Banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka dhacay

0
Monday January 25, 2021 - 22:30:44 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka dhacay

    Banaanbaxaan ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka wadajir iyo Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir, waxaana dhigay qaar kamid ah dadka ku nool degmadaas oo la soo abaabulay. Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Haween ayaa wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaanbaxaan ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka wadajir iyo Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir, waxaana dhigay qaar kamid ah dadka ku nool degmadaas oo la soo abaabulay. Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Haween ayaa waxa ay wateen boorar lagu xardhay Sawirka Madaxweyne Farmaajo, laguna qoray erayo ay kamid yihiin, Dhalinyaradii aad geysay ereteriya meel ku sheeg, farmaajo waa qaran dumis iyo Erayo kale. Qaar kamid ah dadka bannaabaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay ka codsadeen Madaxweyne Farmaajo in uu dalka isaga baxo, isla markaana iyaga aysan dooneyn waqtigaal dagaal. Waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay in uu ogolaado doorashada, sidoo kalena Bulshada Muqdisho aysan dooneyn dagaal iyo in Magaalada Muqdisho laga qaxo. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu banaanbaxa ka socday, iyaga oo kala eryay dadkii banaanbaxayaasha ahaa, si lamid ah sidii horay uga dhacday Magaalada Muqdisho.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip