Guddoomiye Mahad "Degmada Waaberi Waxa Ay Diyaar U Tahay Soo Dhaweynta Bahda Isboortiga Gudaha Iyo Dibada"

0
Monday January 25, 2021 - 21:56:09 in Wararka by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Mahad "Degmada Waaberi Waxa Ay Diyaar U Tahay Soo Dhaweynta Bahda Isboortiga Gudaha Iyo Dibada"

    Maamulka Isboortiga Degmada Waaberi ayaa sheegay in uu diyaar u yahay soo dhaweynta bahda ciyaaraha Soomaaliya ee joogta gudaha dalka iyo laacibiintii hore ee ku soo laabanaysa Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka kala imaanaya Waqooyiga America,Yurub iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Isboortiga Degmada Waaberi ayaa sheegay in uu diyaar u yahay soo dhaweynta bahda ciyaaraha Soomaaliya ee joogta gudaha dalka iyo laacibiintii hore ee ku soo laabanaysa Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka kala imaanaya Waqooyiga America,Yurub iyo dalalka carabta.

"Qurbajoogta kaalin weyn ayay ka qaateen dib u dhiska iyo Horomarka Soomaaliya” ayuu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya mudane Cabdifataax Qaasim

"Degmada Waaberi waxa ay diyaar u tahay soo dhaweynta bulshada Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibada”ayuu munaasbada ka sheegay Mahad Maxamuud Axmed (Boorow) oo ah guddoomiyaha kubbadda cagta Degmada Waaberi.

"Waxaaan ku faraxsanahay in aan Muqdisho kula kulmo dad ay isku danbeesay mudo 30-sano ah” ayuu sheegay Ganasade Carafaat Cabdullahi Cabdi.

"30-kii sano la soo dhaafay waxaa qeyb ka qaadanay horomarka Soomaaliya” ayuu saxaafadda u sheegay Dalmar Cusmaan oo ka mid ah qurbajoogta kala soo laabtay Londan

"waxaan diyaar u nahay in aaan caawinyo bahda ciyaaraha Soomaaliya” ayuu balan-qaaday Cabdullahi Xaashi oo horay u ahaa ciyaaryahan horay kana mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka UK.

"Waxaan dhaqaal lacageed u aruurinaa ciyaartooydii hore ee ku dhiban gudaha dalkeena Soomaaliya” ayuu munaasada ka sheegay Saadaq Faarax Ducaale oo ka tirsan urur ay ku midoobeen ciyaartooydii hore ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip