Mareykanka oo digniin adag soo saaaray

0
Thursday January 28, 2021 - 08:14:17 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo digniin adag soo saaaray

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxda ammaanka dalka Mareykanka ayaa ka digay khatar sare oo argagixiso gudaha ah, taas oo laga filan karo dadka aan ku faraxsaneyn natiijada doorashadii November.

Waaxda Ammaanka Gudaha ayaa sheegay in weerarkii ay taageerayaasha Trump 6-dii January ku qaadeen US Capitol uu sababi karo inay soo baxaan xagjiriin.

Waxay ka digtay khatar ka imaan karta dadka ka careysan howlaha dowladda.

Balse waxay intaas ku dartay inaan la ogeyn hadduu jiro qorshe gaar ah oo abaabulan.

Weerarkii US Capitol ayaa ku soo beegmay xilli Kongareeska ay kulan lahaayeen si ay u ansixiyaan guushii doorashada ee Joe Biden. Madaxweynihii markaas xilka ka sii degayay Donald Trump ayaa wax yar kahor taageerayaashiisa khudbad ugu jeediyay bannaanka Aqalka Cad wuxuuna ku cel celiyay sheegashooyin aan caddeymo loo heyn oo ah in doorashada lagu shubtay.

Wuxuu ku yiri: "Haddii aadan si adag u dagaallamin ma sii heysan doontaan dal.”

Kaddib koox ayaa u dhaqaaqday Capitol, iyagoo xoog ku galay dhismaha. Shan qof, oo uu ku jiray sarkaal booliiska Capitol ka tirsanaa, ayaa ku dhintay weerarka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip