii darsaneysay iyada oo arrintaasina loo aanaynayo dhibaatooyin isbi irsaday oo ay sababeen xanuunka Korona, daa dadka, duufaantii Gati iyo waxyeellada ay mow jado ayax ahi gaarsiiyeen wax soo saarkii dalagga dalka.

DF iyo maamul goboleedyada oo u hoggaan samay cadaadiska beesha caalamka

Xog ah heshay Caasimada Online ayaa tilmaa meysa in dowladda federaalka Soomaaliya,ma amul gobaleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ay isku raaceen in 1-da bisha Febraayo ee sana dkaan shir isugu yimaadaan, kadib cadaadis xoog gan oo beesha caalmka ay saartay dhinacyada Soomaalida.

Shirkaas ayey u badan tahay in lagu qabto magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, inkasta oo weli aan taas si rasmi ah la isugu raacin.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in shirk aan diirada lagu saari doono arrimaha doorashada Soomaaliya iyo xal u helida qodobada muranka ka taagan yahay ee doorashada dalka.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamayo in aan ilaa hadda heshiis la gaarin doorashada, islama rkaana wali ay jiraan caqabado ku hor gudbin wa an waanta ay wadaan xubnaha beesha caalamka.

Shirkan ayaa imanaya ayada oo wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu booqasho ku tegay caasimadaha maamul goboleedyada, si uu madax goboleedya da ugu cadaadiyo inay heshiis ka gaaraan doora shada.

Sidoo kale, Safaaradda Maraykanka ee Soo maaliya ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaal ida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab so cda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

Lama oga sida ay ku dameyn doonto doora shada Soomaaliya iyo xaaladda guud ee dalka oo aan xiligaan ka jirin daganaan leesku haleen karo.

Guddiga lagu muransan yahay ee doora sho oyinka oo soo saaray Warsaxaafadeed jadwal la’aan ah

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyi nka ayaa soo saaray War saxaafeed uu uga hadlaayo waxyaabihii u qabsoomay dhowrkii bil ood ee lasoo dhaafay iyo sidoo kale qorshaha doo rashada.

Guddiggaan oo ay ka maqan yihiin guddiyaddii heer dowlad goboleed ee maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa horay ugu fashilmay dhowr ja dwal oo uu soo saaray ka dib markii ay fuli waayeen.

Guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada So omaaliya in ay gaaraan he shiis siyaasadeed oo is af garad ah si khilaafka taagan loo soo Afjaro.

Warsaxaafadeedka guddiga lagu muransan yahay ayaa siddaan u qornaa:

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo ka duulaya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qa ran ee dhacay 17 Seebteembar 2020 oo ay si wad ajir ah u meel mariyeen labada Aqal ee Baarl amaanka 1dii Oktoobar 2020. Heshiiskaas oo nuxurkiisu ahaa habka iyo qabsoomidda doorasho ka dhacda wadanka iyo dhismaha guddiyo door asho.

Guddigu isagoo ka amba qaadaya heshiiskaas tan iyo waqtigii la magacaabay waxaa u qabsoo may hawlo muhiim u ah, sida doorashada hogga anka guddiga iyo guddi-hoosaadyadiisa, tabab aridda iyo maamul u sameynta guddiyada heer Dowlad Goboleed, diyaarinta habraacyada doora shada, kulamo kala duwan oo guddigu la yeeshay qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo wakiillada beesha caalamka.

Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doo rashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dha weynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada.

Haddaba iyadoo waddanku uu ku jiro xaalad doorasho, ayna sarrayso diyaar garowga loogu jiro doorashada, guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay in ay ka dhacdo dalka do orasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darra da soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaa bato waqtigii loogu tala galay.

Guddiga wuxuu xasuusinayaa in mas’uuliyadda fududaynta qabsoomidda doorashadu si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashi ga Qaran, si guddigu howlihii loo igmaday u guto.

Guddigu, wuxuu ugu baaqayaa murashaxiinta danaynaya in ay u tartamaan xilalka siyaasadeed ee dalka in markasta ay ololahooda ku saleeyaan bed qabka, xasiloonida dalka iyo u turista shacab ka Soomaaliyeed, taas oo ah hab dhaqanka wan aagsan ee muwaadinka, waafaqsanna xeerka anshaxa doorashada.

Guddigu, wuxuu bogaadinayaa dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bu lshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomi dda doorashada lagu heshiiyey.

Ugu dambayn, guddigu wuxuu ku wargelina yaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in uu gu ddigu diyaariyey habraacyadii doorashada ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doora sho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka, waafaqs anna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran 17kii Sebt. 2020.


Puntland iyo Jubaland oo go’aan wada jir ah oo cusub kasoo saaray muranka doorashada

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inay ogolaadeen inay soo gudbiyeen xubnaha guddiyada doorashada heer gobol ee muddo ay diidanayeen, si ay taas ugu gogol xaarto in la qabto shir lagu xalinayo muranka ka taagan doorashada.

Qodobkan ayaa ahaa mid dowladda federaalka ay ku adkeysaneysay islamarkaa na shuruud uga dhigeysay inay aqbasho shirka, oo ay gadaal ka riixeyso beesha caalamka.

Qoraalka kasoo baxay ayey Jubaland iyo Punt land ku baaqeen in shir la isugu yimaado 30-ka bisha kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxay sheegeen in dowladda fede raalka ay weli ka cago-jiideyso shirkaas.

Puntland iyo Jubaland ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay in beesha caalamka ay door muhiim ah ka qaadatay sidii Madaxda Wadatashi ga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xallin lahaa khilaafka jira iyo in Puntland iyo Jubb aland ay soo magacaabaan Guddiyada, si ay taas qeyb uga noqoto qabsoomida shir lagu wadatashi oo si guud loogu xalliyo dhammaan qodobada lagu muransan yahay.

Waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in gacan ka geystaan in dalka laga badbaadiyo kha tar amni iyo xasillooni darro siyaasadeed oo uu wa jihi karo haddii la gaaro 8 February 2021, iyadoo heshiis laga gaarin qabsoomida doorashada.

Hadaba hoos ka aqriso qoraalka ka baxay Puntland iyo Jubaland.

Kadib dadaalo is daba jooga ah oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka wadeen, waxaa qabsoomay shirarkii Dhusamareeb 1, 2, 3 iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay Magaalada Mogadishu September 2020, ayna isugu yimaade en Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxda Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa 17 September 2020 heshiis ka gaaray qabsoomid da doorashada Dalka, isla markaasna 1dii October 2020 soo saaray habraacyada magacaabista iyo maamulka Guddiyada doorashooyinka.

Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Feder aalka ayaa dhamaantood soo magacaabay xubn aha ka qaybgalaya Guddiga doorashada ee Dowla dda dhexe (FIEIT), halka ay Dowladaha Xubnaha ka ah qaarkood soo magacaabeen guddiyada maa mulka doorashada ee heer Dowlad Goboleed (SIEIT).

Magacaabista Xubnaha Guddiga Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay soo gudbiyeen ayaa hareer marsanaa habraacya dii lagu heshiiyey ee magacaabista iyo maamulka guddiyada doorashada. Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale wadatashi la’aan ku magacawday Guddiga Maamulka doorashada kuraasta Somali land iyo in Dowladdu khal khal amni ka abuurtay si dii doorasho uga qabsoomi lahayd Gobolka Gedo. Arrimahaan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf sa babay in uu dib u dhaco fulinta heshiiskii 17 Sept ember 2020 lagu gaaray Magaalada Mogadishu.

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dar een ka muujiyeen qodobada abuuray khilaafka ee hareeyey fulinta heshiiskii 17 September 2020 iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dib u dhigeen magacaabista guddiyada maamulka doorashada ee heer Puntland iyo Jubbaland inta laga wada hadlayo arrimaha laysku khilaafsan yahay. Xubnaha Bee sha Caalamka oo uu ugu horeeyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midowbay James Swan ayaa do or muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadata shiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xalin lahaa khilaafka jira iyo in Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada si ay qayb uga noqoto qabsoomidda shir wadatashi oo si guud loogu xaliyo dhamaan qodobada lagu muransan yahay.

Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ayagoo tix galinaya wakhtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, una gogol xaaraya qabsoomidda shir loo dhan yahay, waxay shaaciyeen Guddiyada Maamulka doorash ada ee SIEIT. Haseyeeshee, waxaa nasiib darro ah in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka ca go jiidayso qabsoomidda shir lagu xaliyo khilaafka ka jira qabsoomidda doorashada Dalka.

Haddaba, waxaan dhamaan Ummadda Soom aaliyeed, Saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba la socodsiinaynaa in Punt land iyo Jubbaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan ya hay oo lagu wada kalsoonaan karo ay Dalka uga dhici lahayd si ay u abuurto daganaansho siyaasa deed oo horay u sii wada hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Sidaa darteed, waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu baaqaynaa in shir deg deg ah laysugu yimaado Magaalada Mogadishu 30ka January 2021 si loo xaliyo arrimaha hortaagan doorashada.

Waxaan sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay naa inay gacan ka geystaan in Dalka laga badbaa diyo khatar amni iyo xasilooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021 ayadoon heshiis laga gaarin qabsoomidda doora shada.

Akhriso: Liiska Guddiga doorashada Jubbal and iyo Puntland

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa shaa ciyay liiska Guddiga maamulka doorashada heer dowlad Goboleed, iyadoo arrintan ka mid aheyd shuruudihii ku hor-gudbanaa shir dhex mara Do wladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Guddiga la soo magacaabay ayaa ka kooban 8 xubnood oo labada dhinac ah, oo ah kuwa heer Dowlad Goboleed.

Magacaabida Guddiyadan ay soo gudbiyeen dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Puntland ayaa ka dhigan in ajandaha shirka dowlad Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uu qeyb ka noqon doono xalinta qodobada lagu muransan yahay.

Liiska Guddiga Doorashada Jubbaland iyo Puntland oo kala ah:-

Guddiga Jubbaland

1- Siyaas Maxamed Mursal

2- Axmed Maxamuud Cumar

3- Axmed Cabdi Nuur

4- Zamzam Faarax Abuukar

5- Maxamed Cusmaan Gaab

6- Ibraahim Aadan Ibraahim

7- Axmed Yuusuf Maxamed

8- Abuukar Nuur Cabdi

Guddiga Puntland

1- Cabdikariim Muuse Maxamuud

2- Muuse Cabdulqaadir Ducaale

3- Axmed Cabdi Maxamuud

4- Caynaanshe Yuusuf Xuseen

5- Caydaruus Axmed Faarax

6- Cabdirisaaq Cabdulle Faarax

7-Farxiya Xuseen Maxamuud

8- Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Habka loo magacaabay guddiyadaas ayaa ah mid ka duwan habraaca sharciga ah ee lagu yaqa anay magacaabista guddiyadda doorashada, bal se tan waxaa lagu fasiray mid ay wali doonayaan inay kusii wadaan xarig jiidkii siyaasadeed ee ka dhexeeyay ayaga iyo Farmaajo.

Inta badan gudoomiyaasha degmooyinka G/Ba naadir oo Muqdisho isaga baxaya

Caasimada Online ayaa ogaatay in inta badan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ay ka baxayaan magaalada Muqdisho muddo todobaad gudihiisa ah.

Xogta ay heshay Caasimad a Online ayaa tilmaameysa in guddoomiyaasha degmo oyinka Xamar Weyne, Shan gaani, Howl-wadaag, Shibis, Cabdicasiis, Waabari, Heliwaa iyo degmooyinka kale ay safar u yihiin dalka Turkiga, islamarkaana ay qaateen fasax na siino ah, kaas oo aan waqti go’an laheyn.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in arrintaan ay ka dambeysay kadib cabsi soo waj ahday guddoomiyaasha oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay wajahayay weeraro qaraxyo ah iyo dilalkii guddoomiyaha degmada Hodan.

Qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyin ka ee safarka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada xumaatay oo aan la sii joogi karin inta lagu guda jiro waqtiga kala guur ka ah.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa tilmaama ya in sidoo kale ay bixi doonaan guddoomiye ku xi geeno degmooyinka gobalka Banaadir ah.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaan inta badan amnigood adkeyn, mana haystaan baabuur ta aanay xabadda karin ee wasiirada iyo xildhiba anada qaar ay wataan, taasi oo ka dhigtay kuwa u nugul weerarada Al-Shabaab.

Xigasho:caasimadda.net

Mareykanka oo digniin adag soo saaaray

Madaxda ammaanka dalka Mareykanka ayaa ka digay khatar sare oo argagixiso gudaha ah, taas oo laga filan karo dadka aan ku faraxsaneyn natiijada doorashadii November.

Waaxda Ammaanka Gudaha ayaa sheegay in weerarkii ay taageerayaasha Trump 6-dii January ku qaadeen US Capitol uu sababi karo inay soo baxaan xagjiriin.

Waxay ka digtay khatar ka imaan karta dadka ka careysan howlaha dowladda.

Balse waxay intaas ku dartay inaan la ogeyn hadduu jiro qorshe gaar ah oo abaabulan.

Weerarkii US Capitol ayaa ku soo beegmay xilli Kong areeska ay kulan lahaay e en si ay u ansixiyaan guu shii doorashada ee Joe Bi den.

Madaxweynihii markaas xilka ka sii degayay Donald Trump ayaa wax yar kahor taageerayaa shiisa khudbad ugu jeediyay bannaanka Aqalka Cad wuxuuna ku cel celiyay sheegashooyin aan caddeymo loo heyn oo ah in doorashada lagu shubtay.

Wuxuu ku yiri: "Haddii aadan si adag u dagaal lam in ma sii heysan doontaan dal.”

Ka dib koox ayaa u dhaqaaqday Capitol, iyagoo xoog ku galay dhismaha. Shan qof, oo uu ku jiray sarkaal booliiska Capitol ka tirsanaa, ayaa ku

dhintay weerarka.


Xildhibaan Odowaa” Farmaajo dowladnima dii Soomaaliya waxa uu u wadaa sida nin wada baabur aan fariin lahayn”

Xildhibaan Maxamed Xuseen Odaawaa oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha in uu dalka ku waddo qordo jeex ka dib markii uu ka quustay in dib loo doorto, taasina ay tahay fa shil soo wajahay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtig iisa ka harsan yihiin maalm aha kooban oo Soomaaliya dhigi rabo walaal iyo saax iib la’aan.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliy eed in ay muujiyaan dadaal ku aadan sidii dalka loo badbaadin lahaa.

"Madaxweyne Farmaajo dowladnimadii Soo maaliya waxa uu u wadaa sida nin wada baabur aan fariin lahayn oo hadba darbi ku dhufanaaya, Ka dib markii dadkii iyo dalkii oo dhan madaxa Is kugu wada dhuftey, ayuu bilaabay inuu Dalalka dariskana iyo Soomaliya qoorta isku dhufto” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Waxaa uu intaasi kusii daray "Sida muuqata as agu in dib loo doortay waa ka quustay ee anaga ay uu rabaa in uu walaal iyo daris la’aan na dhigo”

Weerar sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in weerar jidgal ah lagu qaaday Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, xilli ay marayeen duleedka degmadaas.

Gaadiidkaas oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degmada Balcad & Tuulada Gololeey waxaa la sheegay in marka hore loo dhigay qarax miino, kadibna weerar jidgal ah ay ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxana halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasa aro kala duwan.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxaa ay sheegeen gaadiidka Ciidamada oo ka yimid dhinaca magaalada Muq disho xilliga la weerarayay uu marayeen wado jid cado ah, maadaama todobadyadii la soo dhaafay ay Biyo xireen laamiga oo gaadiidka ay ka waree gsanayeen.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weer arkas ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen 5 as kari oo ka tirsanaa Ciidamada la weeraray, sidoo kalena ay gubeen mid kamid ah gaadiidka dag aalka wallow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in gaariga ay Al-Shabaab gubeen uu ahaa Gaari Cabdi Bille gurmad ahaa n ugu tegay Ciidamada weerarka lagu qaaday xilli uu dagaal socday.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhee weli ka hadlin weerarkaas, waxaana xusid mudan in dhowr jeer weeraro kala duwan inay ka dhaceen wadada xiriirisa degmooyinka Jowhar & Balcad.

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Degmada Wanla-Weyn

Wararka aan ka helayno Degmada Wanla-weyn ee G/Shabeellaha Hoose ayaa ku warramay in Xa lay uu qarax khasaaro gaystay ka dhacay hal kaasi, waxaa na laga helayaa warar dhe eraad ah oo ku aaddan qaraxaasi. Wararku waxaa ay sheeg ayaan in Ciidan ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed lala eegtay qarax aasi, waxaana Ciidanku ay la socdeen Gaari nooca dagaalka ah, kaasi oo la sheegay in bur-bur xooggan uu soo gaaray.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Degmada Wanla-weyn ayaa soo sheegaya in Qaraxu ahaa mid xooggan oo jugtiisa laga maqlay xaafaha ay ka kooban tahay Degmadaasi.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana wararku ay tilmaama yan in ugu yaraan shan Askari ay ku dhaawacm een, kuwaasi oo xaaladdooda Caafimaad laga da yrinayo, iyadoo la geeyay goobaha Caafimaadka eek u yaalla degmadaasi.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uu liyadda Qaraxaasi, sidoo kale maamulka Gobolka Shabeellaha hoose iyo kan degmada wali wax ah kama soo saarin Qaraxaasi la sheegay in lala bee gsaday Ciidanka

Booliska Soomaaliya oo sheegay in la qab tay nin kufsi & dil geystay

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta lagu dhigay Nin Kufsi iyo dil kaam ku yaal duleedka M/Muqdisho ugu geystay Gabar 8 sano jir aheyd. Afha yeenka Ciidama da Booliska Soomaaliye ed Sadiiq Aadan Cali ayaa she egay in Dor raad oo ku beeg ne yd 26-ka Bisha

Janaayo Nin Mag aciisa ku sheegay Da ahir Maxamed Qaa sim laakin Magaciisa ras miga ah uu yahay Bashiir Ma xamed Qaasim uu kufsi iyo dil uu ka geystay kaam ku yaal duleedka Magaalada muqdisho.

Waxaa uu sheegay AfhayAenka in Ninkaasi uu kufsi isugu daray Gabar yar oo 8 sani jir aheyd xilli ay ku sugneydn kaamka Saddex Buurood oo ku yaal inta u dhaxeeysa degaannada Xaawa Cabdi iyo Calamada.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaal iyeed Sadiiq Aadan Cali waxaa uu hadalkiisa uu in taasi ku daray in eedeysanaha oo falkaasi qirsan gacanta lagu soo dhigay, isla markaana haatan la gu haayo xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da si baaris dheeraad ah loogu saeeyo, kadibna Maxkamad loo geeyo.

Ugu dambeyn Afhayeenka waxaa uu sheegay in qof walba ee gala dambi nooca uu doono ha ahaadee in hay’adaha amniga Dowladda federal ka ah ee Soomaaliya ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Xog cusub oo laga helayo baaritaanka lagu hayo dilka guddoomiyihii D/Hodan

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan booliska Soo maaliya islamarkaana ku dhow xarunta dambi baa tista ee CID, ayaa Caasimada Online sheegay in warar hord hac ah laga helay baaritaanka dalkii guddoomiyaha degmada Hodan.

Saraakiisha booliska ee xiran iyo ciidanka bool iska ee falkaas loo qabtay ayaa sheegay in gaar iga ay ku qaldameen islamarkaana ay raadinayeen gaari qaad wada. Saraakiisha iyo ciidanka xiran oo mid mid loo wareestay ayaa qirtay dilka iyo bixinta amarka balse ay wa xey sheegeen laba qodob oo kala ah.

1- In ay qabeen am ar ah in la soo qab to gaari qaad wado oo Muqdisho ku ji ro, kaas oo baadi goob lagu hayey.

2- Iyo markii la istaajiyay gaariga guddoomi yaha ay rasaas rideen ciidankii la socday, ink aatoo qodobkaan dood adag wali ka taagan ta hay, islamarkaana aan loo hayn wax caddeyn ah.

Baaritaanka kiiskaan ayaa aad u adag waxaa na ku soo jeeda indhaha dowladda oo dhan iyo xu bno siyaasiin ah oo ku beel ah marxuumka ah, kuwaas oo raba in xukunka si cadaalad ah u dhaco.

Dilka guddoomiyaha degmada Hodan ayaa bar madow ku reebay gudaha hay’adaha dowlada, wa xaana kordhay cabsida ay qabaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir. Baaritaanka kiiska ayaa weli socda, waxaana la filayaa in dhowaan laga soo saaro warbixin ra smi ah. Xigasho:Caasimadda.net

Madaxweyna Lafta-Gareen oo dalka kusoo laabtay, direyna hanjabaad culus

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Shalay dib ugu soo laabtay magaalada Ba ydhabo ee xarunta maamulkaas, kadib safar uu u gu maqnaa maalmihii u dambeeyay dalka Turkiga.

Lafta-Gareen ayaa ka hadlay xaalada amni ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo howl-galadii u dambeeyay ee qaadeen ciidamada Koo nfur Galbeed oo gacan ka helaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoona hanjabaad hawada u mariyay dagaalamayaa sha kooxdaasi, oo uu sheegay inuu maamulkii su u diyaarsan yahay la dagaalanka ururka Al-Shabaab, oo muddooyin kii dambe dhaq-dhaqaaq xoogan ka waday deega ano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu u hambaleeyay howl-gala dii ay sida wada-jirka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed uga fuliyeen deegaanka Seydheelow ee Gobolka Baay, oo la sheegay in 7 dagaalame oo kooxda Al-Shabaab lagu dilay.

Deegaano ka tirsan maam ulka Koonfur Gal beed ayaa wa xay go’doon geliyeen deegaano ka tirsan maamulkaas, iyada oo mararka qaar ay ka fuliyaan we eraro ka dhan ah amaanka.

Maamulka Koonfur Galb eed ee hogaamiyo Laf ta-Gar een ayaa muddooyinkii dambe bilaabay dar-dar gelinta dagaa lka Al-Shabaab, iyada oo ay xu sid mudan tahay in uu dhaw aan tagay magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo xaalad adag

oo go’doomin ah ay ka jirtay.


Dowladda Soomaaliya oo beesha Caalamka kala hadashay adkeynta Amniga goobaha doorashooyinka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xuk uumadda Federaalka Soomaaliya mudane Far xaan Cali Axmed ayaa kulan looga hadlayay xoo jinta amniga goobaha doorashooyinka la qaatay hay’adaha iyo wakiilada dalalka Soomaaliya ka taageero dhanka amniga.

Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan ara gga ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Taliyaha cii danka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ca bdi Xasan Maxamed Xijaar, Agaasimaha guud

ee Wasaarada amniga gudaha, xubno ka socday Wasaaradaha amniga ee dowlad Goboleedyada iyo Agaasimaha Qorsheynta iyo horumarinta ee Wasaaradda amniga.

Shirka oo inta badan diiradda lagu saaray arri maha booliska, ayaa waxaa kaloo inta uu socday la isla gartay xoojinta amniga goobaha loo astee yay doorashooyinka, qalabeynta iyo howlgelinta ciidanka daraawiishta heer Federaal.

Wakiilada dalalka iyo hay’adaha Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka ayaa Madaxda Wasaaradda amniga gudaha ku bogaadiyay dad aalka ay ugu jiraan xasilinta dalka, iyagoo balan qaaday inay fulin doonaan heshiisyada ay la sa xiixdeen Wasaaradda amniga, si loo adkeeyo Nabadgelyada guud ahaan dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuu madda Federaalka Soomaaliya mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in shirka la isku afg artay xoojinta Nabadgelyada goobaha doorasho oyinka lagu qaban doono, isagoo uga mahadcel iyay wakiilada dalalka iyo hay’adaha Soomaaliya ka taageero amniga sida ay ula shaqeeyaan Was aaradda.

Madaxweynaha Tanzania oo si adag uga dig ay talaalka Covid-19

Madaxweynaha dalka Tanzania, John Magufuli, ayaa shaqaalaha caafimaadka uga digay isticmaal ka tallaalka Covid-19.

Isagoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin ayuu sheegay in tallaalku uu dhibaato u keeni karo shacabka.

"Wasaaradda Caafimaadku waa in ay feejign aato, waa inaysan ku degdegin tallaalkan iyagoo aan cilmibaaris ku sameynin, tallaal kasta annaga muhiim nooma aha, waa inaan ka taxadarno,” ayuu yidhi Mr Magufuli.

"Tallaalku waa khatar. Haddii uu ninka cad la imaan karo tallaal, wuxuu mar hore u heli lahaa Aids-ka, kansar-ka iyo qaaxada.”

Madaxweyne Magufuli ayaa dadka reer Tanz ania ku boorriyay inay sii wadaa taxaddarka, isa goo sheegay in ducooyinka iyo dawooyin dhaq ameedka ay yihiin sida kaliya ee loola tacaali karo fayraska corona.

"Dalal badan xayiraad ayey ku jiraan, laakiin Tanzania ma qorsheyneyso xayiraad, walig een masoo saari doonno amar waddanka lagu xirayo, sababt oo ah ilaaheenna wuu nool yahay wuuna sii wadi doonaa inuu na ilaaliyo.” Ayuu yidhi.

Abiy Axmed oo markii ugu horreysay qoraal soo dhigay Twitter-ka kaddib wararka la xiriira xaaladdiisa caafimaad

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qoraal soo dhigay barta Twit ter-ka xilli maalmihii u dambeeyay baraha bulshada dalkaas laisla dhexmarayay warar ku saabsan xaaladdiisa caafimaad.

Abiy wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku ama anayo hogaamiyeyaasha maamul ada Oromada iyo Soomaalida gaar ahaan tageerada ay u muujiyeen dowladda.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la wa ayay warka Ra'iisul Wasaaraha maadama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada.

Hayadda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugid da ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya wax ay ugu yeertay "wararka ma rin-habaabinta ah" ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra'iisul Wasaaraha.

Hadalkan kasoo baxay dowladda ayaa hadal heyn hor leh dhaliyay taas oo ku saabsan halka uu jiro Abiy Axmed.

Waxaa laisla dhexmarayay warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra'iisul Wasaaraha gaar ahaan in dalka dibaddiisa loogu qaaday xaalad caafimaad darteed gaar ahaan dal ka Talyaaniga.

Madaxweyna Lafta-Gareen oo dalka kusoo laabtay, direyna hanjabaad culus

Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah oo la weeraray

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxa yaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya

oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMI SOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degaannada Taabta iyo Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah qaatay.

Dadka degaannadaas ayaa waxaa ay sheege en inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ade egsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka degaannada Taabta iyo Ba ar-Sanguuni waxaa ay sheegeen inay casbi balla aran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maad aama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaar aya degaananda Taabta iyo Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegay aan in Ciidamada Kenya ay degaannadaas ka wa daan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhig yada ay ku sugan yihiin la weeraray.

Daraasad cusub oo khatar ku tilShalayy istic maalka Baraha Bulshada

Isticmaalka badan ee baraha bulshada wuxuu dhaawac u geysanayaa maskaxda dhalinyarada, sida lagu ogaaday daraasad cusub oo lasoo saa ray. Cilmi baadhis ay sameysay hayadda waxbar ashada iyo fayo-dhowrka ayaa diiradda lagu saa ray barbaarta dhigata iskuullada hoose dhexe.

Wiilashada iyo gabdhahaba waxyeello caafimaad way kasoo gaartaa marka ay da'dooda tahay 14 sano, laakiin gabdhaha ayaa markaas kaddib ay shaqada maskaxdooda hoos u sii dhacdaa, sida ay daraasaddu ogaatay.

Waxay khubaradu sheegeen in qodob kale oo halistaas caafimaad sii xoo jinaya uu yahay jimicsi la'aan - gaar ahaan xilligan lagu jiro cudurka safmarka ah oo dhaqdhaqaaqyada ay yaryihiin.

Draasaddan ayaa sidoo kale sharraxday in:

Hal ka mid ah saddexdii gabdhoodba aysan ku faraxsaneyn muuqaalka jirkooda marka ay da'dooda tahay 14 sano, marka la barbar dhigo gabdhaha dugsiga hoose/dhexe dhammeystayna, tiradaas waxay noqotaa toddobadii gabdhoodba mid ka mid ah

Tirada dhalinyarada uu soo wajaho xanuunka maskaxda ay sare u kacday, ayna gaartay hal ka mid ah lixdii qof ee da' yar ah, taasoo sanadkii 2017-kii ahayd hal ka mid ah sagaalkii qof ee dhalinyaro ah.

Wiilasha ay ay kalsoonida naftooda ay ku qa baan ay aad u hooseyso marka ay da'dooda tahay 14 sano

Caafimaadka maskaxeed ee wiilasha iyo gab dhaha labaduba wuxuu hoos u dhacaa marka ay qaan gaar yihiin, halka gabdhuhu ay aad u sii dar an yihiin, sida ay daraasaddu sheegtay.

Hase yeeshee cilmi baaristu waxay sheegtay in gabdhaha ay kalsoonidooda fiicnaato marka ay ku dhawaadaan 20 jir, laakiin wiilashu ay wali ku sii jiraan xaaladdaas.

'Nafis ka raadin ama wehel'

Isticmaalka badan ee baraha bulshada ayaa horay lool xiriiriyay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah oo soo wajaha dadka, iyadoo aan loo eegeynin da' dooda ama heerka maskaxdooda. Balse gab dhaha ayaa horay loo sheegay in ay kala kulmaan walwal iyo rajo la'aan.

"Kuwa ay xaaladdoodu kasii darto waxaa laga yaabaa in ay baraha bulshada u galaan si ay ugu nafisaan ama wehel uga helaan," ayey tidhi Dr Amy Orben, oo cilmi baarista ka sameysa jaama cadda Cambridge.

Daraasaddan waxay natiijadeeda u cuskatay xog laga aruuriyay 5,000 oo qof oo ku nool Eng land.

Xog aruurin kale ayaa la sameeyay bishii Nov ember si loo ogaado saameynta uu dadka da'daas ah ku yeeshay cudurka safmarka ah ee corona.

Dhaqaalaha soo gala qoysaska, jimicsi la'anta iyo xasilooni darro caafimaadka maskaxda ah ayaa qeyb ka qaata xaaladaha caafimaad darro ee soo wajaha dhalinyarada, sida ay daraasaddan soo bandhigtay.

Waxay cilmi baaristan ku talisay in la joogteeyo jimicsiga.

"Dhalinyaradu waa in ay helaan adeegyo ka ca awiya caafimaadka maskaxda iyo jimicsi joogto ay," ayaa lagu yidhi daraasadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip